Xasan Waraabacade Oo Weerar Ku Qaaday Qaban qaabiyaasha Tartamada Kala Maseyrka Ee Somali Yurub.

July 26, 2008 at 9:07 pm | Posted in maqal | 1 Comment

Anigoo tixraacaya maqaalo dhawaan lagu faafiyay saxaafada ee ka hadlayay in tartamada xagaaga ee somalida lagu casuumo cayaartooydii hore ee ku nool haatan wadamada Europe iyo Amerika hadaba cayaartooydaas ka imanaaysa wadamadan waxaay ku noolyihiin nolol aad u wanaagsan oo aanay marnaba aad u tabeeyn waxyaabaha loogu yeerayo oon dhaafsiisnaayn casuumad iyo dalxiis iyo aragti saaxiibadiisii hore qaarkood inta badanina waxaayba u tahay fasixii sanadka oo aay ku qaadanayaan cayaarahaasi mana xuma.Waxaa kaloo dhacda in cayaartooydaasi hore aan sidaa lagu daayn ee hadana loo sameeyo soo dhaweeyn iyo sagootin lacag badani ku baxdo.



Akristayaasha sharafta badan ee kukala nool dunida dacaladeeda waxaan xasuusinayaa dhalinyarada hogaamisa Tartamada Cayaaraha ee ka dhacayaa wadamada Sweden oo laba qaaybood ah Wadanka Ingriiska iyo Canada oo laba qaaybood ah waxaa iga suaal ah sababta loo xasuusan waayay Cayaartooydii hore ee waliba aadka qaaliga u lahaa sida Baba Jeeylaani Khaliif, Cabdi Kuus,Joorge, Sheekhaaloow,Coonka,Arjentiin, Nuur Amiin,Cumar Gedo,Cabdi Saciid,Cawil,Cabdiladiif,shaarkeey, iyo tiro aad u badan oo aanan hadda xasuusan karin cayaartooydaasi qaar ka mid ahay waxaay u baahan yihiin taageero iyo daryeel miyaanay haboonaayn in laga door bido oo la casuumo qaarkood si aay u helaan fursadaha aay waxkaga badali karaan noloshooda fursadaas oo wax loogu qaban lahaa ka soo qaaybgalka kadib.

Waxaan aan u soo jeedinayaa horjoogayaasha cayaarahan in aay qiimeeyaan cayaartooydaas aan haaysan fursadaha laakiin la casuumi karo loogana faaiideeyo fursadahan oo kale,waxaan kaloo oo is weeydiin leh oo qaar oran karaa ma haboona oo waxaay haaystaan baasabooro somali ah waxaan taa ku beeninayaa sanadkii hore waxaay Eurosom keentay 3 ruux oo olymbiga somaliyeed ka socday ooy casuuntay oo qaarkoodna aay u laabteen dalkoodii hooyo.

Waxaan hadalkaayga kaga baxayaa walaalayaal hala xasuusto ragaas magaca wanaagsan ku lahaa sanadwalba qorsheeya in aad casuuntaan mid ka mida gaar ahaan Jeeylaani khaliif oo xataa caafiimaadkiisu fiicnaayn waxaana haboon qofku intuu noolyahay in la qiimeeyo haduu geeriyoodo xusku waxba ma tarayo.


by Hassan Waraaba Cadde
hassanabdalla5@hotmail.com

Source:- waagacusub.com

1 Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. 12/12009


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: