FAALLO : Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya

September 10, 2007 at 4:05 am | Posted in Siyaasada Shidaalka Somalia | 1 Comment

FAALLO : Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya

Waxaa billihii la soo dhaafay soo baxayey haddalo iyo qorraalo badan oo is barbar socda kuwaaso inta badan ka hadlayey arrimo la xirriira baarista shidaalka Soomaaliya la sheegay in uu ku jiro. Qorraaladaaso inta badan shirkado ama mas’uuliyiin ka tirsan DFKGS ka soo kala baxay taas oo ay ugu dambeysay maanta oo ay taariikhdu tahay bisha 8aad, maalinteeda 9aad ee 2007 uu qorraal ka soo baxay magaalada Nairobi xafiiska ninka sheegta in uu yahah Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Nairobi Mr. Maxamed Cali America wareysi uu siiyey Reuters uu sheegayay in ” sharcigii Batroolka Maanta ama Berri uu ka doodi doono Baarlamaanka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, taas oo uu ku daray in uu rumeysan yahay dooda ka dib in la gudbin doona sharicga Maareynta Shidaalka si aanan shaki ku jirin”.

Ayadoo aad moodid Mr. Maxamed Cali America howlihii sugayey safaarada Soomaaliyeed ee Nairobi ku taal in uu ka door bidey in uu ka hadlo arrimaha Shidaalka Soomaaliyee ee tartanka ba’ani shirkado badani ka dhaxeeyaan ee daneynaya howshaan, ayaad waxaad moodaa in uu Ergeygu shirkadan Kuwait Energy iyo lamaanaheeda shirkada Indonesia laga leeyahay ee la yiraahdo PT Medco Energy in ay ka door bideen in ay baalka geliyaan isaga iyo mas’uuliyiin ka sarreysa ee howshan u xil saarey in uu ka hadlo, ayaa waxay nasiib darada noqotey in marka koowaad Mudanahu uusan ka midka aheyn Gollaha Wasiirada ee arrintan quseyn karta, Marka xigta uusan ka tirsaneyn Wasaarada Batrooka ee Arrintan hoos timaado, Marka Seddexaad uusan ka mid aheyn xubnaha Gollaha Baarlamaanka DFKGS ee arrintan u fadhida in ay ka doodaan si loo arko waxa ugu haboon ee ummada Soomaaliyeed dhaxalkooda noqon kara in ay go’aan ku gaaraan, iyadoo ay seddexdaas arrimood ay jiraan ayaad haddana waxaad moodaa in Mr. Maxamed Cali America amar lagu siiyey in arrimahan aan quseyn uu dhex dabaasho,isagoo kalsooni badan ka heysta Mas’uul sarre.

KUWAIT ENERGY IYO MEDCO ENERGY MAXAY KALA YIHIIN ?

Waa su’aal u baahan in ay ummada Soomaaliyeed odorosaan si ay u ogaadaan shirkadahani halka ay ka yimideen iyo halka ay hiigsanayaan, iyadoo ay runta tahay labada shirkadoodba in ay yihiin shirkado aad iyo aad u mug yar, dhaqaalla badan oo wax qabadeed ama baaritaaneed aysan laheyn ama heli karin. Balse ay jirto xirriir dhow oo ay wada yeesheen mas’uuliyiin sare DFKGS ka tirsan dartood ay u suurtowday in uu hamigoodu noqdo in ay gacanta ku dhigaan shirkada u qaabilsan Maareysta shidaalka Soomaaliyeed (Somalia Petroleum Authority ).

Shirkada Kuwait Energy oo ay horboodo ama saamiga ugu badani ay leedahay Inanta la yiraahdo Sahra Akbar oo reer Kuwaiti ah, Diinteeduna tahay Shiico, kana shaqeyn jirtey Shirkada Dowliga ah ee Shidaalka u qaabilsan dalka kuwait ayaa sannadkii 2005 dabayaaqadeedii waxay aas-aastey shirkadan Kuwait Energy oo ka mid ah shirkado yar-yar oo tira badan waddamadan Khaliijka sannadaha dambe ka soo baxay iyagoo ka faa’ideysanaya qiimaha sicir barar ee Saliida ceyriin soo food saartey, ayaa waxay la midowdey shirkadan la yiraahdo PT Medco Energy, oo ah shirkada xarrunteedu tahay Indonesia oo iyadu ah shirkad aad u yar wax soo saarkeeduno liito, sida ku soo baxay Joornaalka caanka ah ee JAKARTA POST Qeybtiisa Businesska ayaa waxa uu sannadkii hore bartamihiisa ka qoray shirkadan Medco Energy in ay Deyn badan ku jirto lana liic-liiceyso buuq dhaqaalle, ayey waxa ay soo bandhigtay dhaqaalo xumida soo food saartey awgeed in shirkadan ay shacabka reer Indonesia u soo bandhigto in ay maal gashtaan oo ay Saamiga (shares ) shirkada wax ka gataan, taasoo deymo badan oo ay ku lahaayeen Bangiyada Credit Suisse Group iyo Deutsche Bank AG ay noqdeen kuwa u maareeya iibka saamiyada si ay deymo gaaraya $ 177.000.000 ( Boqqol iyo Todobaatan iyo Toddoba Malyuun ) ay ku lahaayeen ay dib ooga soo ceshtaan shirkada.

MUXUU YAHAY HESHIISKA QARSOON KUWAIT ENERGY (SARA GROUP) IYO MEDCO ENERGY.

Sida ay sheegtay wareysi ay siisey Reuters Sara Akbar, gabadha madaxda “CEO” ka ah Kuwait Energy bishan Augost 9keeda 2007, saamigana inta badana iyadu iska leh, ayey waxay suxufigii Reuters u soo bandhigtey in sidan loo kala leeyahay : Kuwait Energy : 40% waxaa iska leh shirkada la yidhaahdo Kuwait Global Investment Group, 37% waxaa iska leh Aref Investment Group, 15% waxaa leh Chicago Based Company, inta soo hartey ganacsato reer Khaleej ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan DFKGS oo dhowaantan ku biirey shirkadan howshan sharci gudbinta Baydhabana wax ka wada.

Heshiiska Qarsoon ee meesha ku jira ayaa waxa uu yahay in marka la dhiso Somali Petroleum Authority ( SPA ) ay iyadu ahaan doonto mid ka madax banaan Wasaarada Tamarta Iyo Batrooka, taasoo ay SPA iyo Kuwait Energy ay iyagu ka mas’uul ahaan doonaan waxyaabaha soo socda : Cabirka Dhulka, Qeybinta Dhulka ama Block-yada, Bixinta Qandaraasyada, Bixinta Ruqsooyinka ama Licence, Qiimeynta Shidaalka, Suuq Geynta Batrooka iyo Waxa Ka Soo Hara , La Xisaabtanka Shirkadaha Cida Soo Galeysa Iyo Cida Ka Baxeysa, iwm. Taaso ay sida ay Reuters u sheegtay Sara Akbar The CEO of Kuwait Energy in shirkadeedu lahaan doonta dhaqaalaha ka soo gala maamulka iyo maareynta iyo iib geynta shidaalka ummada Soomaaliyeed ay u oomanaayeen in ka badan kontomeeyo sannadood 49% wax u dhow ay Kuwait Energy iyo Medco ay lahaan doonaan, taasoo ku ah ihaano iyo xaq daro aad u weyn Ummada Soomaaliyeed ee u ooman horumar iyo nabad gelyo, tasoo runtii ah Percentage ama tirro aad u badan oo ay shirkad shisheeya ku lahaato Maamulka Shirkada Maareynta Batroolka Soomaaliyeed, marka loo eego shirkadahan Kuwait iyo Medco Energy oo haba yaraatee wax qarash ah ee la taaban karo aysan ka gelin howlahan cilmi baarista shidaalka ku saabsan arrimaha, ama haddey noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada Soomaliyeed ku saabsan oo aysan waxba ka geysan.

SHARCIGA MAAREYNTA SHIDAALKA IN LA HELO MA MUHIIM BAA ?

Jawaabtu waa Haa. Runtii caqliga saliimka ahi wax uu inoo sheegayaa, in haddii aanan la helin wax sharci ah oo kala haga ummada ama hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aanan dowliga aheyn, shirkadaha caalimaga ah iyo kuwa aanan aheyn, eysan marnaba suurto galeyn in uu waddanku horumar gaaro, taasoo helida sharcigu uu muhiim yahay markii uusan ku xirneyn dano gaar ah oo shaqsiyaad wataan ama sida hadda u muuqata in ay shirkado dano gaar ah wata ay hor boodayaan sida Kuwait Energy iyo Medco Indonesia.

Muxuu yahay danaha u qarsoon ee ay shirkadaha wataan oo eynaan shacbi weynaha Soomaaliyeed ogeyn ? Waxa uu yahay in shirkadahan lacag gaareys dhowr boqqol oo kun oo dollor ku bixiyeen diyaarinta sharcigan caalamiga ahi taasoo dhowr waji soo kala marey shirar lagu kala qabtey ; Jakarta Indonesia, Malindi Kenya, Paris France, Abu Dhabi UAE, iyo Kuwait oo saldhig u ah hagida howshaan, ayaa lagu go’aansadey in shirkadan loogu badalo 4 Blocks oo waa weyn oo shidaal laga baarayo in la siiyo iyo in 49% ay xaq u leeyihiin in ay qaataan maareynta Somalia Petro. Authority, taasoo markii wax soo saar yimaado isu roggi doontaa in ay Boqolaal Malyuun oo Dollar ay si fudud ku helaan shirkadaha shisheeyey iyagoon waddan waxba maal gelin.

Labadan shirkadood haddii ay ahaan lahaayeen labo shirkadood oo heysta dhaqaalle badan oo ay kaga qeyb qaadan karaan raadinta shidaalka la sheegay in uu Soomaaliyo dhex ceegaago waxba kuma jabnaateen. Balse markey door bideen ay ogaadeen in aysan u aheyn dhaqaalle badan ay kula tartami karaan shirkadahii waa weynaa ee horey dhaqaalaha badan ku bixiyey baadi goobka shidaalka sida : Conoco, Chevron, Shell, Agip, Elf, iwm iyo kuwa cusub ee hadda raba in ay baadi goobaan oo ay leedahay dowlada China oo ka midka ah shirkadaha adduunka oogu waa weyn sida : CNOOC, CNPC, iwm. Ayaa shirkadahan yar-yar ee Kuwait Energy iyo Medco Energy waxay door bideen in ay meel soke ka soo laabtaan oo yiraahdaan, haddii aanan marnaba dhaqaalle ahaan la tartami karin shirkadahan waa weyn, kolka waa in aan kaga hormarnaa maareynta maamulka shidaalka iyo walxaha la xirriira. Sidaa darteed ayaa misana haboon in la is weydiiyo muxuu yahay waxa ku hoos qorsoon gudbinta sharciga shidaalka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed la hor dhigey maanta in ay aqriyaan, muxuuse noqon doonaa ma mid maskax iyo caqli taam ah loogu fakarey lagu falanqeeyey looguna aayi doono mustaqbalka fog ee ummada Soomaaliyeed ayuu ahaan, mise mid lacagta dollarka ee Kuwait laga keenay mid lagu kala tuuro ayuu ahaan, sida uu Mudane Maxamed Cali America sheegay in si fudud loo gudbin doono kal fadhiga Baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo u hadlayey in uu ka war hayo codeynta mustaqbalku sida ay u dhaci doonto.

SHAQSIYAADKA FARANSIISKA AH EE HOWLAHAN KU MASHQUULSAN ” FRENCH CONNECTION”

Somali PM Ali Mohamed Gedi, left, listens to his special advisor Daniel Bourzat before giving a press conference on the final day of AU summit in Accra (File Photo)
Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi oo dhegeysanaya lataliyihiisa khaaska ah Daniel Bourzat ka hor intii uusan warsaxaafadeed ka jeedin maalintii u dambeysey shir-weynihii Midowga Afrika ee Accra [3July2007]..VOA…
Somali Officials Deny Selling Oil Rights
Patric Mollier oo ah nin ay dhalashadiisu tahay Faransiis, isla markaasna ah CEO shirkada PT Medco Energy ayaa waxaa la soo xirriirey la taliyaha siyaasada iyo dhaqaallaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKGS Prof. Cali Maxamed Geedi Mr. Daniel oo ay isaguna dhalashadiisu tahay Faransiis. Labada nin ayaa waxay ahaayeen khuburada ka dambeysa in qorshahan la dejiyo, taasoo hadda ka hor ay dhowr jeer isku dayeen in ay shirkado reer galbeed ah oo ay kula shireen France iyo Swiss-ka iyo Italy ay guul daro ku dhamaadeen markii ay u babac dhigi waayeen xaaladaha murugsan ee markaa ka jiray Soomaaliya.
May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra’iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

Taasoo tuhunka hadda ugu badani ee ka imaanaya Nairobi uu yahay in ninka shisheeye ee Faransiiska ahi uu yahay midka ka dambeeyo qorraalada is barbar yaaca ah ee baryahan dambe ka soo baxay wargeysyada caalimaga ah ee reer Galbeedka, taas oo kaga dan leeyahay in lagu jahwareeriyo shirkado waa weyn oo hami u soo hayey bal mar uun in ay Soomaaliya degaanadeeda nabdoon wax ka eegaan.

MAXAA LA GUDBOON BAARLAMAANKA KU MEEL GAARKA SOOMAALIYEED.

Soomaalidu waxay yidhaahdaan : Waarimeysaan e’ War Ha Idin Ka Haro. Ha isku dayina marnaba in aad gudbisaan sharci aan dan iyo maslaxad u heyn ummada Soomaaliyeed, taasoo haddii aad ku dhacdaan dabinkaa eydaan u maara heyn doonin sidii aad oogu bixi laheydeen 25ka-35ta sanno ee soo socda.

Sharcigu Maareynta Batroolka haddii uu noqdo mid aanan sharuudo iyo dano gaar ah ku lamaaneyn wey haboon tahay in la gudbiyo, balse sida ay durbadiiba madaxda shirkadaha Kuwait Enery iyo Medco sheegteen in ay 49% ( Afarta iyo Sagaal Boqqolkiiba ) ay iyagu leeyihiin dhisida Maamulka Maareynta Shidaalka Soomaaliyeed, cidii gudbisaa ama u codeysaa gudbinta barnaamijkan, wuxuu ahaan doonaa dambiile Qaran oo dollar walba ay shirkadahaas qaateen mas’uuliyadeed qaadi doono.
1997 / 1998 – Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey “madaxweynihii markaas” Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed “maamulkisii” u saxiixay “Wasiirkiisii Caafimaadka” Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. Guji…

Qoraalkeygaan aan oogu tallo galey in aan ku dareen geliyo ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in ay wacaan lana xirriiraan wakiilada xildhibaanada beelahooda ama degaanada ay ka soo jeedaan una sheegan in aysan sidan macquul aheyn in sharci lagu gudbiyo, hana weydiistaan xildhibaanadu in ay arkaan heshiisyada qarsoon ee aan miiska ummada Soomaaliyeed loo soo bandhigin.

* TIXRAAC: AKHRI HALKAN…….

Somalia Energy Concern Group
somalienergyconcerngroup@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh S.E.C.G.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2007

* Medco to Expand Oil Business to Somalia
* Somalia debates law to open oil exploration up to foreign firms
* Several foreign oil companies are seeking permission to resume the search for oil.
* Somali parliament debates oil law this week – envoy
* Ethiopia rebels warn oil companies to stay away
* Read here……….

Puntland oo aan Sharraaxaad ka bixin $20 million oo lagula kala wareegey Consort
.Maxaa Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo Gaagaab?
.Range oo la wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri Faallada Maanta…..
Baydhabo: Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada

source:- http://www.somalitalk.com/

Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa”Sharciga Batroolka Soomaaliyeed”

August 13, 2007 at 5:40 pm | Posted in Siyaasada Shidaalka Somalia | Leave a comment

Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa”Sharciga Batroolka Soomaaliyeed”…..
Baarlamaanka DFKMG ma ansixin doonaa”Sharciga Batroolka Soomaaliyeed” ee Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed Lagu Duudsinayo 70-ka Sano ee soo socota….

Warbixintii iyo faalladii SomaliTalk.com | Aug 12, 2007
——————————————————————————–

Waxaa beryahan magaalada Baydhabo ka socda xusul duub ay xukuumadda DFKMG ugu jirto in si degdeg ah uu baarlamaanka DFKMG u ansixiyo sharci loogu magac daray “Sharciga Batroolka Soomaaliyeed”.

Haddaba, waxaa SomaliTalk.com soo gaarey xog gaar ah oo la xiriirta qorshaha dhabta ah ee ka dambayeeya ansixinta xeerkaas lagu qalqaalinayo Baarlamaanka DFKMG ee fadhigoodu yahay Baydhabo. Waana tan qayb ka mid ah xogtaas oo aan soo koobnay:

Bishii June 12, 2006, ayaa magaalada Malindi ee ku taal xeebta Kenya waxaa xukuumada DFKMG loogu soo bandhigay qoraal ka kooban 68 bog oo ku qoran “PowerPoint” oo nuxurkiisu ahaa sidii loo qaybsan lahaa Batroolka Soomaaliya, kaas oo ka gooni ahaa sharci ka koobanaa 49-qodob oo ku qoran 43-bog oo ah PDF “Draft” ah ‘Sharciga batroolka Soomaaliyeed” oo maraas gacanta loogu dhiibey DFKMG, si looga ansixiyo baarlamaanka.

Waxaa layaab leh in arrintaas loo soo bandhigay DFKMG ay lataliyaal ka ahaayeen shakhsiyaad ajnebi ah oo leh ama saami ku leh shirkado lagu xusay isla qoraalkaas lagu soo bandhay Malindi, isla markasna si qeexan loogu caddeeyey in ay yeelan doonaan saamiga batroolka Soomaaliyeed boqolkiiba 49% [Warkaasi makaa daadegey – waxaa dhici karta in aad maalmahan -Agoosto 2007- maqashay shirkaddaha Kuwait-Energy iyo MedcoEnergi oo heshiis la galay DFKMG – laakiin xaqiiqo ah June 2006 DFKMG waa sii ogeyd heshiiskaas].

Lataliyayaashii DFKMG u soo bandhigay xeerarka “Sharciga Batroolka Soomaaliyeed” bishii June 12, 2007, waxaa ka mid ahaa:

Sara Akbar oo madax u ah shirkadda Kuwait Energy
Dr Manssour Aboukhamseen agaasimaha Kuwait Energy
Mohammad Al-Howqal agaasime xagga ganacsiga ee Kuwait Energy
Hilmi Panigoro madaxweynaha shirkadda MedcoEnergi – oo ah shirkad laga leeyahay dalka Indonesia
Patrick Molliere lataliyaha gaarka ah ee madaxa shirkadda MedcoEnergi
Indra Prawirodipooero agaasimaha qorshaynta iyo dhaqaalaha ee MedcoEnergi
Iman Suseno lataliye xagga sharciga ee shirkadda MedcoEnergi
J. Jay Park qareen jaal la ah Macleod Dixon LLP oo ah reer Canada
Thomas E. Valentine qareen jaal la ah Macleod Dixon LLP
iyo rag ka tirasan DFKMG [oo magacyadooda aan xilli kale soo bandhigi doono, insha Allah.]

Sara Akbar – madaxa shirkadda Kuwait Energy

Dr Manssour Aboukhamseen agaasimaha guud ee shirkadda Kuwait Energy, ahna macallin wax ka dhiag Jamacadda Kuwait.

Mohammad Al-Howqal agaasime xagga ganacsiga ee shirkadda Kuwait Energy

Website: http://www.kuwaitenergy.com.kw

Warbixinta Dhaqaalaha shirkadda Kuwait Energy ka eeg halkan….

——————————————————————————–

Website: http://www.medcoenergi.com

HILMI PANIGORO, madaxweynaha shirkadda MedcoEnergi ee reer Indonisia

Warbixinta Dhaqaalaha Shirkadda Medco halkan ka eeg

——————————————————————————–

Somali PM Ali Mohamed Gedi, left, listens to his special advisor Daniel Bourzat before giving a press conference on the final day of AU summit in Accra [3July2007]..VOA… .Somali Officials Deny Selling Oil Rights

——————————————————————————–

Jay Park
Thomas Valentine
Jay Park iyo Thomas Valentine waa qareeno reer Canada ah oo ay DFKMG u shaqaalaysiisay in ay kala taliyaan sharci u samaynta khayraadka Soomaaliya. {Eeg halkan…]

——————————————————————————–

“Somalia: Can It Escape The Resource Curse?” Dr. Mohamed Firimbi

Waxaa markaas (June 2006) DFKMG loo soo bandhigay jadwalka la raacayo si loo dhaqan geliyo sharciga batroolka oo markaas gacanta loo geliyey DFKMG, waxaana la qorshaynayey in sharcigaasi dhaqan galo bishii July 25, 2006, sida ku cad bogga 42aad ee qorshaha ay lataliyayaasha kor ku xusani u soo bandhigeen DFKMG. [Dabcan sharcigaasi weli -Aug 12, 2007- ma dhaqan gelin, waana arrinta hadda la rabo in la mariyo baarlamaanka Baydhabo.]

Waxaa kale oo aad u layaab badnayd in kooxdaas isku magacaabay lataliyayaasha DFKMG ay bogga 43aaad ee qoraalka ay ku soo bandhigeen Malindi oo uu goobtaas fadhiyey ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, in ay ku qorayd sidan:

Jadwalka Qorshe soojeedinta batroolka Soomaaliya…

June 12- August 15, 2006: in la dhamaystiro qorshaha Wax soosaar Wadaagga ah, la diyaariyo xeerarka saamileyda iyo sharciga Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo diyaarinta sharciga batroolka Soomaaliya.
August 31, 2006: in shirkadda MedcoEnergi (Indonesia) iyo Kuwait Energy (KE – Kuwait) la siiyo 49% saamiga Hay’adda Batroolka Soomaaliya (HBS). Isla markaasna in Wasiirka batroolku uu ansaxiyo saddex agaasime oo ay yeelaneyso hay’adda batroolka Soomaaliya (2 agaasime oo Medco, 1 ka imanaya KuwaitEnergy) kuwaas oo ka mid ah toddobada agaasime ee Hay’adda Batroorka Soomaaliya [oo ah hay’adda la qorshaynayo in uu ansixiyo Baarlamaanka DFKMG].
September 15, 2006: Uu markaas wasiirka batroolku warqad u diro kuwa hore loogu ogolaaday heshiiska [bal eeg kuwa la sheegayaa waa shirkadaha la taliyayaasha ah ee KuwaitEnergy & Medco oo sida muuqata laga qayb gelinayo agaasimidda hay’adda batroolka.]
Waxaa intaas dheer in lataliyayaasha ajnebiga ah ay “u ogolaadeen” ama u qoondeeyeen hay’dda batroolka Soomaaliyeed (H.B.S.) ee la dhisayo in ay qayb ku yeelan karto saamiga batroolka Soomaaliyeed boqolkiiba 40% (saamigaas oo loo kala qaybiyey 30% oo ay yeelaneyso Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed – SH.B.S. “oo iyadana la dhisayo”, iyo 10% ay yeelanayaan Dawlad Goboleedka meesha batroolka laga baarayo – taas oo markiiba keentay is-herdigii DFKMG iyo DGPL iyo safaradii Geeddi ku tegey Puntland – taas oo ay dheer tahay in meesha laga saaray shirkaddii Range Resources oo ay wadatey DGPL].

Haddii aad loo sii dhuuxo arrinta ay soo bandhigeen lataliyayaashaas ajnebiga ah waxaa soo bexeysa in aan la sheegin cidda loo qoondeeyey inta ka dhiman saamiyada la sheegay oo ah 11%. Waayo waxaa la xusay: 49% [KuwaitEnergy & Medco] + 30% [SH.B.S.] + 10% [DGobleed] oo isku darkoodu yahay = 89%. [Xaggee arrintu iska qaban la’dahay, mase waa duudsin aan gabbada lahayn, ayaa dhici karta in aad is weydiisid…]

Haddii hab kale loo xisaabiyo oo la yiraahdo 30% la siiyey HBS ayaa waxaa 49% kamid ah leh shirkadaha KuwaitEnergy & Medco, markaas su’aashu waxay tahay in meel la saaray 30% HBS [oo 49% ay leedahay KE&medco iyo 51% Dawladda] + 10% DGoboleed = 40%. Markaas 100-40=60 : Waa su’aale markaas 60% xaggee la saaray – Waa xisaab wareersan… Balse aan ku gaabsano in ay maqan tahay 11% oo keliya si xisaabtu inoogu fududaato, xisaabtanka rasmiga ahna Baarlamaanka ayaan u dhaafnay.
Shirkadda Kuwait Energy oo ah shirkad aad u yar oo sida ku cad weysite-kooda la asaasay bishii Agoosto 2005, ayaa sida kor ku xusan ka mid ah lataliyayaasha xeer dejinta shidaalka Soomaaliya, waxaana cad in xilligaas shirkaddaas iyo jaalkeed loo qoondeeyey 49% saamiga wixii faa’iido ka soo baxa Batroolka Soomaaliya, marka la dhaqan geliyo xeerka batroolka ee ay isla shirkaddaasi lataliyayashiisa ka mid tahay!.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee loo aqbali karaa xeer ay dejiyeen kuwa leh shirkadaha iyagu isa siiyey saamiga ugu badan, isla markaasna ka mid noqonaya kuwa maamula Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed? – Jawaabta waxaan u dhaafnay cidda arrintaas go’aankeeda leh oo ah Baarlamaanka DFKMG ee fadhigisu yahay Baydhabo iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sharciga la Horgeynayo Baarlamaanka DFKMG:

Inta aynaan u gudbin qodabo ka mid ah sharciga hordhac ah, waxaa xusid mudan in sharcigaas markii loo dhiibayey DFKMG in aad looga dhaadhiciyey in ay si degdeg ah u hirgeliso.

Arrintaasna waxaa daliil u ah jadwalka sare ee ay soo bandhigeen lataliyayaashu. Waxaa taas dheer in bogga 14aad ee qoraalka [PowerPoint] in DFKMG lagu xusuusiyey in batroolka dhowaan laga gudbi boono sidii looga gudbey xilligii loo aqoonjirey waagii dhagaxa “Stone Age”, arrintaas oo looga gol lahaa in DFKMG la tuso in ay xeerka loo soo bandhigay hore ka aqbalaan.

Lataliyayaashu waxay DFKMG xusuusiyeen in batroolku uu qiimo yeeshay sannadkii 1870, uusana wax qiima ah yeelan doonin marka la gaaro 2070, iyagoo markale xusuusiyey halkudhegii laga soo xigtey Sheikh Zaki Yamani oo ahaa wasiirkii hore ee Batroolka Sucuudi Arabiya , hadalkaas oo ahaa “Dhamaadkii batroolku waa soo dhow yahay. Xilligii loo aqoonjirey waagii dhagaxa waa dhammaaday asagoo aysan sabab u ahayn dhagax la’aan. Xilliga batroolkuna wuxuu dhammaanayaa ayadoo asan sabab u ahan batrool la’aan”.

Qodobo ka mid ah Sharciga Batroolka Soomaaliya:

Waxaa xusid mudan in sharcigaasi uusan ahayn rasmi balse uu yahay “Draft” taas oo macneheedu yahay in wax lagu kordhin karo, laga dhimi karo ama qodobada lakala bedeli karo marka la hor geynayo baarlamaanka:

Sida kor ku xusan sharciga Batroolka Soomaaliyeed ee la qorshaynayo in la hor geeyo baarlamaanka Baydhabo waxa uu ka kooban yahay 49-qodob, waxaana hoos ku arki doontaa sharciga hordhaciisa ama ‘Draft” oo dhamaytiran. Balse waxaan marka hore faallo kooban ka bixin doonaa qodobada nuxurka u ah Sharciga Batroolka Soomaaliyeed ee la hor dhigi doono baarlamaanka DFKMG si ay u ansixiyaan:

Qodobka 6aad: Qaybta 6.1: Isticmaalka Awoodaha iyo xilalka Shaqo. Waxaa iska leh Wasaaradda iyo Hay’adda “Batroolka Soomaaliya” (HBS) oo ugu dhaqmaya si waafaqsan sharcigaan iyo xeer nidaamiayaashiisa…..

Qodobka 8aad: Sharcigan waxaa lagu dhisay hay’adda nidaaminaysa hawlaha batroolka, laguna magacaabo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, oo hoos imanaysa wasaaradda.

Qodobka 8.2: Maamulka HBS. Dawladu waxay magacaabaysaa guddi maamula hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS) oo ka koobnaanaya ugu yaraan shan (5) ugu badnaana toddoba (7) xubnood…. Guddigu wuxuu haynayaa maamulka ugu yaraan muddo afar sano ah…. [Halkaas xusuuso in Malidi ay lataliyayaashu ku soo bandhigeen hadalkii ahaa- in Wasiirka batroolku uu ansaxiyo saddex agaasime oo ay yeelaneyso hay’adda batroolka Soomaaliya (2 agaasime oo Medco, 1 ka imanaya KuwaitEnergy) kuwaas oo ka mid ah toddobada agaasime ee Hay’adda Batroorka Soomaaliya – sow warku ma cadda.]

Qodobka 8.5: Shuruudaha Guddiga Maamulka. Shakhsiga ka mid ahaanaya guddiga maamulka ee HSB lama magacaabi karo ama looma ogolaan karo xubinimo haddii uusan muwaadin Soomaali ahayn ama uu yahay milkiile, saamile, agaasime, sarkaal rafiiq ganacsi, iwm, oo ku dhex jira hawlaha wax soo saarka, gaditaanka, iibinta, gudbinta, dhoofinta iyo keenista, iwm, ee la xiriira arrimaha batroolka ee wadanka….. [Qodobkaasi waxa uu diidayaa soo jeedintii lataliyaasha maadaama ay ajnebi yihiin – malaha waa arrinta sababtay in uu sharcigani daba dheeraado si labadaas la isu waafajiyo, ayadoo la rabo in baarlamaanka loo sheego kemedda ah “xubinimo” in aysan la mid ahayn “maamulid” ama “agaasime”, oo la yiraahdo qofku isagoo aan xubin ka ahayn HBS ayuu agaasime ka noqon karaa! – Haddii arrintu aysan sidaas ahayn malaha waxaa indhaha baarlamaanka laga weecinaya saamiga ah 49% ee HBS ee la siiyey ajnebiga iyo saamiga aan meel la saaray la cadayn.]

Qodobka 9aad: Samaynta Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed [SH.B.S]. Shirkadda batroolka Soomaaliyeed waxay leedahay shakhsiyad qaanuuni oo leh qaab shirkadeed. [Waa shirkad labaad oo ka duwan Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.] – Ujeedada Shirkadda Batroolku Soomaaliyeed (SHBS) wa mid ganacsi oo ay kontroosho Dawladdu, si ay u qabato hawsha batroolka ee Soomaaliya gudaheeda….. Shirkaddu waxay heli kartaa rukhsad ku salaysan gadasho xuquuq si toos ah iyadoo raacaysa hab tartan oo ay soo bandhigtay HBS, si la mid ah xaaladaha shakhsi kastoo kale. [Halkaas dhuux…]

Qodobka 9.2: Golaha Maamulka Shirkadda Batroolka. Shirkaddu waxay yeelanaysaa gole maamul oo ka kooban shirguddoon, Agaasime guud iyo in aan ka yarayn saddex (3) kana badnayn todoba (7) Agaasimeyaal kale.

Waxaa qodobada sare ka muuqda in Wasaarada Batroolka laga hoos samaynayo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS), taas oo leh ilaa 7-agaasime. Waxaa kale oo la samaynayaa Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed (SHBS) taas oo leh ilaa 7-agaasime iyo 1-agaasime guud iyo shirguddoon. [Baarlamaanka ayaa arrintaas laga filayaa in uu su’aal xukuumadda ka weydiiye waxa arrintaas jaahwareerka ah ka dambeeya.]

Awoodda la siinay hay’adda HBS, waxaa ka mid ah:

Qodobka 21aad: Qaybtiisa 12.1: Ruqsadda Sahaminta. Awoodda Bixinta: Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS) waxay siin kartaa ruqsad sahamineed, oo la xiriirta goob cayiman, shakhsi qaanuuni ah ama koox shirkado ah;

Qodobka 13aad: (13.1) – Heshiiska Wax-soosaar Wadaagga – Awoodda Bixinta: Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed waxsay la gali kartaa heshiis Wax-soosaar Wadaag ee ku saabsan goob cayiman, shakhsi ama koox ashkaas ah, kadib markay cadaato in shakhsigaas ama kooxdaasi ay galeen heshiis wada shaqayneed oo ay oggolaatay HBS…. Heshiis kasta oo wax-soosaar wadaaag ah waxaa saxiixaya Wasiirka, isagoo tixgelinaya talada HBS.

Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed hawshiidu intaas ka weyn, bal eeg : Qodobka 14aad: (14.1) – Ruqsadda ku dhaqanka dhulka- Awood bixinta – HBS waxay siin kartaa shakhsi ama koox ashkaas ah ruqsad ku dhaqan dhuleed oo la xiriira aag cayiman….

Waxaa aad layaab u leh hay’adda awooda intaas leeg la siinayo in aan lagu xusin qodobka la xiriira ilaalinta degaanka – qodobka 17aad: Ilaalinta Bii’adda – Waajibaadka wax ka qabashada bii’adda. Shaqsiyaadka ruqsadda haysta ee wada hawlaha batroolka waxaa laga rabaa: – in ay yareeyaan wax u dhimidda bii’adda, iska ilaaliyaan in khasaare loo geysto batroolka…. [lataliyayaasha ajnebiga ah malahooda halkaas aad ayey tabcada ula heleen Soomaalida – waa haddii baarlamaanku hirgeliyo xeerkaas’e… waayo.. sidee qof aan isagu dalka lahayn loogu aamini karaa in uu deegaan kuu ilaaliyo…]

Mas’uuliyadda ilaalinta degaanka si looga fogeeyo HBS waxaa qodobka 17aad, qaybtiisa (17.2) ku xusan – Xeerka Nidaamiya batroolka. Wasiirka waa inuu soo saaraa xeerar si cad oo buuxda u qeexaya waajibaadyada saaran shaqsiga ruqsadda haysta….. [Hay’adda batroolka Soomaaliyeed maadaama la qorsheynayey in agaasimayaasheeda ay ka mid noqon doonaan ajnebi ayaa malaha xilka loogu weeciyey wasiirka aan awooda lahayn ee la sheegay in uu talada ka qaadanayo HBS…]

Waxaa xusid mudan in qodobada 37aad iyo 38aad ay xuseen ciqaabaha la xiriira bii’ada haddii la kharibo, laakiin ma cadda hay’adda taas dabagalka ku samayn doonta.

Qodobka 24aad: Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed iyo ka qaybgalinta Dawlad Goboleedka. (24.1) Heshiis kasta oo wax-soosaar Wadaag ah waa in ay ku caddahay: (24.1.1) – Xaqa ay Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed u leedahay in ay ka qayb gasho hawlaha Batroolka, ugu badnaan ka qaygal dhan 30%; iyo (24.1.2) – Xaqa qandaraaslaha ee ka midka ah Dawlad Goboleed, taas oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya dhulka ruqsadda lagu baxshay uu ku yaallo, si ay uga qayb gasho hawlaha batroolka ilaa iyo heer gaarsiisan 10% ugu badnaan marka la eego xaqa ka qaybgalka. [Markale eeg Soomaalida oo dhan waxaa xeerku u qoondeeyey boqolkiiba 40% oo keliya khayraadkii batroolka Soomaaliyeed, waxaa soo haray 60%, taas oo 49% la siiyey Lataliyayaasha Sharcigan. Weli waxaan meelna lagu sheegin 11% cidda loo qoondeeyey.]

Qodobka 28aad: Xisaabid iyo Baaris – Kormeere – HBS waxay u magacaabi kartaa shakhsi in uu noqdo kormeere, marka laga hadlayo ujeedooyinka sharcigan, kormeeruhu wuxuu yeelanayaa awoodaha iyo xuquuqaha lagu siiyey xeerkan. [Kormeerka ama shaqada ugu horeysa ee kormeeraha laga rabo waa in uu caddeeyo sababta keentay in la siiyo saami ah 49% lataliyayaashii xeerkan dejiyey.]

Qodobka 32aad – Wargelinta Dadwaynaha – HBS waa in ay gacanta u galisaa dadwaynaha shuruudaha muhiimka ah ee la soo koobay, lana xiriira, dhammaan ruqsadaha iyo isbadallada ku saabsan ee la soo bandhigay, haddii ay yihiin kuwo la joojiyey ama haddii kalaba. [ma la rumaysan karaa Hay’ad qaabkaas lagu soo dhisay in ay xaqiiqo soo bandhigto…]

Qodobka 5.1: Lahaandhaha iyo hanashada batroolka ku jira dalka Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay hanti Qarameed oo ay dawladdu gacanta ku haynayso, dadweynuhuna uu ku aaminteen. [batrool aanba gacanta lagu hayn ama la hubin in xeerka loo samaynayo cidda si caddaalad iyo furfurnaan ah u socodsiin weydey, sidee loo aamini karaa in ay si caddaalad iyo sinnaan ah u qabin doonto khayraadka laga helo haddiiba la helo bartool!]

Qodobka 5.2: Shaqsi wuxuu yeelan karaa lahaansho batrool, keliya ka dib markii si sharci ah loo siiyo ruqsad heshiis wax-soosaar wadaag… [Qodobkan oo ka hor imanaya qodobka ka horeeyey ee 5.1, waa meesha loogu gogol dhigayo in gebi ahaanba shakhsiyaad gaar ah lagu wareejiyo batroolka Soomaaliya– Xusuuso hadaladii lataliyayaashu ka soo jeediyen malindi June 12, 2006.].

Isku soo duub oo, sharciga loogu magac daray “Sharciga Batroolka Soomaaliya” waa mid ay taladiisa ugu weyn soo jeediyeen lataliyayasha leh shirkadaha la siiyey saamiga ugu badan ee batroolka Soomaaliya. Arrintaas oo bishii June 2006 DFKMG loogu soo bandhigay magaalada Malindi, qorshahaha soo bandhigidana lagu qoray 68 bog oo ah “PowerPoint” iyo 43-bog oo ah PDF.

Haddaba, qaybta 68 bog oo ah “PowerPoint” waxaan soo bandhigi doonaa xilli kale, laakiin hadda hoos ka eeg linkiga 43 -bog oo ah PDF oo ah sharciga batroolka Soomaaliyeed nuqulkiisa ugu horeeya, kaas oo la qorshaynayo in laga ansixiyo baarlamaanka DFKMG

Akhri Sharciga Batroolka Soomaaliyeed (PDF) – Draft…
Sidoo kale akhri qoraal uu qoray Dr. Mohamed Firimbi oo cinwaan-kiisu yahay “Somalia: Can It Escape The Resource Curse?” oo ku qoran Af-Ingriisi – pdf. [Waxaad qoraalkaas ka heli doontaa magacyada qaar ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa meesha lagu soo bandhigay xeerkaas loo samaynayo Soomaalida].

Sidoo kale si aad wax badan uga ogaatid shirkadda KuwaitEnergy akhri qoraalkii cinwaankiisu ahaa “Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya” ee S.E.C.G. [Somalia Energy Concern Group].

Sida loogu shaxayo batroolka Soomaaliya ka akhri qoraalkii Katie Nguyen (reuters) ee cinwaankiisu ahaa Power play at centre of Somalia oil debate – English.

LIFAAQ:

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xirfadda u leh akhrinta waraaqaha ganacsiga, waxaa la gudboon in ay shacabka Soomaaliyeed u sharaxaan dakhliga ay haystaan shirkadaha lagu wareejiyey 49% saamiga batroolka Soomaaliyeed, waayo waxaa la ogyahay in barnaamijka soo saaridda batroolku in uu u baahan yahay shirkaddo leh miisaaniyad aad u badan ooka bixi kara hawshaas culus, sidaas daraadeedna aysan haboonayn in shacabka Soomaaliyeed lagu maaweeliyo shirkadu dulaaliin ah…

Eeg Warbixinta Miisaaniyaddii Dhaqaalaha shirkadda Kuwait Energy ee 2005-2006….

Arrintaas waxaad barbar dhigtaa in hal ceel oo ay Kenya shidaal ka baartay meel u dhow xeebta Soomaaliya in shirkadihii baarayey ay ku bixiyeen $100 million oo doolar… [Ceelka “Block L-5” waxa uu ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Lamu ee dalka Kenya. Ceelkaasi waxa uu xeebta u jiraa 80 km. Ceelkani waxa uu ka mid yahay laba ceel oo saddexdii bilood ee ugu dambeeyey (October – Janaayo) ay ku baxday lacag dhan $100 million… Eeg halkan…]
Xigasho: GaroweOnline.com | kuwaitenergy.com.kw | medcoenergi.com | GoogleNews | YahooNews | VOA |AP | AFP | Reuters | Iyo ilo wargal ah….

Warbixintii iyo faalladii SomaliTalk.com | Aug 12, 2007

——————————————————————————–

Heshiiska Is -Afgaradka uu galayay maamul goboleedka puntland iyo Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka KMG.

Heshiis Batrool oo ay kala saxiixiixdeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xersi Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka shariif xasan sh.adan ahaana xilligaa uu heshiiska Is -AFgaradka uu galayay maamul goboleedka puntland Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka KMG waa sida uu ku saxiixay Mudane Shariif Xasan. Heshiiskan ayaa ka koobanaa 6-qodob ayaa mas’uuliyiintan kala saxiixdeen sida ku cad qoraalka heshiiska rasmiga ah May 30,2006.. Eeg Nuqulka Heshiiskaa..

Baarlamaanka Federal KMG ayaa iminka waxaa horyaala Sharciga Baroolka Soomaaliyeed oo maalintii khamiista [Aug 9, 2007] loo qeybiyay nuqulo Sharciga Bartoolka ah taasoo ay mudayaasha baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo ka doodi doonaan sharciga batroolk.

Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com | Aug 13, 2007

——————————————————————————–

Siyaasada Shidaalka Somalia

August 9, 2007 at 4:44 pm | Posted in Siyaasada Shidaalka Somalia | Leave a comment

Dowladda KMG ah oo ku howlan abuurista Shirkad Qaran oo shidaalka soo saarta.

Dowladda Somalia ayaa ka fekereysa inay aas aasto shirkad qaran oo shidaalka soo saarta, ayada oo 49% heshiis shidaal baaris ah siineysa shirkadaha PT Medco Energi Internasional Tbk ee dalka Indonesia iyo Kuwait Energy Company ee dalka Kuwait.

Document-yo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, oo cinwaan looga dhigay “Siyaasada Shidaalka Somalia”, ayaa tilmaameysa in labadaas shirkadood, ay saamigooda ka heli doonaan shirkadda Somalia Petroleum Corp 31-ka bishan august.

Si kastaba, taasi waxa ay ku xirnaan doontaaa, in la ansixiyo shirciga saliida qaranka, oo weli sugaya in baarlamanka ay ka doodaan.

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu kulul yahay inuu arko sharciga qabyada ah, ee lagu maamulayo sahminta saliida iyo gaaska Somalia, oo si deg deg ah loo ansixiyo.

Sharcioga waxaa horey u ansixiyay Golihiisa Wasiirada bishii February.

Document-ga ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka shidaalka Somalia uu ansixin doono saddex ka mid ah 7 agaasimayaal oo Shirkadda cusub ay yeelan doonto, kuwaasi oo laba ay ka iman doonto Medco, mid kalena dhinaca shirkadda Kuwaiti-yaanka.

Waxaa jira 7 sarkaal oo ka tirsan shirkadahaasi ajniba, kuwaasi oo document-ga Dowladda Somalia lagu qoray, si ay Dowladda la taliyayaal ugu noqdaaan, waxaana ku jira Gudoomiyihii Medco Hilmi Panigoro iyo Madax fulinta shirkadda Kuwait energy Sara Akbar.

Heshiiska wax soo saarka ayaa dhigaya in Dowladda Somalia iyo shirkadaheeda ay qaataaan 1.2 Bilyan oo Doollar ama 69% dakhliga, hadii 50 milyan oo barmiil la soo saaro, ayada oo halkii barmiil lagu qiimeeyay 50$.

Hadii wax soo saarka uu intaas kasii kordho oo uu gaaro 350 milyan oo barmiil, Dowladad Somalia, waxa ay heli doontaa 9.1 Bilyan oo Doollad ama 72.8%, sida ku cad document-ga.

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama aanu soo bixin saraakiisha Dowladda KMG ah ee Somalia.

Saliida ayaa noqotay muran ka taagan Somalia, ayada oo khubaradana ay sheegayaan in halgan awoodeed ay ka dhex abuurtay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare cali Maxamed Geedi, oo isku heysta xuquuqda sahminta.

Bishii tagtay jariiradad Financial Times, waxa ay shaaca ka qaaday in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu heshiis shidaal lagu soo saaray la saxiixday shirkadda CNOOC ee dalka Shiinaha.

Hase yeeshee jariiradad British-ka waxa ay tiri in Geedi uusan ka war qabin heshiiskaas.

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.