RAAD TV

May 13, 2008 at 1:56 am | Posted in RAAD TV | 1 Comment
Tags:
RAAD TV oo hawada soo galay iyo Wariyayaal caan ah oo kamid noqday Shaqaalaha Taleefishinka
Telefishinka Caalamiga ee RAAD TV ayaa markii ugu horeysay si rasmiya looga daawaday dunidda daafaha kadib markii uu hawada Settelite-ka soo galay.Telefishinka Caalamiga ee RAAD TV oo ku baxaya Afka Soomaaliga waxay hoowlwadeenadiisa sheegeen inuu barnaamijyadiisa gaarsiinayo dhamaan daafaha dunidda.

“Waxay muhimadda taleefishinka tahay inuu la hadlo dhamaan dadka ku hadla af Somaliga,wuxuuna ka dhigan yahay mid madaxbanaan oo ka madax banaan siyaasado gaara” ayey tiri Fawzia Yusuf Xaaji Aden oo u warantay Waagacusub Media.

TVga RAAD oo hawada soo galay waxaa laga daawadaa Qaaradaha Africa, Asia iyo Australia, Waxaa sidoo kale maamulka taleefishinku xaqiijiyey inay bisha June ay hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan.

Taleefishinkaan ayaa waxaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcad iyo qadarin ku dhex leh ummadda Soomaaliyeed oo khibrad iyo Aqoon u leh Warbaahinta isla markaana si fiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda oo isugu jira Odayaal iyo Dhalinyaro.

Wariyayaasha howsha telefishinka RAAD wadi doona waxaa kamid: Axmed Xasan Cawke, C/salaan Hereri, C/shakuur Cali Mire, Maxamed Ducale, Maxamud Dalmar, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Cali Axmed Raabi, C/xaafid Ismaaciil , Cabdicasiis Sadaam iyo Amran faysal.


Kor, midig: Cawke, ducaale, dalmar, hereri,Raabi.
Hoos, Midig: Ridwaan, Cabdishakuur,cabdi xaafid, Sadaam iyo Amran

Barnaamijyadda uu ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin: diin, siyaasad, suugaan, wacyigalin, taariikh,warar iyo Madadaalo. Ayadoo taleefishinku yeelanayo hab faafreeb oo lagu illaaliyo tayadda iyo sumacada Taleefishinka.

Haddab Taleefishinka oo hawada toos u galay waxay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha  ka daawan karaan: Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder: 4GL.

Source

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waan idin salaamay . maxaa dhacay oo loosoodeyn waayey tiiviiga qeybtiisa thaicom5c band


Leave a reply to SACIID Cancel reply

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.