Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni”

August 11, 2008 at 10:42 pm | Posted in siyasada somalia | 4 Comments


In dhawaalaba waxay Soomaalida hadal hayeen khilaaf-ka soo ifbaxay ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlada federaalka Somalia ee Maleteriga Ethiopian ay ilaaliyaan, waana khilaaf u yara eg kii dhexmaray Prof geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf, waxayna shacabka Soamaalida is weyndiinayaan halka uu ku dambeyn doono Khilaafkaan ugub-ka ah ee u dhaxeeya Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf.

Hadaba, su’aasha ugu badan ee ay is weydiinayaan Soomaalida ayaa waxay tahay YAA GUULEYSAN DOONA NUUR CADE IYO CABDULAAHI YUUSUF? Jawaabta su’aashaan deg deg looguma jawaabi karo balse waxaa la tilmaami karaa waxyaabaha keeni kara labada Korneel in midkood uu ka guulaysto kan kale, anagoo dhinacyo badan waxka eegi doono Inshaa Allah, waxaana u kala qaadeynaa arimaha u Sahli kara midba mid kale inuu ka guuleyso waxyaabo badan sida qaab ciyaareedka siyaasadooda, Taageerida ay ka haystaan Qabaa’iladooda, Ethiopian iyo Beesha Caalamka.

Inta aana u gudo galin, arimahaas aan kor ku xusay, bal aan yara balbalaariyo waa dad ceynkee ah Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf?. Marka hore Nuur Cade waa nin Korneel ah oo Qareen ah, misana u soo shaqeeyay hay’ada samafal mudo ku dhow labaatan sano, waana nin aan ka qayb qaadan dagaalada Ahliga ahaa oo ay isku xasuuqeen Soomaalida, waana nin nabada jecel oo shacab badan soo jiitay intuu xilka hayay. Dhan ka kale Cabdulaahi Yuusuf waa nin isna Korneel ah, oo mudooyin badan xabsi ku qaatay noloshiisa markii ay xireen Talisyadii Siyad bare iyo Mingiste, sidoo kale, waxa uu si weyn ugu qaybqaatay dagaalada sokeeye ee Soomaliya, isagoo ka qaybqaatay dagaalo badan, oo waxa uu ka soo cayaaray Lambarka 10aad, waxa uuna ku faanaa in uu yahay ninkii ugu horeeyay ee gaari Qori saaro (Tikniko). Xitaa waxaa laga hayaa inuu yiri waxaan ahay MAQUUSTE, Cabdulaahi Yuusuf waa nin jecel meesha uu xukumaayo inuu ka dhigo Nabad sida Soomaalida ay ogyihiin nabada Puntland isaga ayaa saldhigay inakstoo inta uu xukunkaasi wareejiyay madmadow badan soo galay Nabadii Puntland taasoo dad reer Punlanad ay ku sheegeen jaleeca Hogaanka Punland ee haatan.

Hadaan ka imaano harudhacaas yar ee aan Aqristayaasha ugu ifinayay shaqsiyadda labada Nin ee Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf, hadaba, marka laga hadlayo Cida guusha ay raaci kadho Cabdulaahi Yuuusf iyo Nuur Cade madaxda dowlada Federaalka Somalia oo Khilaafkooda uu noqday midka ugu hadal haynta badan Soomalaida dhexdeeda, waxaa muhiim ah inaan ka hadalno qodoobada aan kor ku soo xusnay, waxaana ugu kala hormareynaa sida tan :-

Qaab Ciyaareed-ka Siyaadaha Cabdulaahi Yuuusf iyo Nuur Cade

Marka hore Nuur Cade waa nin ku cusub Masraxa Siyaasada Soomaaliya, inkastoo uu yahay nin in badan u soo joogay waayaha Soomaaliya, hadana waxaa la sheegaa in Siyaasadiisu ay ku salaysan tahay Nabad raadin iyo inuu Badnaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Gudaha Somalia, taasoo laga dheehan karo sida uu ula xaajooday Isbahaysiga Dib u xoreynta Somalia, waxaana la dhihi karaa waa nin ay daacad ka tahay in la gaaro dib u hishiisin rasmi ah si loo badbaadiyo dad soomaaliyeed ee sida micno darada ah u dhimanayo maalin kasta, sidoo kale Xeeldheerayaasha reer koofureed ka waxay leeyihiin Nuur Cade waa nin si fican u fahamsan in waxa dhibka ku dhacaya ay yihiin dad-ka isagu u matalaayo qaranimada Soomaaliya ayadoo nin ka ay is hayaa waa Cabdulaahi Yuusuf deegaanada uu ka soo jeedo yihiin kuwa nabdoon, balse ayaan daradu waxay tahay Nuur cade dadka uu ka soo jeedo ee Hawiyaha ma ahan kuwa wax badan la fahmi kara arimo badan oo jira dartood, qaabka ciyaareed-ka Siyaasada ee Nuur Cade waa mid ku salaysan in la raaco dastuurka oo nabada laga shaqeeyo iyo dib u hishiisinta, waxa uu farta ku fiiqay in khilaafka jira uu salka ku haayo in la diidan yahay dib u hishiisinta ee haatan ay talaaleen isaga iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia., hadalkaas waa mid si weyn u soo jiitay indhaha soomaalida iyo beesha Caalmakaba.

Dhinaca kale, marka la fiiriyo qaab ciyaareed-ka siyaasada ee Cabdulaahi Yuusuf dad-ka waxay ku sheegaan mid ku salaysan isku halayn dhinaca Ciidamada Ethiopia, iyo baarlamaan oo isaga suu doono ka yeelo, yacnii ku kala furfura Lacago badan maadaamaa uu yahay nin aan jeclayn hanti meel dhigasho, maadaamaa xukunka uu ka jecel yahay xitaa Caafimaadkiisa, wax ceeb-na ma ahan hadii qof jecel yahay in wax xukumo, hayeeshee dad-ka Soomaaliyeed ee la’enaayo ayaa musiibo ah, sidoo kale Cabdulahi Yuusuf waxaa u sahlan inuu kala qaybiyo dad-ka uu ka soo jeedo Nuur cade kaba soo tag Hawiye, bal hada waxay ku socotaa in lakala qabyiyo beesha Abgaal taasoo ah waxyaabaha Hibaha u leeyahay Cabdulaahi Yuusuf, maxaa yeelay Cabdulaahi Yuusuf ma ahan nin qariya waxyaabaha la isku hayo Siyaasada Soomalaiya oo waxa uu Yiraahdaa waa Xukun-doon ku salaysan Qabyaalad, taasoo uu u sheegay dhawaan dad reer garoowe, cidii Rabta dib ayay u dhagaysan kartaa Codkiisa oo waxaa laga helayaa website-yada, sidoo kale, waxaa u sahlanaan doona in Cabdulaahi uu kala qaybiyo dadka uu ka soo jeedo Nuur Cade ee Beesha Hawiye taasoo soo dedejin karta in Nuur cade laga Guulaysto.

Taageerida ay ka haystaan Qabaa’iladooda

Nuur Cade ma ahan nin Qabyaalada wax ku raadiyay waligiis, ma ahan sidoo kale nin dadka u laayay Qabyaalad darteed, balse Kursiga hada uu ku fadhiyo beel ka mid ah beelaha Soomaalida ayuu ugu fadhiyaa , hayeeshee waa kursi aan Joogto ahayn oo sida Cabdulaahi Yuuusf doono uu ka yeelo, marka beesha uu ka soo jeedo Nuur Cade ee Hawiye horta isku duubnida beeshaas leenkeeda mar hore buu qarxay, sababtoo ah tan iyo waagi la soo dhisay Dowlada federaalka Soomaaliya dhibaatada ugu weyn waxay soo gaartay Dadka reer Muqdisho, waana masuulkii ugu horeeyay ee u naxa dad ka reer Muqdisho, balse waxaa hubanti ah in nasiib daro weyn ay jirto oo ah iskaba daa Hawiye ee Nuur cade waxaa laga baqayaa inuusan taageero fiican ka helin Beeshiisa hoose ee Abgaal sabab too ah, waad aragtaan waxa si weyn ugu soo Horjeeda Maxamed dheere oo isago haatan la jaal ah Cabdulaahi yusuf, marka dhinaca taageerida beesha uu ka soo jeedo Nuur Cade Hawiye ahaan iyo Abgaal ahaan-ba waa mid aan xoog badnayn.

Cabdulaahi Yuusuf waa nin aaminsan in Qabiil ahaan uu ku helay Kursiga uu ku fadhiyo, wuxuuna aaminsan yahay inuu yahay Maquuste sida asaga sheegtay kal hore, waa nin waxa uu aamin san yahay aan qarin, balse waa nin ka nasiib badan Nuur cade sabab too ah beesha uu ka dhashay waa kuwa uu soo edbiyay, ma jiraan qolo ka daba hadli karto, waxaa intaas u sii dheer, waa nin beesha uu ka dhashay ee Daarood si weyn taageero ugu haysta, iskaba daa Beel hooseedka uu ka soo jeedo ee Harti, hadii uu nin beeshiisa ah xil uu ka qaado kama soo horjeesto, waxaa intaas u sii dheer in taageero badan in uu ka haysto qabaailada kale ee Soomalaiya maadaamaa uu siyaasad ahaan uu ku guulaystay inuu go’doomiyo siyaasada aan gadmaynin ee beesha Hawiye, sidaas darteed waxaa la dhihi karaa Cabdulaayi Yuusuf ayaa ka leh Nuur Cade dhinaca taageerida beeshooda.

Teegeerada ay ka haystaan Beesha Caalamka iyo Ethiopia

Nuur Cade waa nin markiisa horaba ay booska uu haatan Jooga ay keeneen Beesha Caalamka waxa uuna si weyn u haystaa taageerida Midowga Yurub, waa nin ay jecel yihiin hogaanka ururada Caalamiga iyo kuwa gobaleed-ba maadaamaa uu yahay nin nabadeed oo hogaan suuban oo tanaasul diyaar u ah, waxay-na dad badan aaminsan yihiin hadii xil ka qaadis lagu smaeeyo Nuur cade inay la mid tahay ayadoo Dowlada federaalka ay goosatay inaysan la tacaamulin madaxda Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub taasoo dhabar jab wayn u ah Dowlada fedaraalka oo inbadan laysay shacabkeeda. Marka laga hadlayo dhinaca Taageerida uu Nuur cade ka haysto Ethiopia ayaa dad badan su’aalo badan galiyay oo waxay yiraahdeen Nuur cade ma ahan nin ka mid ah Rabaayadaha Ethiopia, Ethiopia waxay la safatay Cabdulaahi Yuusuf ayadoo si weyn ugu kalsooneed Prof Geedi xitaa waxaa wali la filan karo in Geedi mar kale lagu arko Masraxa Siyaasada Soomaaliya, sidaas darteed baa la leeyahay Nuur cade kalsooni fiican kuma qabi karo Ethiopia, hayeeshee waxay dad ka qaar soo hadal qaadaan in Nuur Cade ay si weyn isugu xiran yihiin Axmed cabdisalaan oo isaga ah saaxiib u dhow Jeneraal Gabra, misana si fiican u furfuray Siyaasada Cabdulaahi Yuusuf, taasi waxay keeneysaa bay leeyihiin dad ka qaar in Nuur Cade kalsooni badan ka helayo Ethiopian, laakiin waxaa la is waydiin karaa micno nuucee bay u samaynaysaa shacabka Soomaaliyeed hadii Ethiopian ka marba ay la saftaan mid ka mid Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya.

Cabdulaahi Yuusuf waa nin markiisa horeba ku yimid Rabitaanka Madaxda Ethiopia oo waxaa la dhihi karaa waa nin ka mid ah Siyaasiyiinta ay ku kalsoon yihiin Ethiopian-ka, waxayna maleteriga Ethiopian-ka u suuro galiyaan inuu si qasab ah ummada Soomaaliyeed ugu noqdo Madaxwayne ayadoo soomaalida 90% ay ka soo horjeedaan siyaasadiisa, marka dad badan ayaa qaba in Ethiopia mar kasta ay garab istaagayso Cabdulaahi Yuusuh oo isugu ah nin-ka suuro galiyay in wadan cadow u ah Soomaaliya in Ciidamadooda ay tagaan Caasimadii shacab weynaha Soomaaliyeed, taariikhdaa-soo aysan hilmaami doonin Jiilal badan oo Soomaaliyeed, dadkaas ayaa waxay aaminsan yihiin in Cabdulaahi Yuusuf yaqaano qaab loo beer-jilacsan karo Ethiopia oo ah inuu yiraahdo Kooxda Nuur cade waxay hishiish dhab ah la galayaan Isbahaysiga dib u xoreynta taasoo soo dedejinayso in Ciidamada Ethiopian-ka ay ka baxaan Dalka Soomaaliya. Dhanka beesha caalamka Cabdulaahi Yuusuf waa nin laga badiyo, sababtoo ah beesha caalamka waxay ogyihiin in cabdulaahi yahay mid ka mid ah dagaal-oogayaasha Soomaalida oo misana ku Faano xitaa inuu Qaran-ka Soomaaliya u horseeday dagaal sokeeye ayadoo dalku lahaa Nidaam iyo kala dambeyn fiican, waxaana suuro gal ah xisaabo badan oo beesha caalamka ay haatan samaynayso in cabdulaahi Yuuusf uu noqda Qabqable lala xisaabtamo am qaab-ka Wadamada reer galbeed-ka ay ula tacaamuleen madaxda badan oo qabqayblayaal dagaal ahaa ama kalitalis ahaa oo African ah sida Jarles Taylar madaxwaynihii hore ee Liberia iyo wadamo kale oo aduunka ka mid ah.

Si kastaba ha aheetee, marka la isku soo duubo arimahaas iyo Khilaafka u dhaxeeya Cabdulaahi Yuusuf iyo Nuur cade waxaa la dhihi karaa waxaa macquul ah inay soo kala dhex galaan Ethiopian-ka si loo ilaaliyo Hadafka loo soo dhisay dowlada federaalka Somalia, waxaan dhici karta labada madaxda waa Cabdulaahi Yuuusf iyo Nuur cade in amar lagu siiyo inaysan sii weynaynin khilaafaadkooda oo isku dulqaataan mudada yar ee u dhiman jiritaanka Dowlada federaalka Soomalaiya. Sidoo kale waxaa dhici karta in Ethiopian-ka ay la saftaan labada dhinac midkood gaar ahaan kan ay isleeyihiin danihiina ayaa ka dhex ifaya oo sii dheerayn kara qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Hayeeshee hadii ay dhacdo in la isku daayo qoob ka ciyaarka siyaasadeed ee ay wadaan labada dhinac ayaa waxaa la dhihi karaa midkood baa looga adkaan karaa ama waxay sababi kartaa in dowlada federaalka ay laba garab u qaybsan-to taasoo ah hadaf-ka cadowga Soomaaliya.

Ugu daymbayn, waxaa xusid mudan in Nuur Cade iyo cabdulaahi Yuuusf ay kala taageero fiican yihiin, sababtoo ah Cabdulaahi taagerayaashiisa waa mid, lagamana dabo hadli karo, xitaa waxaa dhacday in Garoowe u aaday islaaxinta dadkiisa, balse Nuur cade meel kuma sheego taageero mid ah, meel kuma sheego siyaasiyiin Beesha Hawiye ah oo isaga qadarinaysa, hadana waxaaba muuqata in Siyaasiyiinta Beel hooseed-kiisa inay ka horimaanayaa, bal eeg Cabdulaahi Yuusuf amar buu soo siiyay Cade muuse, misana eeg sida Maxamed dheere ugu hor-imaanayo amarka masuulkiisa ugu sareeya Dowlada, waliba waxa uu si toos ah ula safanayaa Cabdulaahi Yuusuf. Hadaba, waxaa muuqata hadii la isku Daayo Cabdulaahi Yuusuf iyo Nuur cade oo Ethiopia iyo Beesha caalamka soo kala dhexgalin in ay dhici doonto in Cabdulaahi magacaabo nin kale oo isla beesha Nuur cade ah taasoo keeni karta qalaanqal siyaasadeed oo lagu waxyeelaynayo Nafsada, deegaanada, ganacsiga, waxbarashada dad ka reer muqdisho oo mudo laba sano ku dhaw xasuuqo lagu wado, waa hadii aysan ka fiirsan siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo waxgaradka Soomaalida Muqdisho.

4 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. A/c Walaal webkaga waa mid wanaagsan Maqaalkana waan ka helay ee ma ii soo diri karta mase ii fasiixi karta inaan qato maqaalkan adiga oo raali iga ah , kole waxan filaya inaan emailka kaga soo darsaday waana isku arki doona msn-online ama jawaab igu soo dir emailka ah somalifanscom@hotmail.com
    Mahadsaniid

  2. wad ku mahadsantahay sheeko fican ayad qortay

  3. Aad ayaan uga xumahay in ay waday doonaan iska qoraan dad aan asal ahaan ka soo jeedin somalida kana hadlaan arimaha gudaha iyo siyaasadda soomalida Saxnuuni waa nin nkkkkk iska dhaaf muqdishana wuxuu ka ahaa !!!!

  4. play games

    Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni” | Arimaha Bulshada


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.

%d bloggers like this: