Xuskii halgame cabdulahi ciise maxamuud

March 31, 2008 at 5:52 pm | Posted in SYL (Somali Youth League) | Leave a comment
Tags: ,


Xuskii halgame cabdulahi ciise maxamuud oo ku beegan 24 ka marso 2008 oo ku soo aday iyadoo dalka soomaaliya ay heestaan cadoow soo jireen ah ayaan soo kobena tariikhda halgame cabdulahi ciise maxamuud

Muqdisho 23/03/2008 march Waagacusub.com

IN kastoo ay Taariikhdu tahay mid aan dugoowin mantoo kale shacbiga soomaaliyed waxey wayeen halyeey taariikhda soomaalida ku ween kaaso ahan ahan halgame C/llaahi ciise maxamuud 24kii bishii Maarso 1988 waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku geeriyooday Allaha u naxariistee halgame C/llaahi Ciise Maxamuud maanto kale sandii 2008 ayeey ku begneed iyadoo xuska halgamee cabdulahi ciise maxamuud uu ku soo adey iyadoo wadanka soomaaliya uu heesto gumeeysiga soo jireenka ahan ee itoobiya ayaa ku soo adey mantey iyadoo mantey kale magaala madaxda dalka soomaaliya ee muqdishow si ween laga xusi jirey iyo goobo badan oo dalka ahan hadana inkasto dadki soomaaliyed ay la daala dhaciyaa dhibaatoyinka uu badey gumisga cusub isgoo barkicin iyo xasuuq bahasan ku hayo hadan qalbiyada dadka soomaaliyed ee wadaniyinta ahan waa ku weynaan doontaa manto oo kale 24 marso waa malin ay wayeen halyeey qali ahan.

Sidoo kale mantey waxaa loo halgamiyaa xuriyadii wagaasi uu hurmuudka ka ahaa cabdulahi ciise maxamuud halganka ay shacbiga soomaaliyed ku jiraan iyo sida geesiyasha soomaaliyed dhiigoda ugu dadiniyaa difaacida dalkooda hooyo hadaba si aan wax badan uga ogaano taariikhada fac ween ee halgame cabdulahi ciise maxamuud ayaa qalinka waxaa qatey qoraaga calmiga ahan fuad maxamed cilmi fuaad deeqsi oo ahaan qoraa xaga taariikhda ku xeel dheer hadaba waxaay ku bilawaneysaa sidataan taariikhda hagalme cabdulahi ciise maxamuud sidatana.

Taariikhdii iyo Halgankii Halyeey

Marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud oo kooban

Halgame Marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1922.

Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu aabbihii dhintay asaga oo abeydin ah, waxaa soo korisay soona taakuleysay ilaa intii uu ka hanaqaaday hooyadiis Allaha u naxariistee Mareero Diini.

Muddo ka dibna waxaa C/llaahi Ciise iyo hooyadiis u soo wareegeen magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka bilaabay dugsi qur’aan, waxbarashadii hoose/dhexe waxa uu ku qaatay Muqdisho.

1938 waxaa uu ka qalin jabiyey dugsigii sare ee dowlada Talyaaniga asaga oo 16 jir ah waxa uuna karaani (maamule xafiis) u noqday dowladii Talyaaniga ee markaas waddanka gumeysan jirtay.

Dagaalkii labaad ee dunida intii uu socday ayaa Ingiriisku qabsaday dalalkii uu gumeysan jiray Talyaanigu sida Liibiya, Eritereeya, Itoobiya iyo Koofurta Soomaaliya, waxa uuna Ingiriisku xukunka ku soo celiyey Boqorka Xeyle Salaase oo managalyo siyaasadeed u joogay London kadib markii Talyaanigu qabsaday Itoobiya 05-05-1935.

Ingiriisku waxa uu haystay markii hore saddex qeybood oo dalka ka mid ah sida Waqoogi Galbeed, Soomaali Galbeed iyo NFD.

Bishii Abriil 1941 waxa uu ku darsaday qaybtii Koofureed ee Soomaaliya uu Talyaanigu gumeysan jiray.

Haddaba Soomaalidu waxa ay bilaabeen halgan gobonimo doon, waxa ayna fureen gole dhalinyaro 15-05-1943 oo la magac baxay naadiga dhallinyaada Soomaaliyeed SYC (Somali Youth Club) golahaas dhallinyaro waxaa aasaasay 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo kala ahaa:

1. C/qaadir Shiikh Sakhaawadiin

2.Yaasiin Xaaji Cusmaan

3. Xaaji Maxamed Xuseen

4. Maxamed Cusmaan Baarbe

5. Khaliid Nuur Huudoow

6. Dheere Xaaji Dheere

7. Siidiin Nuur Xirsi

8. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhagaweyne)

9. Cali Xasan Maslax (Barduuro)

10. Cusmaan Geedi Raage

11. Maxamed Faarax Hilowle (Ferinajo)

12. Maxamed Cabdalla Xasan (Xayeesi)

13. Maxamed Cali Nuur

SYC (Somali Youth Club) waxaa guddoomiye u noqday C/qaadir Shiikh Sakhaawadiin, xoghayena waxaa u noqday Yaasiin Xaaji Cusmaan. Haddaba sanad guuradii 4 ee SYC 15-05-1947 waxaa la doortay hogaan cusub oo SYC yeelatay ayada oo guddoomiye loo doortay Xaaji Maxamed Xuseen, xoghaye guudna waxaa loo doortay C/llaahi Ciise Maxamuud .

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud si halganka loo dardar geliyo waxa uu keenay qorshe siyaasadeed (political program) magacii hore ee SYC-na waxa uu u badalay SYL (Somali Youth League) waxa uuna soo saaray Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud barnaamijkiisii siysaasadeed dood iyo falaqeyn ka dibna ay SYL 100% taageertay barnaamijkaas waxa uu ka koobnaa 5 qodob oo kala ah:

1. In la raadiyo gobanimada iyo xorriyada shanta Soomaaliyeed oo mideysan

2.In lala dagaalamo dhaqanka kala qaybinta ee qabyaalada ku dhisan

3.In laga taqaluso cidii ka hortimaada danta Soomaaliyeed

4.In waxbarashada lagu baahiyo dalka, lana dhiso aqoonta iyo waxqabadka dhallinyarada

5. In la qoro afka Soomaaliga

SYL, waxa uu ahaa ururkii ugu horeeyey ee siyaasadeed ee Soomaaliya laga furo waxa uuna hantay taageerada iyo kalsoonida dhammaan shanta qaybood ee dalka. Gumaysigii Ingiriisku si qarsoodi ah ayuu u taageersanaa SYL, markii dambana si cad ayuu u taageeray asaga oo u ogolaaday askartii jandaarmari iyo booliska inay qortaan SYL, asaga oo ka lahaa danihiisa gumeysi maadaama uu xukumayey guud ahaan degaanka Soomaaliyeed marka laga reebo qaybtii Faransiiska gumeysan jiray ee Jabuuti.

Sidaa darteed, ayuu Ingiriisku u baahday in uu u sameeyo maamul dhexe (central authority) qaybaha koofureed, waqooyi, Soomaali galbeed iyo NFD si dalka oo dhan u hal meel uga hogaamiyo, arrintaas fulinteeda waxaa qorshe u diyaariyey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo isticmaarka ee Ingiriiska oo la oran jiray Sir Ernest Bevin. Qorshaha Bevin plan waxa uu ka koobnaa saddex qaybood oo kala ahaa:

1. In la mideeyo dhulka Soomaaliyeed ee shanta qaybood loo qaybiyey

2. In qaybaha Soomaaliyeed maamul siyaasadeed oo mideysan loo dhiso

3. In Ingiriiska oo hadda qaybaha Soomaaliya intooda badan gacanta ku haya gaarsiiyo gobanimada (trusteeship)

Sir Ernest Bevin waxa uu talo ku bixiyey in la dhaqan geliyo fikrada ah Soomaaliya weyn (great Somali).

Markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida lana dhisay qaramada midoobay ayaa la bilaabay in laga hadlo dalalkii uu Talyaanigu gumeysan jiray ee uu Ingiriisku qabsaday sida koofurta Soomaaliya sidii laga yeeli lahaa. Sidaa darteed waxa ay qaramada midoobey go’aansatay in loo diro koofurta Soomaaliya wafdi ka kooban afartii quwadood ee markaasi jiray (four power commission) oo xaqiiqo raadis ah oo kala ahaa:

1. Mareykanka

2. Ruushka

3. Ingiriiska

4. Faransiis

Haddaba waxaa jiray in Talyaanigu ogaaday in Soomaaliya loo diri doono gudi ka kooban afartii quwadood ee markaasi jiray adduunka, waxa uuna sameeyey Talyaanigu olole ay kaga hortagayaan qorshaha siyaasadeed ee SYL, waxa ayna abuureen toddobo urur ee ka soo horjeeda SYL oo pro-italian ah oo kala ahaa:

1. Xisbiyo digil iyo mirifle, Raxaweyn

2.Somali African union Habargidir iyo Murusade

3. Somali progressive league Majeerteen

4. Abgaal youth association abgal

5. Biyomal union biyomaal

6. Xayatul Islaam mobleyn iyo shiidle

7. Ex. Competent isku jir Soomaaliyeed .

arrintaas waxaa fuliyey Talyaaniga dalka joogay oo uu ka mid ahaa Sing. Calzia Vincenzo oo ahaa madaxa xoghaynta munishiibiyada Muqdisho horana uga tirsanaan jiray wasaarada arrimaha gudaha Talyaaniga.

Run ahaantii qorshihii Ingiriiska ee Bevin plan, (Soomaali weyn) dad badan oo taageerayaashii SYL ahaa ayaa aad iyo aad ugu riyaaqsanaa, waxa ayna soo jeediyeen in ay SYL ka codsato wafdiga afarta quwadood marka ay dalkda yimaadaan in ay u gudbiyaan in Ingiriisku ku gaarsiiyo muddo toban (10) sano xornimada Soomaaliya, maadaama dalka intiisa badani uu gacanta ku hayo Ingiriisku.

Haddaba golaha dhexe ee SYL oo uu guddoominayey Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud waxa ay fadhi ka yeesheen qorshihii ay hordhigi lahaayeen wafdiga afarta quwadood bishii Nofeembar 1947, golaha dhexe ee SYLna waxa uu isku raacay in tobanka (10) sano ee trusteeship-ka ay gaarsiiyan guddi ka kooban afarta quwadood ee markaasi jiray.

Haddaba wafdigii qaramada midoobay ee xaqiiqa raadiska ahaa (four power commission) ayaa Muqdisho yimid 7, Janaayo 1948 si ay u soo eegaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, waxa ayna la kulmeen banaan baxyo nabadeed oo SYL samaynaysay iyo rabshado ay abaabuleen xisbiyadii kale ee pro-itaaliyaanka ahaa oo soo qaatay calnak Talyaaniga sameeyayna buuq badan si ay u muujiyaan SYL ineysay ahayn quwad kaliya ee dalka ka jirta.

Taariikhdu markii ay ahayd 11, Janaayo 1948 dagaal ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo yaqaano ha noolaato, dagaalkaasi waxaa uu u dhexmaray SYL iyo Talyaaniga oo garab siinaayey ururadii pro-itaaliyaanka ahaa oo uu hogaaminayey Xasan Barre Tooxoow waxa ayna weerareen xaruntii dhexe ee SYL, dagaalkaas waxaa ku dhintay 52 ruux oo Talyaani ahaa iyo 15 ruux oo u badnaa pro-itaaliyaani iyo Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako), inkasta oo SYL laga gardarnaa hadana waa guuleysatay SYL taas oo ku timid ruxii waddaniga ahaa iyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed u qabeen SYL.

Haddaba 20-1-1948 ayay S.Y.L la shirtay wafdigii four power commission:-

Waxaa leegada uga qayb galay shirkii four power commission Mudane:

1.C/laahi Ciise Maxamuud

2. Maxamed Axmed Cilmi “Ottavio”

3. Xaaji Faarax Cali Cumar

4. Xaaji Bashiir Ismaaciil Faahiye

5. Shariif Maxamed Cusmaan (Cambuur Dheere)

6. Xaaji Maxamed Xuseen

Sidoo kalena four power commission waxaa shirka uga qayb galay:-

1.USA – Mr. John Ellrington utter

2. USSR – Mr. Artemy Feodorovitch Feodorov

3. France – Mr. Etiem Butin Des Roziers

4. UK – mr. Frank Edmand Stafford

Xisbiga SYL waxa ay afarta quwadood ee qaramada midoobay waydiisteen: in Soomaal weyn oo mideysan ay madax bannaanida gaarsiiyaan guddi ka kooban afarta quwadood (four power commission), madax banaanidana lagu gaarsiiyo mudo toban sano ah, 10 xisbiyadii kale ee 7 ahaa oo pro-talyaaniga ahaa waxa ay codsadeen in loo dhiibo Talyaaniga asaguna madax banaanida ku gaarsiiyo dalka mudo dhan afartan sano (40).

Xisbiyadii SYL iyo SNL waqooyi galbeed waxa ay xoghaya guud ee qaramada midoobey Mr. Trygve Lie u direen warqad (memo) ah ee ay ugu sheegayaan in Soomaalida inteeda badan ay doonayaan in Soomaaliya oo mideysan ay xoriyada gaarsiiyaan afarta quwadood ee markaasi jiray (four power commission).

Sidaa darteed siyaasadii Ingiriiska ee markii hore taageersaneyd SYL waa isbeddeshay waxa ayna u arkeen SYL in ay tahay xisbi hantiwadaag (shuci) ah oo ka soo horjeeda danaha Ingiriiska, waxa ayna Talyaaniga iyo Ingiriisku qabanqaabiyeen heshiis gaar ah oo loo yaqiin sforza; Bevin plan, ayaga oo shir isugu yeeray afarta quwadood ee markaas jiray magaalada Paris 1948 shirkaas oo ay ololeynayeen labada wasiir ee arrimo dibadeed Talyaaniga iyo Ingiriiska, Sign.

Count Carlo Sforza iyo Sir. Ernest Bevin oo ku shiray London 5-6 May 1949 iyaga oo isla garteen in koofurta Soomaaliya lagu celiyo Talyaaniga hadaba markii loo soo bandhigay arrintaas (four power commission) waa isku khilaafeen waana ku kala tageen, waxa ayse isku raaceen in arrinta Soomaaliya loo gudbiyo xarunta qaramada midooobey ee New York.

