Digniin laga bixiyay dadka ku hadla Mobile-ka gacanta.

May 21, 2008 at 12:43 pm | Posted in telecomunication | 2 Comments
Tags:


Diraasad cilmiyaysan ayaa lagu ogaaday halista ay la deris yihiin Dadka ku hadla Mobilka in ka badan 60 daqiiqo maalintii

Daraasada Cilmiyeeysan waxay xaqiijisay in dadka lixdan daqiiqo ka badan ku hadla Mobile-ka gacanta ay qarka u saaran yihiin inay dhega beelaan.

Machadku ku yaal magaalada Washington kuna takhasusay baaritaanada Caafimadka ee la xiriira sanka ,dhegaha ,dhuunta iyo qaliinada madaxa iyo qoorta ayaa shir sanadeedkii ugu dambeeyay waxay ku soo bandhigeen diraasad cilmiyaysan taas oo tilmaamaysa in dadka adeegsada mobilada in ka badan lixdan daqiiqo maalin kasta ay qarka u saaran yihiin in ay ku wayaan maqalkooda.

Dr.Narish Banda oo hormood ka ah khubarada soo saartay Daraasada ayaa waxaa uu sheegay in baaris lagu sameeyay  ilaa 100 qof oo iyagu tubaruceen lagu ogaaday in dadka adeegsada mobilka in kabadan 60 daqiiqo maalinti ilaa muddo afar sano ah si weyn uu hoos ugu dhacay maqalkoodi

Daraasada waxaa lagu xusay in dadka laasinta ama badsada adeegsiga telefoonada gacanta uu dhibaato gaarsiinayo xubnaha hoose ee dhegta.

Xeeldheerayaasha takhasuska u leh  Caafimaadka dhegaha waxay qabaan in habka kaliya ee looga badbaadi karo halista maqalka ee ku hadlidda telefoonada gacanta ay tahay iyada oo la adeegsado sameecada codka furan(Loud Speaker)

Dhaqaatiirta dhimirka ayaa qaba in isticmaalka badan ee Mobilka uu qofka u horseedo xanaaq iyo iloowsho joogtaa,waxaana mararka qaar dhacda,hurdo la’aan iyo neerfo kacsan had iyo jeer

Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia oo daah-furtay adeeg casri ah oo la magac baxay “XOGMAAL”

August 16, 2007 at 4:26 pm | Posted in telecomunication | 1 Comment

xogmaal.jpg
Shirkada Golis oo ah shirkadii ugu horeysay ee Gobolada Puntland ka hirgalisa adeega Mobile-ka ayaa mar walba u taagnayd horumarinta adeega isgaarsiineed ee aay umada u hayso.

Si himiladaas looga dhabeeyo shirkadu waxay xoogeeda
iskugu geysay inay isticmaasho qalabka ugu casrisan ee caalamka laga isticmaalo, taasoo aay wadashaqayn xaga farsamada ah aay kala leedahay Golis shirkadaha sida weyn loogu ixtiraamo tayodooda qalab ee Asia, Europe iyo America intaba.

Adeegan casriga ah ee 14/08/07 ay daah furtay shirkada isgaarsiinta Golis ee loogu magac daray “XOG-MAAL” waa mirahii ka dhashay dadaalkaas aan kala go,a lahayn ee shirkadu ugu jirto horumar farsamo si kor loogu qaado tayada adeega la siinayo macaamiisha.

Barnaamijkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga hirgaliyo degaanada Puntland iyo Ceerigaabo waxuu wax weyn kusoo kordhinayaa waxtarka laga helayo Mobile-ka Golis kaasoo macaamiisha ka haqib tari doona xogo dheeraad ah,warar iwm dhinac walba leh wax badana idiin fududeynaya.

XOGMAAL waxuu mobile-ka Golis ka dhigayaa macalin aan daalin, wargal iyo adeeg lagu dhex maquurto badweynta akhbaareed ee dhex ceegaagta shabakada internetka.

Barnaamijka XOGMAAL waxaad ka helaysaa adeegyadaan soo socda:

Emails: Waxaad email ka dirsan kartaa Mobile-kaaga qaabka loo dirayo waxuu noqonayaa Inaad qortid emailka aad u direyso fariinta kadibna fariinta aad ku xijisho adigoo space u dhaxaysiinaya kadibna u dir fariintaas “111” kadib si fudud ayuu emailkaasu ku gaarayaa qofkii aad u dirtay.

Tusaale ahaan waa sidaan hoos ku qoran: Golis_email@yahoo.com Salaan iyo waraysi.

Qiimaha badeecada: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka “F” adoo raacinaya magaca ama model-ka badeecada aad rabto in aad hesho qiimaheeda sida “F NOKIA N93i” Kadibna fariintaasi gaaban ku dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa qiimaha uu marayo sheyga aad dalbatay.

Macluumaadka Guud: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka “G” adoo raacinaya macluulmaadka aad rabto in aad hesho sida “G population of Somalia” Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa macluumaadkii aad dalbatay.

Micnaha Ereyga: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka “D” adoo raacinaya ereyga aad rabto in aad hesho micnihiisa sida “D GSM” Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa macnaha ereygii aad dalbatay.

Wararka Dunida: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka “BBC” ama “JZR” si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee shabakadaha. Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa wararkii ugu dambeeyey ee shabakadahaasi.

Sarifka Lacagaha: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa lacagaha aad doonayso in aad isku bedesho sida “1 Euro in USD” Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa qiimaha la kala siisanayo lacagahaasi.

Faaqidaada Cayaaraha: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa “Sport” kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa fariimaha faaqidaada cayaaraha.

Saadaasha Hawada: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida “W Bosaso” kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa xaalada cimilada wadankaasi.

Tarjumid: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida “Transilate good morning in French” kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa qoraalkaaga tarjumaadkiisa.

Keydka Warbixinada (Encyclopedia): Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida ” Encyclopedia what is the capital of Somalia” kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa warbixintii aad dalbatay.

Stock: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida “Stock GE” kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa warbixintii aad dalbatay.

Matrix: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida “Convert 300 miles to Km” kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka “111”, wax yar kadib waxaad heli doontaa bedelka u dhigma warbixintii aad dalbatay.

Shirkaddu waxay kaloo diyaarinaysaa adeegyo kale oo fara badan oo aad si weyn u xiiseyn doontaan ugana faa’ideysan doontaan mudadda dhow Ilaahay idinkiis.

Waxii faah-faahin intaasi kabadan oo aad u baahataan waxaa diyaar idiinla ah inay idinka gacan siiyaan xarumaha shirkada Golis ee kala duwan idinkoo wacaya “121”

Xogmaal waa macalin aan daalin

Xogmaal war iyo wacaal

Xogmaal su, aal iyo jawaab.

Waaxda Ganacsiga iyo Suuq-geynta

xogmaal.jpg

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.