Sh. Xasan Daahir” Hadii C/llaahi Yuusuf abaal leeyahay gabadhiisa ayuu Isiin lahaa, sababtoo ah..” Wareysii uu siiyay TV-ga Aljazeera.

July 1, 2007 at 2:53 pm | Posted in wareysi | 4 Comments

Gudoomiyihii golaha shuurada Maxaakiimta Islaamiga ah Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday shaashada caalamka kadib markii lagaga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen dowlada Itoobiya.

Sh. Xasan Daahir oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka ALJAZEERA gaar ahaan barnaamijka LIKHAA QAAS isagoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteria ayaa si dheer uga hadlay xaalada uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya kadib bur burkii Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay ugu horeyn in uu isagu caafimaad qabo kana badbaaday duqeyntii Maraykanka ay u geysteen isagoo dhanka kalena xusay in haatan dalku uu cadow gacanta ugu jiro loona baahan yahay in laga saaro wax walba ka hor.

Sh. Xasan ayaa dhanka kale sheegay in wali ay jiraan maxaakiimtii islaamiga aheyd ayna yihiin kuwa hada ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dhamaan dowlada federaalka iyo kuwa itoobiya ay isku mid yihiin waxaa kaloo uu sheegay in xitaa ciidamada Ugandha ay la mid yihiin ayna u yimaadeen dalka sidii ay garab u siin lahaayeen Itoobiya.

” Anaga wax naloo reebtay majiraan umadeenana waa la xasuuqay, xasuuqaas-na dowlad ka hadashay majirto Qaramada Midoobay iyo qolooyinkaan isku sheega inay u doodaan xaquuqda aadamaha ayaa sheegay kaliya in xaalad bini aadan nimo ay ka jirto Soomaaliya.” Ayuu yiri Sh. Aweys.

Sh. Xasan daahir ayaa ka warbixiyay sidii ay uga badbaadeen duqeyntii Mareykanka uu u geystay kadib markii ay u carareen gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in Illaah uu ka badbaadiyay isagoo dhanka kalena xusay in Mobile-ka THURAYA uu Mareykanka u sahlayay ogaanshaha halka ay ku sugan yihiin.

” Waxaa cajiib ah mar alaale iyo markii aan ku hadalno Mobile-ka Thuraya 30- daqiiqo kadib waxaa na soo weerayaya diyaarado iyagoo madaafiic iyo gantaalo nala dhacaya, balse illaah wuu naga baxshay waxaase halkaa ay ku xasuuqeen dad xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodii.” Ayuu Yiri Sh. Xasan Daahir.

Sh. Aweys ayaa u mahad celiyay umadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay aad ula dhaqmeen markii cadowgu uu iyaga baacsnayay waxaa kaloo uu xusay in meelo ay cadowgu joogeen ay iyaguna ku dhuumanayeen.

Sidoo kale Sh. Xasan Daahir ayaa sheegay in Mareykanku uu wakiil uga soo yeeshay Itoobiya qabsashada Soomaaliya sida uu Israa’iilba wakiil uga dhigtay qabsashada Falastiin waxa Maxaakiimta lagu diidayayna ay aheed islaanimada.

Waxaa la su’aalay Sh. Aweys cadaawada ka dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha dowlada federaalka ah oo sida la ogyahay dagaal uu labadooda ku dhexmaray sagaashamaadkii xili Sh. Xasan Daahir uu hogaaminayay AL ITIXAAD waxa uuna Sh. Aweys sheegay in Soomaalidu marka ay doonayaan in ay qof u abaal gudaan caadadoodu tahay in gabar la isi siiyo,

” Hadii C/llaahi Yuusuf abaal leeyahay gabadhiisa ayuu I siin lahaa sababtoo ah waxaan ahay ninkii ka danbeeyay sii deyntiisa xiligii uu dagaalka nala galay oo aan gacanta ku soo dhignay kadibna iska sii deynay ” Xasan Daahir ayaa ku eedeeyay Col. C/llaahi Yuusuf In uu yahay nin daba dhlif u ah cadowga Soomaaliyeed isagoo sidoo kalena ku eedeeyay dowladaha Itoobiya, Kenya, Ugandha iyo Mareykankaba in ay mas’uul ka yihiin xasuuqii ka dhacay Soomaaliya.

Ugu danbeyn Sh. Xasan Daahir ayaa sheegay in madaxdii maxaakiimtu ay nabad qabaan Sh. Shariif-na ay mar walba isla hadlaan iskana warqabaan isagoo dhankla kalena beeniyay in wax xiriir ah ay kala dhexeeyaan dowladaha Eretrea iyo Iiraan oo lagu eedeeyay in ay taageero militari iyo mid dhaqaale siiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah.

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.