Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee 1-aad.

February 23, 2008 at 7:07 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Qaadaa dhiga shaqsiyaadka xulashada sanadka ee saameeynta ku leh bulshada waxaan daah fur kaga dhigeeynaa Fanaanka da’da yar ee Cawaale Aadan oo noqday fanaan si weyn codkiisa loo jeclaaday sanadkaan oo la aaminsan yahay inuu masraxa fankaba ka dhexmuuqdo labo sano oo qura.

Fanaanka Cawaale Aadan wuxuu bandhig faneedkiisii ugu horeeyay tumay Albumka caanbaxay ee Tusmo.

Heesaha loogu jecel yahay ee marka meel fog laga maqlo qof walba madaxa la ruxaa waxaa ka mida heesta albumkiisa loogu magacdaray ee TUSMO ILA WADAAG AAMINAAY WAAN KU TEBAYAA.,heesta 2-aad ee Ciid,SUBAX CIIDDA ADIGAA DHASHIYO YOOMAL CARAFAADE. Daawo Heesta Cawaale ee Tusmo

Fanaanka Cawaale waxaa loo aqoonsaday fanaanka sanadka ee Jabuuti. Daawo Hees uu ka qaadayo masraxa Jabuuti

Daawo Heesta Ugaaso ee Fanaanka sanadka Jabuuti

Fanaanka sanadka ee Somaliland waxaa noqday Fanaanka codkiisa leeys wada heeybiyay ee Nuradiin Axmed Iimaan

Nuuradiin Axmed Iimaan oo ka mida Fanaaniinta Jamhuuriyadda Somaliland heesaha murtida iyo muusiga xambaarsan ee loogu jecel yahay waxaa ka mida Heesta uu Albumkiisa sanadka ugu magacdaray ee Shamis,”KALGACAL SHIDO AAN LAHAYN SHAR IYO NACAB AAN LAHAYN SHUUSH IYO LAGA DHOOWRAY BEEN ALLOOW SHIFO NOOGA YEEL—AAMIIN Halkaan ka download gareyso

Heesta 2-aad ee Nuuradiin heesahiisa ugu macaan uuna ku noqday fanaan masraxeed dadweynaha ubax u ruxaan waxaa ay tahay heesta halku dhigeedu yahay Samir .SADRIGAAD KU TAALAA,WAAN SOO SOCDAA GARO ,SAMIR IYO DULQAAD BADI,JACEEYLKANA HA SII DEEYN.Daawo Heesta Samir ee Nuradiin

Heesta 3-aad ee Albumka Nuradiin ugu dhageeystayaasha badan ee loo wada riyaaqay waxay tahay heesta loogu magacdaray Laylo ama Sagal .”SAGAL ARAGTIDAADII,CAASHAQ SOOW IMOOW HELIN,SAHWI IGU ABUURMOO,SEEDAHA JIRKEEYGIYO SAAMEEYAY OOGADA SOOW DERIS LAMAAN NOQON ,SEDRIGIYO LAABTANA JACEYL SAHAL UMOOW DEGIN,SAFKAA EEYNIGAAGIYO KAA SOOCDAY DUMARKEE,SAAR WEEYE DOOQUYE,SAADIR HEEYGU KAA SIMO LEYLAAY,SAADIR HEEYSKU KEEN SIMO” Daawo heesta Nuradiin ee Sagal

Fanaanada sanadka ee Soomaaliya waxaa loo aqoonsaday gabadha aabaheed ka dhaxashay fanka iyo codka dabacsan ee Khadra Cumar Dhuule Cali

Heesaheeda ugu saameeynta badan Soomaaliya waa album dhan oo midba midka kale ka daran,waxaana ka mida DOOD KULAMA WADI KARO “DOOD KULAMA WADI KARO,DAACADBAAN AHAAYOO,DAARTEEYDAAN DHEX JOOGEE,DULMIBAAD IGU HEYSEE,DOOQEEYGA DOQONKEE KAA DOORTAY DUNIDEE ADBA IMA DARYEESHIDE MAXAAN KUUGU DAALAA,DAAWO KAAMA DOONEE,DUURKAAD IGU DEEYSAYEE,DUGAAGTAAN LA DERISAAYEE , LA DERISAAYEE ”heesta labaadna wacxay tahay.”KALGACEELKU WAA GOBE,WADNAHAADA GOOR HORE,KOL HADUU KA GAAGAXAY OO GABOOYE KUGU HARIN.ANIGA KEEYGA KAMA GURIN”

Halkaan ka dhageeyso heesaha Xulka Radio Waagacusub oo aan ku soo qaadanay heesaha ay qaado Khadra Cumar Dhuule

Khadra Cumar Dhuule waxaa ay noqotay fanaanada ugu taageerayaasha badan sanadkaan dalka Soomaaliya,waxaana dabcan lagu tilmaami karaa mid deganaanta luuqda iyo dabacsanaanta codka ka raacday Aabaheed allaha u naxariistee Cumar Dhuule Cali.

LA SOCO QEYBTA 2-AAD EE XULASHADDA SHAQSIYAADKA SANADKII TAGAY EE 2007

Advertisements

Qeybta 2-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007

February 23, 2008 at 7:05 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

laxamiistaha 2007 ee Somaliya iyo Jabuuti waxaa loo aqoonsaday Mulaxanka weyn ee Daa-uud Cali Masxaf oo kabankiisa iyo kataarkiisaba ay gilgileen labada dal.

Daa-uud Cali Masxaf wuxuu sameeyay inta badan heesaha ugu caansan Soomaaliya laxamadooda wixii ka dambeeyay sanadkii 2000.

Daawo Daa-uud oo u garaacaya Al Fanaan Hassan Adan Samatar

Fanaaniin fara badan ayaa u tagta dalka Jabuuti in Daa-uud Masxaf heeso cusub u laxameeyo ama habeeno qura uu kabanka u garaaco.waxaana laga tilmaami karaa Fanaanka la holin waayay ee horseedka heesaha Soomaaliya noqday Xasan Adan Samatar .daawo heesta Isha Baydhabo

Allahayoow naf saareeya maxaa qoorta ii suray,daawo Shamsa Cumar Xeydara oo Daa-uud u garaacaya

Daa-uud waxaa jira heesa badan oo uu qaado laakiin xulashada waxaan kaga xusi karnaa,heesta DIIGA ee miraheeda xigmada lagu cabiray,” MARKUU DIIGA UU CIYO,DAAKIRAADA SUBAXII,DUHURKIYO HABEENKII DUULAAN SIDAAN AHAYE,WAXAA LEEY DULKEENAA,DEGMADAAD KU NOOSHAHAY,NAFTU WAXAY DAREENTAA ANAGOO DALXIISOO DAALLO AYNU JOOGNEE,KU DOONAYAAYOO ANIGUBA DARAADAA INDHAHII I DAALEEN,DADKA TAAN KA DOORTAAN HADMAAN DADABGELEEYNAA? ——– AMA DAALLO IYO HOOWD ,DURDURKIYO DAREEMAHA,DULUCYEEY DAADKOO,ADIGOON DIB II DHIGIN DUUNYANA AANAN IGU XIRIN,DADKA TAAN KA DOORTAAY,CAAWAAN DADABGELEEYNAA”

Daawo heesta Diiga oo ay wada qaadayaan Maandeeq iyo Daa-uud Cali Masxaf

Muusikiistaha 2007 ee Jabuuti waxaa noqday Siidi Cali Wiinkeey oo garaacistiisa oorganka iyo bandhig muusigiisa dalka Jabuuti ruxay iyadoo dadka qaarkiina ay tilmaamaan in muusiga Siidi Cali uu yahay mid dareen gaara xambaarsan .

Siidi wuxuu dhanka kale ka dhigan yahay Muusikiistaha ugu faraha fudud Somaliya iyo Jabuuti sanadka 2007-da.

Inkastoo Siidi aad loo jecel yahay muusigiisa organka hadana waxaa jira heeso badan oo uu qaado ,waxaana ka mida heesta DAANSHADAANSHO” DOONIDAAD I SAARTAA DEGEEYSEE,DIBNAHAAGU YEEY QOSOL DAREEMIN,I DISHAYE WALAAL HEEYGU DIGANINE”

LA SOCO QEYBTA 3-AAD EE XULASHADDA SHAQSIYAADKA SANADKII TAGAY EE 2007

Qeybta 3-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007

February 23, 2008 at 7:03 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Wiilka Fanka ka dhaxlay aabahii Karaama iyo Hooyadii Faadumo Qaasim Hilowle,awoowgiis Qaasim Hilowle ee Maxamed Karaama ayaa noqonaya Muusikiistaha sanadka 2007 ee Soomaaliya ,waxaana masraxa garaacista iyo alifida Muusiga ku heysta wiilka isagana fanka aabahii ka dhaxlay ee Axmed Saalax Qasim Naaji Sacad .

Maxamed Karaama waloow uu aad u garaaco muusikada hadana inuu ka dhashay qoys fan waxaa marqaati kuugu filan sida ay Oorganka u garaacdo ama heesaha u qaado Habaryartii Muslimo Qaasim Hilowle oo dhinaca fara fudeedka iyo garaacista ay aad isugu dhaw yihiin.

Taageerayaasha labada muusikiiste ayaa leh waa bar bar dhac oo labaduba waa muusikiistayaasha sanadka marka la miisaamo garaacistiisa aan kala dhicin.

Muusikiistaha iyo Mulaxanka Sanadka ee Somaliland ayaa loo aqoonsaday Saxardiid Maxamed Saxardiid oo muusigiisu uu noqday mid masraxa ku qasbo inay soo fuulaan dad badan oo xishood dartii kuraasta ugu dheganaan lahaa. daawo heesta Eeynee

Inkastoo Saxardiid Maxamed Saxardiid (SMS) yahay Muusikiistaha iyo Mulaxamiistaha sanadka ee Somaliland hadana waa fanaan heeso badan oo la jecel yahay qaada sida LAXAWGA CAASHAQA KAMA LADNAANINE LAABTAAN KUGU HAYAA WELI. daawo

Fanaanka sanadka ee Soomaaliya waxaa loo aqoonsaday Fanaanka weyn ee Saalim Siciid Saalim oo sanadkii tagay ee 2007 soo bandhigay heeso la yaab leh oo maqal iyo muuqaala,loona farsameeyay qaab casriya taas oo riixday inay dad badan u yaacaan istuudiyaasha kana soo iibsadaan oo meel walba laga maqlo codkiisa,lagana arko muuqaalkiisa.

Heesta Abaal:- Daawo AlFanaan Saalim

Daawo Heesta Fu-aad ee Indhaheeyga

Saalim Siciid Saalim waxaan ka dhicin oo dhibcaha sanadka la wadaago fanaanka reer Somaliland ee Fu-aad Omar oo codkiisa aad loo jecel yahay gaar ahaan heesta ay xitaa ajnabiyiintu jecel yihiin ee INDHAHEEYGA”INDHAHEEYGAA ARAGTIDAADAA,AADBEEY UGU FARXAAYAANEE,ADOO KALE AADMIGAAN KUMAAN ARAGEE,UBAX ARAG BAXAY IYO IDADADIISU QALBIGAA KA SOO BAXAY AYAANTEE,AXDI MEEL DHIGANAA,MACAAN MEEYS AROOSNAA”

Daawo heesta bacdii Madoobeedaa banaanka kuu taal

LA SOCO QEYBTA 4-AAD EE XULASHADDA SHAQSIYAADKA SANADKII TAGAY EE 2007

Qeybta 4-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007

February 23, 2008 at 7:01 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Qalinka qaadaa dhiga shaqsiyaadka sanadkii tegay waxaan ku eegi doonaa Saxaafadda iyo Saxaafiyiinta anagoo dib idinkaga soo gudbin doono qeybo badan oo dhinaca Fanka iyo Suugaanta la xiriira.

Sunni Siciid Saalax ayaa loo aqoonsaday inuu yahay Weriyaha horyaalka dhinaca falanqeynta Ciyaaraha,isagoo noqday Weriyaha ugu taageerada badan bahda Saxaafadda Soomaaliya.

Sunni Siciid Saalax wuxuu sanado badan barnaamijka Ciyaaraha ka tebin jiray Idaacadda HornAfrik hasse yeeshee guud ahaan sanadkii tegay wuxuu ahaa Tifaftiraha guud ee Waagacusub Media dhinaca Sports-ka.wuxuuna iminka yahay Agaasimaha Wargeyska Waagacusub Sports ee ka soo baxa Muqdisho.

Sunni Siciid Saalax dhinaca tebinta Ciyaaraha waxaa kula hardamay Weriye Cabdi Xafiid Cabdi Samad Zaciimka oo noqday Weriyaha labaad ee ugu horeeya Muqdisho dhinaca tebinta Ciyaaraha.

Cabdi Xafiid Zaciimka waxaa uu iminka yahay Tifaftiraha Wargeyska Waagacusub Sports ee jiita inta badan bahda Ciyaaraha jecel ee Soomaaliyeed.wuxuuna sanadkii la soo dhaafay ka qeybgalay Ciyaarahii u dhaxeeyay Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti ee ka dhacay Djabouti isagoo soo tebinayay halka uu Xaal marayo.

Weriye Zaciimka wuxuu ka soo shaqeeyay Idaacado badan sida STN iyo Simba Radio Muqdisho.

Wargeyska loogu jecel yahay akhriska Ciyaaraha ee sanadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa Wargeyska Laacib ee ka soo baxa Muqdisho waloow Tifaftiraha Wargeyskaas uu ka maqnaa Muqdisho xaaladaha nabadgelyada aawadeed.

Tifaftiraha Wargeyska Laacib Xuseen Qaasim Shiikha waxaa uu astaan ahaan yahay Khabiir dhinaca Ciyaaraha ku xeeldheer isagoo loo aqoonsan karo qoraaga sanadka ee dhinaca Sports-ka Soomaaliya.

Weriyaha Sanadka ee dhinaca arrimaha bulshada waxaa loo aqoonsaday Cabdi Fitax Muxudiin Nuur oo loo yaqaan la jecloow kaas oo mar qura Masraxa Saxaafadda kaga dhexmuuqday doodo cilmiyeeysan iyo maqaalo xirfadeysan oo ku wajahan arrimaha bulshada.

Weriye Cabdi Fitax la jecloow wuxuu qabanqaabiyay doodo badan oo xiiso leh iyadoo aad loogu riyaaqay sida uu u garsooray dood ku saabsaneed masaafurintii Suxufiyiinta reer Muqdisho ay ku sameeysay Jamhuuriyadda Somaliland.

Dooda Cabdi Fitax la jecloow wado ee Radio Somaliweyn Halkaan ka dhageyso

Cabdi Fitaax la jecloow oo aan u xulnay inuu yahay Weriyaha sanadka ee 2007 wuxuu ka mid yahay Weriyaasha loogu jecel yahay Warbaahinta Somaliweyn.

Website-ka Somaliweyn ayaa isagana noqday website-ka ugu akhristayaasha badan Website-yadda Somalida wuxuuna tartan xoogan oo bareejeeyna la galay Shabaakadaha Waagacusub.com,Shabelle.net iyo Dayniile.com oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwa isugu soo haray loolanka iyo kala jiidashada akhristayaasha Soomaaliyeed.

Website-ka Waagacusub ayaa loo aqoonsaday Website-ka sanadkii tegay ee 2007 wuxuuna ku yahay wararkiisa hordhacaa oo noqday kuwa run ku dhamaada.

Website-ka Waagacusub wuxuu soo tebiyay dagaalkii ka biloowday Muqdisho isagoo noqday website-kii ugu horeeyay ee soo bandhigay askar Somali iyo Itoobiyaana oo Muqdisho lagu jiid jiidayo,hadana sidoo kale waxaa uu noqday website-ka kaliya ee si madaxbanaani ku dheehan tahay uga hadlayay khasaarooyinka garabyadii isku hayay Muqdisho.

Waagacusub waxaa uu gacan weyn ka geystay sidii loo gargaari lahaa hooyooyin agoonleey ku noqday dagaaladii Muqdisho sida Binti,Farxiyo iyo Nadiifo,isagoo dhaqaalooyin ugu geeyay guryahooda kadibna ka dhoofiyay Muqdisho.

Waagacusub wuxuu isu xilsaaray sadaqooyin inuu u qeybiyo masaakiinta ku dhibaateeysan degaanada ka baxsan Muqdisho ee ka barakacay Muqdisho,waxaana xasuus mudan inay xilligaa ahayd waqti adag oo amaan xumo tii ugu darneyd ay Muqdisho ka jirtay.

Waagacusub wuxuu helay Codka Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle taas oo noqotay khudbadii ugu xamaasad abuurka badneed ee qasabtay in BBC lagu wareystay kadibna lagu dulshido si loo maqalsiiyo codkiisa hadaba xaquuqda khudbadaas ee Waagacusub lahaa Halkaan ka dhageeyso

Waagacusub wararkii ugu hanjabaada badnaa ee uu faafiyay kuna dhamaaday dhab halkaan ka akhriso

Proff Dalxa oo Madaxweyne Yusuf la hadlaya qaab sireed ayuu Waagacusub Faafiyay Halkaan ka dhageyso

Maxamed Qanyare iyo rag kale oo shir albaabada u xiran la yeeshay Itoobiyaanka ayuu Waagacusub Khudbadahooda faafiyay Halkaan ka dhageyso

Tifaftiraha guud ee Warbaahinta Waagacusub Dahir Abdulle Alasow ayaa loo aqoonsaday Weriyaha sanadkii tagay ee 2007 ,wuxuuna noqday Weriyahii ugu dakanada badnaa Weriyaasha reer Muqdisho isagoo sedex jeer dil kaga badbaaday Muqdisho oo ay ku ugaarsanayeen kooxaha Shabaabka,sidoo kalana ka soo dhoofay garoonka Muqdisho isagoo ku xakuman xarig oo ay baadi goobayeen Ciidamadda Nabadsugida dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Weriyaha waxaa uu shaashadaha Internet-ka ka soo muuqday isagoo wato Garan taagana jiidaha dagaalka .

Weriye Dahir Alasow wuxuu dilkii ugu dambeeyay uga badbaaday Magaaladda Nairobi bishii Setember ee 2007 ka gadaal markii ay Kooxda Shabaabka oo adeegsanayo nin lagu magacaabo Nuuradiin Yusuf Diini ahna Wakiilka Xawaaladda Qaran ee Kenya iyo Uganda isku dayay inuu mishimo balse uu si dhib yar kaga tilaabsaday.

Nuuradiin Yusuf Diini oo ah gacanyarahii ninka Mareykanka ay baadi goobayaan ee Isse Osman Isse wuxuu lacag badan siiyay boliiska Kenya si Dahir Alasow dalka looga masaafuriyo balse markii uu ku guuldareystay ayey kooxda uu la shaqeeyo ee Shabaabka soo dhigeen sawirkiisa Shabaakadda ku hadasha ee AlMujaahid.com iyagoo ku baaqay in lagu dilo meeshii lagu arko.

Xasan Cumar Maxamed (Xasan Baaffo) ayaa noqday sawirqaadaha sanadkii tegay ee 2007 wuxuuna sawiro dhaxal gala ka qaaday dagaaladii ka socday Muqdisho isagoo u shaqeeyay telefishino badan iyo Website-yo badan sida Waagacusub.com.

Sawirqaade Xasan Baaffo wuxuu noqday Sawirqaadaha Weriyaasha ASOJ ee Socdaalka ku maray Somaliland,Itoobiya,Uganda,Koofur Afrika iyo Kenya.

Fardowsa Mohamed Abdulle ayaa noqotay Weriyaha sanadka ugu taageerayaasha badan ee barnaamijyadeeda aadka loo xiiseeyo,waxaana Somalida ugu magac dareen Xidigta sanadka ee telefishinka Universal.

Fardowsa Mohamed Abdulle waxaa dhinaca shacbiyada kula bartamay Weriye Cabdiqadir Maxamed Cashar Nadaara oo ay dadbadan u yaqaaniin Larry King of Somalia marka la qiimeeyay qaababka uu barnaamijyada doodaha iyo siyaasada u falanqeeyo.

Weriye Cabduqadir Nadaara waxaa aad loogu jeclaaday barnaamij uu ka tebin jiray Idaacadda Hornafrik oo aad loo jeclaa uuna ugu magac daray XOG WARAN.

Cabduqadir Nadaara waxaa uu ka dhigan yahay Weriye aan Xukumadii Maxamed Siyaad ka hor la maqal magaciisa hadana noqday Saxaafi magacweyn leh oo dadaal badan iyadoo dad badana ay aaminsan yihiin inuu soo saaray telefishinka Caalamiga noqday ee Universal TV .

Qeybta 3-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee Waagacusub Media Riix

Qeybta 2-aad Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee Waagacusub Media Riix

Xulashadda Shaqsiyaadka sanadkii tagay 2007 ee Waagacusub Media 1-aad Riix

Waxaa isku soo duway

Maxamed Cismaan Sheekh Qadaafi

M_qadaafi@hotmail.com

Rotterdam-Holand

Ururka Suxufiyiyiinta Somaliyed ee Kenya oo ku biiray ASOJ

Xulka sanadka ee Shirkadaha iyo shaqsiyaadka 2007 Q 5-aad.

February 23, 2008 at 6:53 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Xulka sanadka ee shirkadaha iyo shaqsiyaadka 2007 waxaanu ku eegeeyna Shirkadaha kaalinta 1-aad galay ee saamiga ganacsatada Soomaaliyeed .

Xawaalada Dahabshiil ayaa kaalinta 1-aad ee Xawaaladaha gashay waxaana la hardamay oo suuqa ganacsiga kula loolamay Xawaalada Mustaqbal oo sanadkii la soo dhaafay ee 2007 noqotay Xawaalad ganacsigeeda shaqo si weyn u balaarisay .

Xawaaladda Qaran ayaa sanadkii hore ee 2008 waxay suuqa ganacsiga kula loolantay Xawaalada Dahabshiil hasse yeeshee way naxuustay sanadkaan sababo la xiriiro shakiyo isbarkan iyo Saamileeyda qaar oo la sheegay inay lacagahooda kala baxeen.

Dahabshiil waxaa ka hoowlgala shaqaale kumanaan kun lagu qiyaaso hadana waxay isugu jiraan rag iyo dumar waxaana lagu xulay aqoontooda taas oo riixday inay ganacsigeeda horumariso oo kasbato kalsoonida shacabka.sida ku cad qiimeeyn u kuurgelid aan sameynay.

Haweenka Soomaaliyeed ganacsada iyo aqoonyahanadooda qurba jooga ayaa ugu riyaaqay Dahabshiil sida ay u ilaalisay xaquuqda Haweenka una shaqaaleeysay xilliga adag ee la wada ogyahay in hablaha Soomaaliyeed biilaan qoysaska inta badan halka Shirkadda badan oo Xawaaladeed ay xagjirnimo fogaatay aawadeed u takooreen inay dumarka shaqo siiyaan.

Dahabshiil waxay Somaliya iyo Somaliland ka hergelisay mashaariic samafaleed fara badan sida dhisida Isbitaalo Caafimaad iyo kaalmeeynta dadka tabaaleeysan gaar ahaan kumanaanka qoys ee ka barakacay Muqdisho kuna sugan degaanada ku teedsan.

Dahabshiil waxyaabaha ugu badan ee ganacsatada iyo macaamiisha kale ku aamineen waxaa ka mida qaab sharciyeedka adag ee ay ku hoowlgasho iyo iyadoo noqotay Shirkada qura ee ku siineysa hadii laguu soo dhigo Malaayiin dollar marqura.waloow ay dhinaca kale tahay Shirkadda qura ee Soomaaliyeed kuna xiran Bankiga Caalamiga ee Western Union oo wixii aad doonta kaga diri karto ,kagana qaadan karto hadii Dahabshiil lacag kuu taal ama lagaaga soo diro adigoo ku sugan meel aysan Xarun ku lahayn.

Xawaaladda Mustaqbal ayaa macaamiil badan oo taageerayaal leh waxaana la saadaalin karaa inay hogaanka Xawaaladaha qaban doonto sanadka soo socdo hadii ay labo laabto qaab shaqeedka baaxada weyn ee sanadkii la soo dhaafay hareeyay ganacsiga Xawaaladaha.

Xawaaladda Kaah ayaa ka dhigan Xawaalad aan la dhayalsan Karin waxayna Xarumo waaweyn si sharciya kaga furatay dalalka reer Galbeedka gaar ahaan dalalka sharciyada ganacsi aan sahalka ku bixin sida Holand oo ay Xawaaladda KAAH ku leedahay Xarun diiwaan gashan oo ku shaqeeyso qaab bangiyeedka Caalamigaa.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkada hogaanka u qabatay Isgaarsiinta Koofurta Somaliya ka gadaal markii ay ku guuleeysatay inay kasbato macaamiisha isticmaasha telefoonada gacanta %75

Shirkadda Telcom Somaliya oo ah shirkadii ugu horeysay ee Isgaarsiineed lagana furay Koofurta Soomaaliya ayaa Hormuud Telecom kula loolantay suuqa ganacsiga Koofurta Somalia balse Hormuud ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2007 kaga adkaatay Telcom Somalia labo dhibcood,taas oo ay shaqaalaha Telcom sabab kaga dhigayaan maamulkii hore ee shirkadaas oo la bedelay ayna la wareegeen dhalinyaro uu dhalay allaha u naxariistee Ganacsadahii weynaa ee Soomaaliyeed Marxuum Cabdulahi Qoraxey.

Inkastoo ay shaqaalaha shirkadaas iyo macaamiisha Telcom Somalia amaaneen mid ka mida maamulada shirkadaas oo lagu magacaabo Cabdi Casiis Qoraxeey hadana waxay badankood ka cabanayaan Maamule Mustaf Qoraxeey oo dhaqankiisa ku saleeyay qabyaalad iyo ANAA AMIIR niyad jibiyay taageerayaashii Shirkadaas oo badankood u wareegay Hormuud Telecom.

Telcom Somalia waa shirkada kaliya ee telefoonkeeda gacanta hadii aad ku heysatid Muqdisho aad ku isticmaali kareeysid Hargeysa Somaliland taas oo ka marqaati kaceeysa inay heystaan System casri ah oo baaxad weyn balse ay la dhutineyso maamul xumi u baahan sixid.

Shirkadda STC ayaa qabatay hogaanka Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii ay sanadkii la soo dhaafay la wareegeen maamulkeeda ganacsato ku xeeldheer hab casriyeedka suuq geynta waxayna suuqa kula loolameen Shirkada Telesom Somaliland EX BARAKAT oo la aaminsan yahay inay tahay shirkada ugu laamaha badan Isgaarsiimaha ka hoowlgala Somaliland.

Macaamiisha Isgaarsiinta STC ayaa Waagacusub u sheegay inay Telefoonada shirkadaas u qaateen sababa la xiriiro xoriyatul qoowlka hadalkooda oo aan cabsi lahayn iyo heerka iswicida fudud ee systemka baaxada weyn.

Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS ayaa noqotay hogaanka Isgaarsiinta Puntland waxayna isku balaarisay gobolada Waqooyi bari intooda badan iyadoo sanadkii la soo dhaafay ee 2007 kasbatay macaamiil hore u isticmaali jiray shirkado badan.

Shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya waxaa inta badan Wiiqo horumarka ganacsigooda garasho xumo ka bilaabato taageero Urur diimeed,qabyaalad iyo kooxo siyaasadeed sida Federalka,waxayna Shirkadaha Isgaarsiimaha qaar ku hoowlgalaan qaab basaasid la mida oo ay ku dhageeystaan shaqsiyaad siyaasad ku lug leh oo ay kooxda ka soo horjeedo dooneyso inay ka taqalusto ama wax ka ogaato halka Xawaaladaha qaarna ay Moniter gareeyaan shaqsiyaadka lacagaha ka xawisho iyo kuwa loo xawilo.waxaana dhacday in Somalia lagu dilay dad badan oo lacago ka qaatay Xawaalado kooban oo la shaqeeynayay garab ka mida garabyada isku hayo siyaasada Soomaaliya.

Waxaa isku duway Tifaftirayaasha Waagacusub Media

« Previous PageNext Page »

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.