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud 1948 markii uu ka dhoofayey Muqdisho isticmaarkii Ingiriisku waxa uu diyaariyey talaal sun ah oo ay doonayeen in ay ku dilaan C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa ayna amar ka dhigeen in cid aan la talaalin dhoofi Karin, SYL markii ay arrintaas ka warheshay walwal ayaa ku kordhay laakiin Ilaahay mahadiis waxaa SYL madaxdeeda ka mid ahaa Mudane Maxamed Yuusuf Aadan Muuro oo aan laga aqoon C/llaahi Ciise si weyna ugu ekaa; mudane Muuro ayaa yiri intii xoriyadda la weyn lahaa ha lay waayo sidaas ayaana Mudane Maxamed Yuusuf Aadan Muuro, C/llaahi Ciise ahaan loogu talaalay isaga oo muddo lix bilood dhan sariir u jiifay talaalkaas awgiis.

Mudane C/llaahi Ciise waxa uu Muqdisho ka dhoofay 18kii Oktoobat 1948dii wuxuuna London gaaray 30-10-1948, wuxuuna London kula kulmay Mr. Ibraahim Maxamed madaxa SYL ee Liverpool iyo Mr. Ducaale Maxamed oo ahaa xoghayaha SYL ee Cardiff, mudane C/llaahi Ciise iyo raggani waxay wadatageen shirka Paris ka dhacayay si ay qaddiyada Soomaaliyeed halkaas uga jeediyaan Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud markii uu tegay magaalada Paris gaar ahaan Lexass una arkay sida shirku ku dhammaaday, waxa uu uga sii gudbay magaalada (New York), waxa uuna halkaas ka helay rag Soomaaliyeed oo damiir wadaniyadeed leh kalana ahaa:

1.Cali-nuur 2. Maykal Maryama 3. Avv. Saloola, si fiican ayeyna Mudane C/llaahi Ciise ula shaqeeyeen saddexdaan nin. March 1949 markii Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud uu gaaray Newyork waxaa uu bilaabay in uu si xiriira uga hadlo warbaahinta Mareykanka isaga oo isticmaalay 3 raadiyo TV broadcost stationts oo midkiiba uu ka kiraystay 10 daqiiqo.

Sidoo kale 13kii May 1949kii markale ayuu ka hadlay qalabka warbaahinta Mareykanka isaga oo si cad u sharaxay qaddiyadad halganka gobonimadoonka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa 21ka Abriil 1949 Newyork gaaray conferenza group oo ahaa dalad pro-talyaani ah, waxay kala ahaayeen:

1. Islaw Mahadalle Maxamed,

2.Saalax Shiikh Amiin,
3. Yaasiin Cali Sharmaake. Waxayna diidanayeen in Soomaaliya xornimo gaarto, waxayna ku doodayeen in Talyaanigu Soomaaliya maamulo waligeed ama middo 40 sanno ah Soomaaliya uu Talyaanigu xorriyada ku gaarsiiyo.

Haddaba markii qaramada midoobey xaruntooda New York laga dooday arrant Soomaaliya waxaa Ingiriiska iyo Talyaanigu soo cusbooneysiiyeen qorshihii Sforza iyo Bevin, arrintu markii ay halkaasi mareysay Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud 13kii June 1949kii isaga oo jooga Newyork waxa uu u soo diray SYL qoraalkii caanka ahaa ee la magac baxay (appello ai Somali) oo ugu sheegayo SYL khatarta uu wato qorshaha Sforza/Bevin plan, arrintaas qaramada midoobey misna waa ku kala jabtay, waxa ayna kala noqdeen laba kooxood una kala baxay sidan:

1.kooxda kowaad oo ka kobneyd reer galbeedka watayna fikrada Sforza/Bevin paln,

2.kooxda labaad ee ka koobneyd reer bariga oo diidana fikrada Sforza/Bevin plam, hase yeeshee waxaa guushu raacday kooxdii diidaneyd fikrada Sforza/Bevin paln guushaas oo ku timid markii ninkii matalayey dalka Hayti oo madow ahaa garanayeyna macnaha gumeysiga iyo xumaantiisa, Mudane C/llaahi Ciise Maxamuudna uu horay uga dhaadhiciyey qadiyadda halka gobonimadoonka Soomaaliyeed ee SYL, ninkaas ayaa khilaafey amarkii dowladiisa, codkiisana siiyey kooxdii diidaneyd fikradii Sforza/Bevin plan, isla markaas ninkaasi waa iska casiley xilkii uu dowladiisa u hayey taasina waxa ay ku timid diblomaasiyada u Mudane C/llaahi Ciise ka dhaxwaday xarunta qaramada midoobay.

Ninkaas Haytiga ah markii xorriyadda la gaaray bilad ayaa la siiyay iyo dhalashada Soomaaliya waxana kaloo la ballan qaaday nolasha asaga iyo qoyskiisa.

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud waxaa uu suuro galay in qaramada midoobay galabnimadii 21 Nofeembar 1949 soo saarto resolutiare No= 289 oo ay ku go’aamisey in koofurta Soomaaliya lagu wareejiyo Talyaaniga ee (Trusteeship) muddo 10 sano ah xoriyaddda ku gaarsiiyo hase yeeshee waxaa la dhinac dhigay gudi ka socda qaramada midoobay oo ka kal socday: dowladaha Koloombiya, Masar iyo Filibiin si ay u ilaaliyan howlaha xoriyad gaarsiinta sida ay u socdaan.

Fikradda ah in la dhinac dhigo guddi ka socda qaramada midoobay oo ka kooban, Kolombiya, Masar iyo Filibiin waxaa lahaa wakiilkii Lubnaan u joogay qaramada midoobay.

Sidaas awgeed Ingiriisku waxa uu aad uga carooday sida ay ku dhamaatay arrinta Soomaaliya ee uu ku rajada weynaa in asaga loo dhiibo, waxa uu kaloo ka xumaaday SYL oo codsigeeda aan ku darin inay asaga doortaan, waxa uuna soo rogay wax la yiraahdo kabandha oo uu horey uga hirgaliyey bariga Afrika, laakiin taas SYL ayaa si xoog leh uga hortagtay.

Markii ay taariikhdu ahayd 23 Siteembar 1948 waxa uu Ingiriisku bixiyey qayb ka mid ah Soomaali galbeed oo uu ku daray wadanka Itoobiya sida oo kalena qayb kale oo ka tirsanayd maamulkii waqooyi ee British Somaliland (howd reserve area) waxa uu ku daray Itoobiya 23 Feb 1955kii sidoo kalena wuxuu bixiyay gobolkii N.F.D oo uu ku daray asagana dalka Kenya 1963.

xadgudubka Ingiriisku intaas kaliya kuma ekaan ee waxa uu fuuqsaday ama qaatay (trinkii) isku xirijiray magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar waxa uu kale oo uu rartay warshadii cusbada ee ku tiilay Xaafuun oo markaas soo saari jirtay cusbada waqtigaas adduunka ugu tayada wanaagsaneyd.

Haddaba markii uu xalku halkaas marayo Mudane C/llaahi Ciise Maxamuudna wa kii SYL horey uga soo qoray (appello ai Somali) kuna sharxay meesha arrintu mareyso waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal lagaga soo horejeedo xad gudubkii Ingiriiska 5 Oktoobar 1949 dagaalkaas oo la magac baxay dhagaxtuur waxa uu dhaxmaray dagaalkaasi Ingiriiska oo hub casri ah ku diriraayey iyo SYL oo dhagax ku dagaalamaysay, dagaalkaasna waxaa ku geeriyooday dad badan oo Soomaali ahaa.

Maamulkii AFIS ee Abriil 1950 – Juun 1960

Waxaa Ingiriisku qaybta koonfureed ee Soomaaliya maamulkeeda ku wareejiyey maamulkii Talyaaniga ee xoriyada gaarsiinta (Ammistrazione fiduciaria italiana della Somalia) 01 Abrill 1950. Afis markii ay howsha bilowday xaalada koonfurta Soomaaliya waa ka sii dartay, tirada xisbiyadii pro-talyaaniga ee markii hore dhamaa 7 xisbi waxay gaareen ilaa 22 xisbi oo kala ahaa sidan:

1. Xisbiyo Digil iyo Mirifle Raxaweyn

2. Somali African Union Habargidir iyo Murursade

3. Somali progressive league Majeerteen

4. Abgal youth association Abgaal

5. Biyomaal union Biyomaal

6. Itixaad al Islaam Mobleyn iyo Shiidle

7. Ex. Competent Isku jir Soomaaliyeed

8. Somali national league Biyomaal iyo Mareexaan

9. Somali national union Xawaadle iyo Gaaljecel

10. Somali patriotic union Dir

11. Somali democratic union Shiidle

12. Banadir youth Reer Xamar iyo reer Markood

13. Abgalia Abgaal

14. Afgoye/Awdhegle group Digil

15. Dir youth association Dir

16. Murursade block Murursade

17. Bajiuni fichirini youth Bajuun

18. Ancora Bajuun

19. Giamgiamoga Reer goleed

20.Palma Beeraley

21. Leopardi Beeraley

22.Jareeri manofero Jareer

AFIS waxa ay kale oo bilaabeen in Talyaani badan dalka soo galiyaan, shaqaale badan oo Talyaani ahaana ay qortaan, dhulka beeraha intiisa badana waxaa la wareegay Talyaani. Intaas kadib Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, xoghayihii guud ee SYL dacwad ayuu u qoray qamada midoobay 18 Oktoobay 1950 oo uu ku eedeynayo maamulka AFIS in uu ka leexday waajibaadkii loo xilsaaray, Mudane C/llaahi Ciise waxaa uu qaramada midoobay ka codsaday in la sameeyo guddi la tashi (consultative council) oo awood leh Mudane C/llaahi Ciise waxaa kale oo uu qaramada midoobey ka codsaday in Soomaaliya laga difaaco anjabiga dalka ku soo qulqulaya gaar ahaa kuwa Talyaaniga.

Haddaba AFIS aad ayey uga carootay talaabada ay SYL qaaday horseedna uu ka ahaa Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa ayn AFIS gudoonsatay in ay fuliyaan tallaabooyinkan:

1.in ay u hawl galaan sidii loo baabi’in lahaa SYL

2.in ay Soomaalida qabiil/qabiil loo qaybiyo lana abaabulo dagaalo beeleed

3. in la adeegsado madaxdii sare ee ka tirsanaan jirtay fashiistiga ee dalka joogay sida, gualtiero Bernerdelli, Copassp, Comela, Chaproni, Ducati iyo Avv. Soleri

xad gudubka AFIS intaa oo kaliya kuma ekaan ee waxa ay dhiseen gole la tashi qaran oo loo bixiyey (Territorial Council) oo ka koobnaa 35 xubnood oo Soomaali ah; AFIS golahaas waxa ay ugu tala gashay in ay ku fushadaan danahooda gumeysi, qorshahaasna waxaa uu ansixiyey qaramada midoobay oo soo saartay qaraar. AFIS si ay u caburiso halgankii SYL ee gobonima doonka ahaa, waxa ay dadka Soomaaliyeed waydiin jireen qabiilkiisa, kii markaas qabiil sheegta way sii deyn jireen midkii Soomaali sheegtana way xiri jireen waana garaaci jireen.

195tii SYL waxa ay ku guulaysatay siyaasad ahaan in ay ku qancisay qaramada midoobey in la isfeer suro calamada qaramada midoobey, Talyaaniga iyo kan Soomaaiiya sidaas darteedna golaha dhexe ee SYL oo uu hoggaaminayay Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud waxa ay uu soo bandigeen qaybaha kala duwan ee SYL in qolo waliba soo bandhigto qaabka ugu habboon ee calanka Soomaaliyeed u ekaan doono.

Haddaba, markii qayb walba oo ka mid ahaa SYL soo bandhigeen aragtidooda ku wajahan sida calanka Soomaaliyeed u ekaan karo lana soo aruuriyey fikrado badan, waxaa SYL uu suuro gashay 12kii Oktoobar 1954 in ay soo saaran qofkii ku guleystay, qaybtii dhallinyarada shaqeysa ee SYL nin ka tirsanaa ayaa ku guulaystay oo soo bandhigidii calamadii lagu tartamayey, sidaas darteed ayaa calanka soomaaliyeed ee maanta Soomaalidu leedahay soo ifbaxay. Ninkaas magaciisu waa Mudane Maxamed Cawaale Liibaan; taariikhda 12ka Oktoobarna sidaas ayay ku noqotay maalinta calanka Soomaaliyeed waxaana ay ka mid tahay maalmaha ciiddaha qaranka.

Mudane Maxamed Cawaale Liibaan waxaa uu sharaxaad ka bixiyey calanka uu soo bandhigay isaga oo u sharxay sidaan:

1. midabka baluugga ah waxaan u doortay in uu u ekaado kan qaramada midoobey ee noo ogolaatay in ay xornimo na gaarsiiso

2. xidigta shanta gees ee isla’eg ah waxaan ula jeedaa shanta qaybood ee Soomaaliya isticmaarkuna qayb qaybiyey 1884 in ay kulmiso

3. midabka cad ee xidigtana waxa aan ula jeedaa in Soomaaliya nabad lagu mideeyo laguna doono kuwa maqan
Dowladdii daakhilyada ee 1956 – 1960kii

Halgankii SYL oo uu hogaaminayey Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud, waxa uu ku guuleystay in la sameeyo doorasho siyaasadeed ka dibna la baabi’iyo golaha degaanka ee (territorial council). Bishii Maajo 1956 waxaa la qabtay doorashadii ugu horreysay oo ka kooban 80 kursi, 60 kuris oo lagu tartamayey iyo 20 kursi oo aan lagu tartamayn loona qoondeeyey ajnabigii dalka joogay oo kala ahaa sida, Talyaaniga, Hindi iyo Carab, 80kaas xildhibaan waxa ay ka mid noqdeen baarlamaankii ugu horreeyey dalka Soomaaliya, waxaana lagu dhisay dikreeto 17 abriil 1956 waxaana loo kala helay SYL waxa ay heshay 44 kursi intii soo hartayna waxaa qaybsaday saddexdii urur ee kale sidaas darteedna SYL ayaa ku guuleysatay in ay soo dhisto dowladii ugu horeysay waxaana hogaaminayey Ra’iisul wasaare.

Dowladaas daakhiliga ahayd waxaa Ra’iisul wasaare loo doortay Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud.

Waxaana lagu dhisay decreto No.1 ee 7dii Maajo 1956 (dikreeto No=1 7dii Maajo 1956dii.

7dii Maajo 1956 dowladii daakhiliga ahayd waxay u dhisnayd sidatan:

1.Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud – prime minister

2.Xaaji Muuse Boqor – minister of interior

3.Mr. Salaad Cabdi Maxamuud – Minister of finance

4.Xaaji Faarax Cali Cumar – minister of economic affairs

5. Mr. Maxamed Cabdi Nuur “Juuje” minister of public works

6.Shiikh Cali Jimcaale Baraale – minister of social affairs

Haddaba 1959kii Bishii May doorasho siyaasadeed oo loo tartamayay 90 kursi waxaa mar labaad ku guuleystay SYL waxaana ra’iisul wasaare noqday Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud oo hoggaaminayey dawladdii daakhiliga ilaa xorriyadda gaaray 1dii Luuliyo 1960kii wuxuuna soo dhisay xukuumadiisii labaad oo ahayd sidan:-

1.Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud – prime minister

2.Xaaji Cumar Sheegow – minister of parliament affairs

3.Xaaji Cusmaan Axmed Roob – minister of finance

4.Shiikh Maxamuud Maxamed Faarax – minister of justice

5.Xaaji Faarax Cali Cumar – minister of commercial industry

6.Maxamed Cabi Nuur “Juuje” – minister of public works and communication

7.Maxamed Yuusuf Aadan “Murdo” – minister of education

8.Shiikh Cali Jimcaale Barode – minister of health and lobor

9. Salaad Cabdi Nuur – minister of agriculture and liverstock

10.Cabdi Nuur Maxamed Xasan – minister of general service

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ahaa shaqsigii hogaaminayey halgankii mudada dheer soo waday ururka SYL waxa uuna haystay taageerada iyo kalsoonida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, sidaa ayuuna ku mutaystay xilka Ra’iisul wasaaranimada, dowladii Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud hoggaaminayay awoodeedu waa iska xadidnayd oo wali gumeysi ayaa dalka joogay, waxaana laga haystay awoodda kama dambeysta ah, sida garsooorka, gaashaandhiga iyo arrimaha dibedda, hadana dadaal badan ayey dowladaasi sameysay ee arrimaha gudaha iyo gogol xaaridii midnimada labada gobol ee koofur iyo waqooyi iyo kuwa kaleba 16kii Maajo 1956dii mudane C/llaahi Ciise Maxamuud wuxuu dhisay qaabeeyeyna qaab dhismeedka shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed the organizational structure of the Somali civil service wuxuu habeyey shuruudaha iyo xaaladaha shaqaalaha dowladda (terms and conditions of civil service) wuxuu mudane Cabdullaahi u saldhigay mushahar darajadeedka qaybaha kala duwan (salary scales of different categories) daryeelka iyo abaalmarinadooda kale oo aan mushaar ahayn (other non salary rewards and benefits), mudane C/llaahi Ciise wuxuu kaloo dhisay maamuladii gobollada iyo degmooyinka dalka, oo nimaadyadii dalka soo maray iska dhaxlay. 10/10/1956.

Sidoo kale doladaasu waxa ay ku guulaystay sameynta iyo ansaxinta summada ama astaanka qaranka Soomaaliyeed ee ilaa maanta la isticmaalo Emplama della Somala oo ku soo baxday sharci No. 11 10.10.1956. Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud 12kii Abriil 1960 waxa uu abaabulay saxiixayna dekreetadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana xafladii aasaaska xoogga dalka lagu qabtay garoonkii kubadda cagta ee Shabeelle ku yiilay, waxa uuna C/llaahi Ciise Maxamuud Taliyihii xooga dalka u magacaabay Da’uud Cabdule Xirsi halkaasoo uu ugu dalacsiiey darajada (Jeneraal) waxuu kaloo jeneraal u dalacsiiyey Maxamed Abshir Muuse una magacaabay taliyaha ciidana Booliska Soomaaliyeed, arrintaas oo ummada Soomaaliyeed aad ugu faraxday dhinaca kale gumaysigii Ingiriisku waxa uu u oggolaaday 1959kii qaybtii waqooyi galbeed ee Soomaaliya in ay samaytaan tartan doorasho siyaasadeed ka dibna la dhiso dowlad daakhili ah, doorashadaas oo ka koobanayd 33 kursi waxaa ka qayb galay ururada “Somali national league” (SNL) United Somali part (USP) iyo National united front (NUF).

Waxaa ra’iisull wasaare ka noqday Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, dowladaas daakhiliga ah waxa ay jirtay ilaa gobolada waqooyi madax bannaanidooda gaareen 26kii Juun 1960kii.

Dowladdii waqooyi galbeed ee Soomaaliland markii ay 26kii Juun 1960kii xornimada qaateen waxa ay u soo duuleen Muqdisho si ay ula midoobaan qaybtii koofureed ee Soomaaliya. 1dii Luulyo 1960kii maalintaasna waxaa dhalatay xornimadii gobolada koonfureed iyo midowgii koofur iyo waqooyi galbeed waxaana dhalatay dowladii Soomaaliyeed ugu horeysay ee xor ah Jamhuuriyada Soomaaliya (Somali Republic). Mudane C/llaahii Ciise waxaa uu ka dambeeyey isku darkii labda qaybood ee Soomaaliya asaga iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Haddaba markii xorriyadii la qaatay nasiib darro weyn ayaa dhacday waxaana meesha ka soo baxday wax la yiraahdo keentay ee ka bax, waana dhibka ilaa maanta taagan oo xal Soomaaliya loogu la’a yahay, waxaana xukunkii dalku gacanta u galay pro-talyaanigii iyo kooxo dna qaasa watay oo ka tirsanaa muuqaal ahaan SYL, laakiin aan aaminsanayn mabda’ii lagu soo halgamay, waxaana la is dabamarsiiyey doorashadii dhacday 1960kii, madaxweynana waxaa loo doortay Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde”.

Waxaana la duudsiiyey goboladii Waqooyi Galbeed ee marinka ku habboni ahaa in ayaga la siiyo ra’iisul wasaarenimada laakiin sida aad ogtihiin caddaalad daradaasi waxa ay keentay in labadii jago ee sare isku wada qaataan laba xubnood ee reer koofureed ah madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde” oo 22-07-1960 u magacaabay C/rashiid Cali Sharmaake ra’iisul wasaare sidaas darteedna arrintaasu waxa ay keentay oo kale in kooxo dhalinyaro saraakiil ah kana tirsanaa xoogga dalka oo uu hoggaaminayey Xasan Kayd Cabdulle Walanwal in ay 1962dii isku dayeen talaabo afgembi oo ay doonayeen in ay kaga go’aan gobolada koofured kadib markii ay u muuqatay caddaalad daradii iyo maamul xumadii rajiimkii Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cade” oo misna markale 2-9-1964 u magacaabay C/risaaq Xaaji Xuseen ra’iisul wasaare haddaba abwaan Soomaaliyeed ayaa ka shirbay arrintaas waxaana uu yiri; marna Rashiid marna Risaaq inta kale ma Rootiyaa”.

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud 1960-1964 waxa uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ilaa 1964 – 1967na waxa uu ahaa wasiirka caafimaadka ka dibna 1967 – 1969 waxa uu noqday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

1969kii waxaa la dilay maxadaxweynihii dalka C/rashiid isla markiina waxaa ciidanka xoogga dalkii boobay xukunkii rayidka ahaa waxaana cinqilaabay koox uu hoggaaminayey taliyihii ciidanka xoogga Maxamed Siyaad Barre waxayna madaxweyne u magcaabeen Maxamed Siyaad Barre. Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu ka mid ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee la xirxiray isaga oo si sharci daro ah jeelka ugu jiray muda afar sanno (4) dhan.

1973dii ka dib markii la soo daayey waxaa loo magcaabay mudane C/llaahi Ciise danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka “Sweden” asaga oo isla markaasna wakiil ka ahaa dhammaan wadamada laysku yiraahdo “scandanavia”.

Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud intii uu hayay safaarada Soomaaliyeed ee dalka Sweden waxa uu aad u sii xoojiyey xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaiya iyo waddamada (scandanavia) waxa uuna halkaas danjire ka ahaa ilaa 1984tii.

Mudane C/llaahi Ciise waddaniyaddiisu waxa ay gaarsiisnayd in maalintii uu ka soo tagayey dalka “Sweden” uu ku wareejiyey danjirii cusbaa wax kasta sidii ay ahaayeen, waxaa intaas u dheeraa in koontada safaaradda ay ku jirtay lacag dhan US$ 300,000 “Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geeridaa dishaay geedkaa haba’o).

24kii bishii Maarso 1988 waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku geeriyooday Allaha u naxariistee halgame C/llaahi Ciise Maxamuud, waxaana meydkiisa la keenay dalka, waxaana halgame C/llaahi Ciise loo aasay si heer qaran ah, iyada oo ay aaskiisa ka soo qayb galeen dhammaan intii ku noolayd halgamayaashii SYL iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyee oo aan u kala harin iyo dowladii JDS oo uu hogaaminayey madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyada oo calanka Soomaaliyeed muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigay, waxaana dhammaan dalka oo dhan ka dhacday baroor diiq qaran.
Reerka Marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud

Allaha u naxariistee halgame C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu guursaday laba haween ah, xaaskii ugu horeeyey waxaa la yiraahdaa Faadumo C/lle Maxamed waxa ayna u dhashay gabar la yiraahdo Xaawo C/llaahi Ciise Xalwo iyo hooyadeed Faadumo Cabdulle waxa ay hadda ku nool yihiin dalka Sweden magaalada Stockholm.

Xaaska labaad waxaa la yiraahdo Ruqiyo Shiikh Xuseen Cusmaan waxa ay u dhashay saddex carruur ah lana kala yiraahdo:

1.Cali C/llaahi Ciise

2. Faadumo C/llaahi Ciise

3.Xaliima C/llaahi Ciise

Dhammaan carruurta oo kala ah Cali, Faadumo, Xaliima iyo hooyadood Ruqiya Shiikh Xuseen waxa ay hadda kuwada nool yihiin dalka Mareykanka magaalada Virginia.
Xusuus

Cidii ama shaqsigii wax ku kordhinaya taariikh halgame marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud iyo SYL, waxaa si sharaf badan lagaga codsanayaa in ay u soo gudbiyaan guddiga sida joogtada ah u sii wadi doona abaabulka iyo bandhig sanadeedka lagu saxuusan doono halgame marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud iyo SYL. Fadlan kala soo xiriira (Mobile)tel: +254725882140ama e-mail:

Habeyntii iyo Garaacidii: Qoraa sare fuaad maxamed cilmi fuaaddeeqsi

fuaaddeeqsi@hotmail.com ama
fuaaddeeqsi@yahoo.co.uk

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: