biyo Ooman iyo bulsha iiba!!

April 29, 2008 at 12:41 pm | Posted in maqal | Leave a comment
Tags: ,

Diiradda WC:- Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran= biyo Ooman iyo bulsha iiba!!

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay dadka badankiis u yaqaanaan Shariif Sakiin wuxuu masraxa siyaasadda Soomaaliya ka soo dhex muuqday bishii Sebtembar 2004 kadib markii uu ku guuleeystay tartankii doorashada Afhayeenka Baarlamaanka ee Mbagathi,Nairobi.

Sida uu ku sheegay buugiisii Musharaxnimada Mbagathi Waxbarashadiisa waxay ku ekeyd dugsi hoose dhexe,wuxuuna ka mid ahaa ganacsatada Qaadka iyo Hargaha ee Soomaaliya.waloow uu tartanka kaga adkaaday Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo isagana dhigtay Waxbarashadda dadka waaweyn.

Shariif Xasan Sheekh Aadan guushii uu ku hantay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dowlada Federalka waxaa u sahlay hogaamiye kooxeedyo diidanaa inuu xilkaas qabto Sheekh Aadan Madoobe oo siyaasad ahaan ku xirnaa Cabdulahi Yusuf,waxaana hogaamiyaashaas laga xusi karaa Maxamed Qanyare,Cisman Caato,Muusse Suudi,Cumar Finish,Mowliid Macaane,Shaati Gaduud,Maxamed Ibrahim Xaabsade iyo in kale oo badan.

18 Sebtembar, 2004 ayuu Shariif Xasan gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha Baarlamaanka,wuxuuna xilkiisa ka hor soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii Carte ee Cabdi Qasim Salaad Xasan.

Wixii ka dambeeyay markii Cabdulahi Yusuf doorashadda Madaxweynenimada ku guuleystay doorashadii Kazarani Complex Nairobi,10 October 2004,lana dhaariyay 14 October 2004 waxaa soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed aan la dhayalsan Karin oo soo kala dhexgalay Shariif Xasan iyo Korneyl Yusuf.

Shariif Xasan wuxuu taageero ka helay Xildhibaano badan iyo hogaamiyaasha dagaalka Hawiye iyo Raxanweyn Qaarkood,wuxuuna iska dhega tiray hanjabaado uu kala kulmay Madaxweyne Yusuf iyo taageerayaashiisa.

March 17, 2004 Shariif Xasan Sh Aadan wuxuu kulan ay baarlamaanka ku yeesheen Hotel Grand Regancy Nairobi oo ay ka xaadireen 217 Xildhibaan kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la geyn Karin ciidamo ka socda Wadamada safka hore.kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaado ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya.

217 Xildhibaan ee xaadiray kulanka baarlamaanka Hotel Grand Regancy Nairobi ee uu gudoominayay Shariif Xasan Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayey sharciyan ansax ku noqotay in baarlamaanka cod aqlabiyad leh ku diiday Ciidamadda dalalka la deriska Soomaaliya,waxaana isla daqiiqadahaas hoolkii shirka ka biloowday feer iyo fara laab dhiig ku daatay oo kuraasta sida baakooradaha la isugu garaacay.

May 11, 2005 – Xildhibaano dhan 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf waxaana lagu ansixiyay kalfadhigaas in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika Suudaan,Uganda iyo Carab la geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa.waxaana maalintaas hoolka shirka uu ka socday ee KCCI ay taageerayaasha Korneyl Yusuf ka dhex xireen xogheyntii Shariif Xasan Sheekh Aadan ,siyaasiga lagu magacaabo Cibaar Sheekh Bashiir.

May 12, 2005 – Shariif Xasan Sheikh Aaden oo ka dabaaqtamayo fadhiga uu Proff Dalxa Gudoomiye isaga oo ka maqan uu Cabdulahi Yusuf hergeliyay wuxuu ku dhawaaqay inuu Muqdisho tegi doono,uuna xubnaha baarlamaanka ugu yeerayo inay raacaan oo safarkiisa ku wehliyaan si Caasimadda Soomaaliya loogu qabto kulanka labaad ee baarlamaanka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigii la socday waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay kumanaan shacaba oo watay sawiradiisa,wuxuuna xilligaas Shariif Xasan yeeshay muuqaal hogaamiye shacbiyad ku dhex leh bulshadda Soomaaliyeed.

Beesha Caalamka ayey filan waa ku noqotay taageeradda baaxada weyn ee bulshada Muqdisho ay u muujiyeen Shariif Xasan,waxaana xiligaas si rasmiya u shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho garab wata iyo garab jecel Jawhar & Baydhabo.

June 13, 2005 – Waxaa Madaxtooyadda dalka Kenya ee State House lagu qabtay xaflad balaaran Dawlada FKMG uga guureyso Magaaladda Nairobi oo ay sagaal bilood ku sugnaayeen,waxaana xafladaas khudbad ka jeediyay Madaxweyne Yusuf oo shacabka iyo beesha Caalamka u sheegay in baarlamaanka la kala diray June 12 2005,loogana baahan yahay golaha Wasiiradda inay u kala baxaan gobolada dalka si ay u guda galaan hoowlahii loo igmaday.

Madaxweyne Yusuf wuxuu u ambabaxay dalka Qatar,waxaana sagootiyay dhigiisa dalka Kenya halka Proff Geeddi isaga u baqoolay Magaaladda Jowhar oo waqtigaas uu maamulayay hogaamiye kooxeed Maxamed dheere.

June 19, 2005 waxay dowlada Yemen u sheegtay beesha Caalamka inay dhexdhexadineyso garabyada is khilaafsan ee dowlada federalka hasse June 25, 2005 waxay Dowlada Yeman ku guulaysan waysay inay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo ay wada hadalo isku hor fariisiyeen 21 June 2005 iyo 22 June 2005,waxayna wada hadaladaas ka furmeen Sanca.

Madaxweynaha Yemen ayaa dhigiisa Soomaaliya wuxuu shir albaabada u xiran kula yeeshay Madaxtooyadda 23 June 2005.wuxuuna sidoo kale Gudoomiye Shariif Xasan ku qaabilay Qol uu ka deganaa Hotel TAAJ SABA.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu khadka telefoonka heshiis kula gaaray Madaxweyne Yusuf isagoo Muqdisho joogo,wuxuuna xilligaas bilaabay inuu cuuryaamiyo ololahii isbaaro qaadista ee ay u dhamaayeen hogaamiye kooxeedyadda,bulshada rayidka iyo garabkii uu hogaaminayay ee dowlada Federalka.

29 December 2005 ayuu Shariif Xasan tegay Magaalada Dubai,wuxuuna isla habeenkii xigay socdaal dhuumaaleeysiya ku tegay dalka Yemen gaar ahaan Magaalada Cadan.

Sida ay sheegeen labo ka mida sedexdii xubnood ee la socotay wuxuu Shariif Xasan ka gudoomay Madaxweynaha Yemen lacag dhan labo milyan oo dollar,wuxuuna saxiixay heshiis dhigayay inuu si rasmiya u shaacinayo in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo Cabdulahi Yusuf,waxayna taariikhdaas ku beegneed 1 Janaury 2006.

Januray 5, 2006 Wuxuu Shariif Xasan isagoo ay hareerahiisa taagan yihiin Madaxweyne Yusuf iyo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ku dhawaaqay in la dhameeyay xurguftii u dhaxeysay isaga korneyl Yusuf,wuxuuna saxiixay heshiis u badnaa qarsoodi oo dhigayay inuu baarlamaanka ku gudoomiyo baydhabo oo meelmariyo qorshaha inay dalka imaan karaan Ciidamo shisheeye oo aan loo kala saarin saf hore iyo saf dambe.

Taageerayaashii Shariif Xasan iyo xubnahii golayaasha ee uu hogaanka siyaasadda u hayay ayaa muraala dilaacay waxana laga waayay goobahii lagu kaftami jiray iyo masraxyadda siyaasadda,waxaana waqtigaas loogu waqlalay magaca iminka loo yaqaan ee Shariif Sakiin.

January 30, 2006: Wuxuu Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

February 11, 2006: Wuxuu Shariif Xasan Magaaladda Galkacyo kulan kula yeeshay Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isulwasaarre Geeddi,waxaana kulankaas uu ahaa mid ay uga hadlayeen kulan qorsheysnaa oo baarlamaanka uga furmayay Baydhabo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu kulankaas ka sheegay inay Xildhibaanada taageersan u codeynayaan mooshin magaciisu yahay Ciidamo shisheeye inay dalka Soomaaliya soo galaan,loona kala saarin saf hore iyo mid gadaale.

Shaashadaha Aduunka iyo baraha Internetka ee Af Somaliga lagu qoro ayuu Shariif Xasan ka soo dhexmuuqday isagoo gacmaha heysta Cabdulahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi,waxayna taas la yaab ku noqotay shacabkii taageersanaa oo garwaaqsan waayay sida fudud ee uu kaga baxay xeyndaabkii wadaniyada.

15 Febaury 2006 ayuu Shariif Xasan furay baarlamaanka,waxaana Xildhibaanada la siiyay Mushaarkii ugu horeeyay ee shan iyo tobanka maalmood.waxayna lacagtaas dhameyd sagaal boqol dollar oo ujeedkeedu ahaa in Xildhibaan walba ku guuro,oo ku tago Baydhabo,waxaana qof walba lagu siinaayay degaankasta oo uu joogo,waxay ka qaadan kareen Xawaaladda AMAL.

25 June 2006 wuxuu Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyay kulankii xubnaha baarlamaanka ku ansixiyeen in dalka ay soo galaan Ciidamo shisheeye,wuxuuna xilligaas ku dhawaaqay khudbad laga xasuusto”Baarlamaanka waa u codeeyay Ciidamo shisheeye inay dalka soo galaan iyadoo loo kala saareyn saf hore iyo saf dambe”

Shariif Xasan Aadan meelmarintiisa in Ciidamadda dalalka safka hore soo gelaan Soomaaliya waxaa abaal marin looga dhigay inuu ka mid noqdo gudigga Nabadgelyada Qaranka,taas oo diidan sharuucda baarlamaanada aduunka iyo sharuucda baarlamaanka dastuuriga ee 1960-kii Soomaaliya.

Shariif Sakiin Waxaa kale oo loo dhiibay labo milyan oo dowlada Sudan ugu deeqday Ciidamadda dowlada ee dhinaca raashinka,waxaana sidoo kale uu qaatay dhamaan kunturaadyada UNDP

Ma dhabaa inuu qaatay qandaraas cusub, silsilada taariikhdiisa

La soco qeybta 2-aad ee Qormadda Shariif Xasan

By Dahir Abdulle Alasow

dahiralasow@yahoo.com

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: