MIYAAD IGU DHOOFAYSA QAYBTA 4AAD

May 21, 2008 at 11:00 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a comment
Tags: , ,

Wiilku  waxa u isleeyahay isla wakhtigan ay gabadhan arintan u shegayso ma run baa ma benbaa ma riyaa IWM, isla habeenkiiba waxa lagu sookala dhelmaday la iskuna soo guubaabiyey dhankaaga ka ilaali jaceelka yuu cunin waaraabuhu ka ilaali weeraha iyo balamo badan oo kale  waxa la soo gadhay xiligiiay gabadhani u bixi lahayd dhankaas iyo noqodkedii ay ku laaban  lahayd yurub iyo carigii sweden gacaliyaheediina waa ay la socodsiisay isla waktigiiba waxa ay guaamiyeen labadii lamaane in ay arintooda hor dhoceeda dhamestiraan si ay u ahadaan laba qof oo aduunka iska leh nin iyo ooridii midba kii kale ayuu ku aqbalay.

Arinkii waxa loo sheegay labadoodii walid dabcan gabadhan reerkodu waa soo dhaweeyeen mar hadii inantoodii ka nabad gashay wiilasha cadaanka iyo ajanibka ah oo mantaba ula timi wiil gayankeeda ah inaadeerked ah la hayb ah mudo week ka dib ah labadii lamaane waxay noqdeen lamaane is ku mehersan isla markiibana waxay inanatii u anba baxday dhankii sweden iyadoo jacelkeediina kula dardaarantey in uu ilaaliyo jacaylka dhankisa sas bana la isku ayiday.

Inantii markii ay ka maqnayd magaalada hargeisa mudo sanad iyo badh ah ayey iyada iyo xaajigeedii goaansadeen in ay aqalgalaan iyaduna ay timado hargeisa saas bayna gabadhii ku timi hargeisa.

Xili xagaaga ah oo caado u ah in badanaaba dadka dalalkooda wadamada shisheye kaga nooli ay dib ugu so noqdaan dhulkooda hooyo lamaanihii kala baadayisla malmahay soo degteyna gabadhii waxay ku aqalgaleen magalada hargeisa iyada oo arooskoodii loogu tumay hallka caaanka ku ah hargeisa ee lagu tumo aroosyada ee CASALAMA HALL.

isla todobaadkii ka dibna waxa xedhooyinkii ay ku furteen halka aan ka dhicin kii hore ee IMPERIAL HALL , kharashadka ku baxayey maamulida arooskan la soo agaasimay waxa bixinaysay gabadha oo markasu jeeeb dhaanta xaajigeeda xafladahoodan waxa loo soo agaasimay si dii ugu wacneed ee abid ka dhacda qaabkiisa oo kale hargeisa.

waxa ka tumayey dhanka fanaaniinta dhalinyarada ugu sareesa dhanka luuqda ee hada sida adka ah looga daba dhacay waaa NUURADIIN AHMED IIMAAN , A/WAHAAB KAMACE. MAHED GERMANAY IYO MUSTAFE OOMAAR arooskani waxa uu noqday ma maqasheen ma aragteen ma tagteen .

AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHOW LA SOCDA QAYBTA 5AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO

Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka

DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: