Allaha unaxariistee Wariye Abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo Muqdisho ku geeryooday .

July 26, 2008 at 8:42 pm | Posted in Taariikh nololeedka fananinta | 2 Comments
Tags:

Waxaa galabtey ku geeryooday magalada muqdisho Wariye Abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo ahaa wariye iyo abwaan si ween laga yaqaan guud ahaan dalka soomaaliya mudo badana ka soo shaqeeyay saxaafada iyo fankaba Cabdalla Nuura diin Axmed waxaa lagu xasuusta ama lagu yaqiiney in uu ahaa nin abwaan ahan oo bulshada soomaaliyed ay si ween u jacleed sidoo kale waxaan marnaba aan la ilaabi karin doorki uu ku lahaa fanka soomaalida intuu noola cabdale wax uu ahaa madaale dadka iyo dalka soomaaliya u shaqeeyayay hadaba maantey ayuu ku geeryooday magaakada muqdisho abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed .
Sida ay inoo xaqiijisay Sabiila Nuuraddiin Axmed oo la dhalatay marxuumka waxaa uu u geeriyooday Cabdalla Nuuradiin Axmed xanuun ku soo booday xili uu Magaalada dhex marayey ..

Sabiila waxay sheegtay in Cabdalla Nuuraddiin uu ku dhashay Magaalada Jig-jiga ee dhulka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya, kadibna ay u soo wareegeen Magaalada Muqdisho oo ay ku soo koreen iyada iyo walaalkeed.

Waxay sheegtay Sabiila Nuuraddiin in uu Walaalkeed wax ku bartay magaalada Muqdisho, kadibna uu ka mid ah Wariyayaashii Radio Muqdisho, kadib markii ay burburtay Dowladdii horena uu la shaqeynayay Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik oo uu la shaqo bilaabay sanadkii 1999-
kii, inkastoo ilaa 2008 oo garyooday abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed
Cabdalla Nuuradiin Axmed oo da’diisa lagu sheegay in ay aheed 62 sano sida walaashiisa ay inoo sheegtay waxaa uu sanadkii 2005 ka badbaaday dhaawac rasaaseed oo ay u geysteen rag hubeysan, kuwaasi oo ku weeraray Maqaayad uu ku lahaa nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin dagamada wardhigleey ee Magaalada Muqdisho.


Alle ha u naxariistee Cabdalla Nuuraddiin Axmed oo ka tirsanaa Bahda Saxaafadda iyo Bahda Fanka Soomaaliyeed waxaa lagu xusuustaa kaalimihii uu ku lahaa Warbaahintii Soomaaliya ka hor burburkii Dowladdii hore iyo kadib-ba, wuxuuna si weyn uga dhex muuqan jiray labadaas qeybood oo uu ka tirsanaa.

Marka laga soo tago in uu Wariye hal-abuur leh ahaa, wuxuu dhinaca kale ahaa Abwaan curiya Gabayada iyo Heesaha, waxaana Heeso badan oo uu sameeyay ku luuqeeyay Fannaaniin caan ah sida Cabdi Salaad Beer-dilaacshe, Cumar Shoolli, Shimaali Axmed Shimaali iyo C/qaadir Shiikh Cali Sanka.

Sidoo kalena wuxuu marxuumka ku wanaagsanaa dhinaca fidinta Diinta Islaamka, wuxuuna Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ka jeedin jiray Barnaamijyo aan ka xusi karno labo barnaamij oo kala ahaa Dhegeyso oo ku dhaqan iyo Dhaqanka Islaamka, kuwaasi oo xambaarsanaa Duruus Islaami ah oo dadka ku wacyigelineysa in ay qaataan wixii Allaah faray, isla markaana ay ka reebtoomaan wixii uu ka reebay.

Geerida ku timid Cabdalla Nuuradiin Axmed waxaa naxdin iyo uur ku taalo ku tahay dhamaan shacabka soomaaliyed gar ahaan bahda saxaafada meel walibo oo ay joogaan waxaan tacsi u diriyo dhamaan maamulka iyo shaqalaha Wabseedyada waagacusub Media iyo www.vossomali.com/ , iyo ururka suxufiyiinta soomaaliyed ee ASOJ waxaayna leyihiin inaalilaahi wa in naali laahi raajucuun samir iyo iimaan allaah ka siyo qooski iyo eheladii uu ka tagey iyo bahada saxaafada meel walibo ay joogaan


waxaan idin sooo gudubin doono taariikhda abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo faah fahsan iyo doorkii uu ka qaatay bulshada somaaliyeed waqtiyada soo socda ayaana iidn soo gudbin doonaa hadiialle idmo Xigasho:- Waagacusb Media

2 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waxan jeclahay qaran nimada somaliyed marwalbana wan xiseyaa

  2. asc dhamaan alaha uu naxaristo cabdala nuradin axmed waa nin ee ku weyn need somali nimada waxan leyahay alaha uu naxaristo


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: