Qormo

HAWEENEY JINI AH IYO NIN INSI AH OO IS GUURSADAY

HAWEENEY JINI AH IYO NIN INSI AH OO IS GUURSADAY

Guurkii Dhex maray Jinka iyo Insiga

Xasan Olol Jaamac waxa uu guursaday gabadh Jin ah oo la yidhaahdo Aamina Suldaan, laakiin Xasan Olol Jaamac waxay qisadani yaabka lihi ku dhacday oo ay la kulantay sannadkii 1948-kii, sheekadaasi Xasan Olol Jaamac marar hore oo dhowr ah ayuu ka sheekeeyey, ka dib markii ay waraysiyo la yeesheen qaar ka tirsan warbaahinta dalka ee kala duwan, wuxuuna Xasan sheegay inay naagtaasi jinka ahi u dhashay 14-caruur ah, laakiin Xasan Olol Jaamac waxa uu hadda ku sugan yahay oo uu joogaa magaaladda Hargeysa, sidaasi daraadeed ayuu Xasan Olol Jaamac uga sheekeeyey qisadaasi ku dhacday iyo naagtaas jinka ah ee uu guursaday, iyada oo ay Xasan Olol Jaamac hadda da’diisu tahay 70-jir.

Xasan Olol Jaamac isaga oo ka sheekaynaya bilowgii sheekada iyo sidii uu ku guursaday ee ay u kulmeen naagtan jinka ah wuxuu sheekadiisa ku bilaabay (Waxaan joogay magaaladda Xiis, ka dibna wiilal ayaa ka yimid magaaladda Berbera, markaasi ayaan ku idhi “Maxaad ka shaqayn jirteen”, waxayna ii sheegeen inay maraakiibta xoolaha qaadda ka shaqayn jireen, markaas ayaan ku idhi “Xagee Berbera loo maraa”, waxayna igu yidhaahdeen “Xeebta ayaa loo maraa amaba doon ayaa la raacaa”, dabadeedna anniga oo abtigay la jooga Xiis ayaan ku is idhi Berbera u shaqo tag, ka dibna abtigay ayaan u sheegay, ka dibna waxa uu igu yidhi “Doonyuhu ha yimaadeen, dooni ayaan ku saari doonaaye”, waayo berigaasi gawaadhi ma jirin oo doonyo ama safaro lug ah ayaa Berbera lagu tegi jiray, markaas abtigay waxaan ku idhi “Waxaan haystaa safaro aan raaco”, abtigayna waayahay ayuu igu yidhi, ka dibna inta uu dukaan I geeyey ayuu ii soo iibiyey laba go’, timir, sonkor iyo bariis aan sahay ka sii dhigto, isla markaana waxa uu I siiyey laba rubadood oo ah lacagtii (Indian Money) la odhan jiray, laakiin safaro ma jirin oo waxaan abtigay u sheegayey been aan kaga baxsado’e, markaa habeenkii oo dhan ayaan waaga berigiia ilaalinayey inta aan sahaydaydii madaxa dhigtay, ka dibna markii daakiraadii salaadda subax lagu dhuftay ayaan albaabka iska furay anniga oo abtigay ka dhuumanaya, waanan dhaqaaqay waxaanan qaaday waddada xeebta ee dhinaca Berbera u baxda, waagaa nin dhaliyaro ah oo laba lugood ku orda oo iga dheereeyaa ma jirin, sidaasi darteed marna waan ordayey marna waan tallaabsanayey, dabadeedna goor ay makhribkii tahay ayaan arkay gabadh badda ku dabbaallanaysa oo dharkeedii iyo alaabteediina ay bannaanka taallo, markaas ayaan is idhi qoodh iyo xero gabadha quruxdaas leh ee cidladaasi joogta beerka kaga deg, dabbaashana xariif ayaan ku ahay oo Xiis ayaan ku bartay, ka dibna dharkii iyo sahaydii ayaan dhigtay oo baddii ayaan galay oo biyihii ayaan quusay, markaasaan labadeedii lugood dhexdooda ka soo baxay, dabadeedna inta aan mudh biyihii ka soo idhi ayaan iyadii shax ku siiyey, dabadeedna markii aan biyihii ku saydhay ayey igu tidhi “Waar dee baddaa dabbaallo oo iga durug maxaad hoosta iiga soo galaysaa”, dabadeedna markaasaan ku idhi “Aynu wada dabbaallano”, waxay iigu jawaabtay “Waxba ila dabbaallan maysid ee badweyn baad joogtaaye geestaada ka gal oo iga durug”, ka dibna inta aan dib uga durkay oo sida hoonbarada isu rogay ayaan shaanbad cidhibta ku dhuftay, si aan uga cadhaysiiyo oo ay iila dagaalanto, markaas ayaan isa soo hortaagay, dabadeedna inta ay timihii dheeraa I qabatay oo biyihii illeyn iskama ay kay dilaynoo lexo-jeclo ayaa iga haysaye, markii aan hal mar cantuugay biyihii ayey I sii daysay, ka dibna waxa ay igu tidhi “Waar ma badda ayaan kugu bakhtiiyaa mise baddaad geestaada kaga dabbaallan”, annigu illayn dagaalkii aan doonayey ayaa cusboonaadaye waan isku soo qaaday, teeda kale waxaan moodayey gabadh Insi ah manaan moodayn gabadh Jin ah inay tahay.

Weligay jinow sheekana kuguma maqal shaahidna kuguma arag, gabadhaasi mar kale ayey haddana badda I quusisay, laakiin markii aan biyihii hal mar cantuugay ayey I sii daysay, dabadeedna waxaan is idhi naagtan badda kaga adkaan mayside ee berriga ugu bax, ka dib intaan baddii ka baxay ayaan guntiga giijistay oo aan waliba gaabsaday, go’ii kale ee aan tuurta ku sitayna dhexda ayaan ku xidhay, budhkii aan sitayna labada gacmood ayaan ku qabsaday oo waxaan u diyaar garoobay dagaal, dabadeedna markii ay baddii ka soo baxday ayey iyadoo aan kala jeclayn inaan dad ahay iyo inaan duunyo ahay oo laafyoonaysa oo biyihii timaheeda ka daadinaysa oo shax-shaxda kaga siinaysa ayey iskay soo ag-taagtay markaasi ayaan ku idhi “Naa maxaad badda iigu bakhtiinaysay”,anniga oo is leh intaanay maryaha kaa gashan ee ay qaawan tahay beerka kaga deg,laakiin waxay igu tidhi “Oo ma imika ayaan kaaga raynayaa”, markii ay intaasi tidhi ayaan budhkii u taagay,balse goor ay I qaaday iyo goor ay I legeday iyo goor ay budhkii iga tuurtay toona anniga oo aan ogeyn ayuun baan arkay iyada oo gacmaheedii midna cunaha igu qabatay midna labadaydii gacmood,laakiin ima ay ciijine waxay igu tidhi “Waar ma iska tagaysaa mise kan cad iyo kan madow ayaan ku kala siibaa”. Markii ay intaasi I gaadhay ayaan annigu is la hadlay oo aan is idhi “Waar heedhe dadku marka uu is laayo waatii uu isku xiiqi jiraye ee goorma ayey gabadhani ku legeday, ushiina kaa tuurtay, dabadeedna anniga oo ammakaagsan ayaan iyadii ku idhi “Naa bal I sii daa waan iska tageyaaye”, markaas ayey I sii daysay, ka dibna waan dhaqaaqay, balse markii aan hal cabbaar ah sii socday ayaan dib u soo eegay, dabadeedna waxaan arkay iyadoo lebisatay, laakiin jeesigii aan sidaa u eegay saa waa iyadii oo I dhinac taagan,ka dibna waxaan is idhi “Waar adiga oo dadka u dheereyn jiray kuma ay soo gaadheene ma mid kale ayaa meesha ku sii aasnayd,dhinicii ay iga maraysay mooyee dhinicii kale ayaan eegay mise waa cidla,anniga oo yaaban markii aan saddex goor tallaabsaday ayey gacanteeda garabka iga saartay oo ay igu tidhi “Inaadeer xagee baad ku socotaa”. Illayn nin cadhaysan oo ay ka adkaatay ayaan ahaye gacanteedii ayaan iska tuuray, ka dibna inta ay I hor qabataysay bay igu tidhi “Waar dadku waana is dilaa, waana heshiiyaaye xagee baad ku socotaa”, markaasi ayaan anniga oo dudaya ku idhi “Waxaan ku socdaa Berbera”, markaasi ayey igu tidhi “Caruur cayntaa ba’day oo Berbera intee baad ku gaadhaysaa”, markaasaan ku idhi “Caawa ama habeen dambe ayaan gaadhayaa”, markaasi ayey igu tidhi “Toban cisho kuma gaadhaysid ee waxaad yeeshaa reerkayaga oo halkan yaalla caawa u sii hoyo,oo halkaasi raashinkaaga iyo shaahaaga ku sii karso,ka dibna marka aad nasato meeshii aad ku socotay qabo,laakiin waxaa jirtay in aabaheed hore ugu yidhi aroortii Jin iyo Insi wixii aad hesho soo kaxayso,waan ogolaaday sheekadii ay ii soo jeedisay oo waxaan ku idhi “Waayahay ee inna mari”,ka dibna inta ay gacanta midig iga buuxsatay ayey xaggii buurta ii jeedisay,buurtana haddii aan u lugayno waaga ayaa nooga beryaya oo ma gaadhi karno dusheeda sare,laakiin ila booday iyo ila duushay ma garanayo, ee waxaan arkay mar qudha annaga oo buurta dusheedii taagan,dabadeedna niman Mawlac (Masaajid) ku tukaday oo jin ah ayaa igu soo yaacay,iyaga oo qaylinaya oo leh “Alla Insi ayey wadataa”,ka dibna inta ay xageeda dambe I marisay ayey iyagii Af Afka-Shiinaha u eeg kula hadashay,cabbaar markii ay afkaasi kula hadashay ayey haddana Af-Soomaali kula hadashay oo ku tidhi “Anniga may garanaysaan inaan Aamina Suldaan ahay”,waxay ku yidhaahdeen “Haa, waanu ku garanaynaa”,markaasi ayey haddana ku tidhi “Aabahay ayaa igu yidhi Jin iyo Insi wixii aad hesho soo kaxayso,markaa wiilkaa yar baan soo helay oo ma taaban kartaan”,ka dibna waxay ku yidhaahdeen “Buulkaa ha sii fadhiisto oo yaanu na soo dhex galin inta aanu Aabahaa soo waydiinayno”,dabadeedna buulkii baa lay geliyey,laakiin labada suul ayaan ku fadhiistay oo waxaan is leeyahay marka ay kaa fogaadaan tow dheh oo jarka buurta iska tuur,ka dibna inta markii aan cabbaar hadalkooda dhegta u sii dhigay ayaan is idhi kaa durkee tow dheh,sow buulkanowba gaadh baad iga tahay,ka dibna markii aan orday ayuu buulkii igu soo booday oo futada dhulka iigu dhuftay,waan yaabay,dabadeena anniga oo fajacsan ayey igu soo noqdeen oo igu yidhaahdeen “Oo ma baxsaad is lahayd”,markaasi ayaan ku idhi “Maya ismaan odhan baxso”,ka dibna waa lay kaxeeyay,ka dibna waxaa lay geeyey meel deyr leh oo ay Kebdo iyo Cowsas ku wareegsan yihiin oo waliba iftiimaysa,isla markaana ay wax waliba yaalliin,markii albaabka meeshaa lay soo taagay ayaan ku idhi “Asalaamu Calaykum”,waxay iigu jawaabeen “Wa Calaykuma Salaam”,markaasi ayaa laygu yidhi soo soco oo Suldaankii waa kaa dhexda fadhiya ee salaan,ka dibna inta aan kabihii iska bixiyey ayaan Suldaankii gacan qaaday. Markaasi ayuu Suldaankii furaashkii uu ku fadhiyey inta uu cagihii laabtay agtiisa I fadhiisiyey, wuxuuna yidhi “Koob shaah ah oo bigeys ah u soo shuba”, ka dibna waa lay soo shubay, waanan cabbay shaahii balse markii aan cabbay shaahii ayaan ku idhi biyo aan cabbo ii soo shuba, markaasi ayuu Suldaankii yidhi “Biyo iyo Caano ha laysugu shubo maanta oo dhan ayuu soconayey oo wuu beer-xoormayaaye, ka dibna intii ayaan cabbay, markaasi ayaan dhididay, ka dibna markii aan qaboobay ayuu Suldaankii igu yidhi “Waaryaa Xasan Olol”,markaasi ayaan is idhi “Waar nin aabahaa Olol garanayee”, markaasi ayaan ku idhi “Hee”,ka dibna waxa uu igu yidhi “Aamina ma wada socoteen”, ka dibna waxaan Suldaankii ku idhi “Aamina ma gabadha ila socotaa”,markaas ayuu igu yidhi “Haa”,markaasi ayuu igu yidhi “Oo maxay ku soo tidhi”,markaasi ayaan ku idhi waxay igu tidhi “Reerkayaga caawa u sii hoyo oo ku sii raashin karso,ka dibna meeshaad ku socotay u sii ambabax”,dabadeedna Suldaankii wuxuu la hadlay gabadhiisii oo halkan aloolka dabadiisa taagan oo uu ku yidhi “Aamina ma caynkaasi baa”,ka dibna Aamina waxay aabaheed ku tidhi “Aabe si kale ayaanu igu soo raaceen oo sidaasi ayaan ku soo kaxeeyay.Odeygii Suldaankii ayaa haddana xagaygii u soo jeedsaday oo igu yidhi “Waar yaa Xasan Olol,gabadhu way ku rabtaa ee adigu ma rabtaa”,markaasi ayaan is idhi waar ma nimankii aad buulkooda ka baxsan kari wayday ayaad maya odhan karaysaa,ka dibna anniga oo baqanaya ayaan ku idhi “Haa,waan rabaa ee aan reerkayagii xoolo kaaga doono”,markaasi ayuu yidhi Suldaankii “Annaga xoolo lanama siiyo ee annaga ayaa bixina ee gabadhii ma rabtaa”,Haa ayaan idhi dabadeedna,ka dib Suldaankii nin gadh-weyn oo meesha fadhiyey oo uu Sheekh Cumer ugu yeedhay ayuu ku yidhi “Sheekh Cumerow annigu gabadha aabaheed ayaan ahaye,wiilku waa wiil yare wakiil u noqo” ka dibna Sheekhii ayaa igu yidhi “Xasanow ma I wakiilatay” markaa da’daydu 15-jir ayey ahayd,Haa ayaan ku idhi oo Sheekhii ayaan wakiishay,dabadeedna Suldaankii iyo Sheekhii ayaa gacmaha isa saaray oo wixii meher ahaan jiray dhameeyey laakiin intii uu meherku socday ayaa aqal wayn oo ila-xidh leh la dhisay,waxa kale oo lay keenay dhar aanan waligay arag oo xariir ah oo ay ka mid yihiin Go’ shaal ah iyo macawis abu-sarande ahaa koodh iyo cumaamad,ka dibna waxaa lay siiyey biyo aan ku soo maydho ka dibna markii aan soo maydhay ee aan soo labistay,ayaan annigii is waydiiyey illayn waxaan sitaa labis igu cusub oo aan waligay xidhan.Suldaankii ayaa laba wiil ku yidhi alaabtiisa u qaada oo gurigiisa geeya,dabadeedna wiilashii ayaa I kaxeyeey oo gurigii I geeyey soo gal ayey igu yidhaahdeen,markii aan galayna,waxaan arkay guri wada kaahaya isla markaana aanu fuunays iyo tiriig midna ka baxayn ka dibna anniga oo gurigii daadaawanaya ayaan maqlay shalaad iyo qasiidooyin soo baxay, “Hooy Nebiyoow Nuur Allow,Maxamed Nebi magac samaw”,markaasi ayaan is idhi wallee tii Aamina ayaa la soo wadaa,ka dibna anniga oo halkii taagan ayey Aamina oo ay laba gabdhood galbinyaan aqalkii dalaq soo yidhaahdeen markaasi ayey Aamina igu tidhi “Waar maxaa meesha ku taagay”,markaas ayaan anniga oo is tiilaya ku idhi “Dee adiga ayaan ku sugayey”,ka dibna markaasi ayey igu tidhi “Waayahay” waxaanay iga bixisay maryihii aan sitay oo waxay igu soo reebtay garan iyo macawis kali ah waanay I fadhiisisay,laakiin markii aan fadhiistay ayaan si kaftan ah ugu idhi “Waadigan malxiisada wate’e aan anniguna malxiis aan doonto” markaasi ayey igu tidhi “Annaga ayaa kuu malxiis ahe Iimaanso”.

arkii ay igu tidhi iimaanso annaga ayaa kuu malxiis ahe, anniguna waayahay ayaan ku idhi, laakiin markii Aamina waxoogaa sheekaysanaynay ayaa sanqadhi soo baxday, ka dibna waxaa naloo keenay raashin lagu soo guray weel qori ah sida xeedhyaha oo kale, raashinkaasina waxa uu ahaa mid kala nooc nooc ah, dabadeedna anniga, Aamina iyo gabdhihii malxiisadaha ahaa ayaa halkii raashinkii ku wada cunay, ka dibna illayn waxaan ahay nin aan maanta oo dhan waxba cunin oo gaajoonaya’e waxaan markiiba cabbay caano gadhoodh ah iyo hadhuudh ku jira,laakiin markii aanu raashinkii dhamaantayo wada cunay ee weelkii la celinayey ayey Aamina Suldaan hilibkii ka reebtay jeeni iyo awlal,annigu raashinkaa iyo weelkaa cid keentay iyo cid weelkaa guraysa midna ma arko,mana aqaano,intaa ka dib Aamina way I kaxaysay oo waxay I gaysay halkii aanu seexanaynay,ka dibna labadii malxiisadood waa la fasaxay,waxaanay nagu yidhaahdeen “Nabadgelyo illayn aroos lagumana raago lagamana raago”.intaasi ka dibna Aamina waxay I siisay Go’ aan guntado isla markaana macawistii iyo garankii waxay ku dartay maryihii ay markii hore iga bixisay,iyaduna wixii ay dahab xidhnayd ayey iska bixisay,dabadeedna waanu iska sheekaysanay,markaasi ayey igu tidhi “Xasanow aabahaa iyo hooyadaa anniga ayaa caawa kaa xiga,adiguna sidoo kale adiga ayaa iga xiga aabahay iyo hooyaday,waayo nin iyo naagtii ayeynu noqonay,markaa waxaad yeeshaa horta meeshan aad hadda joogto bismillayso,ta kale marka ay da’daadu gaadho 25-jir waxaanu ku siinaynaa koofiyad,koofiyaddaasi oo ah mid aad adigu dadka arkayso laakiin aanay iyagu ku arkayn,waxa kale oo aanu ku siinaynaa fargal aad farta gashato,fargalkaasna waxaad u isticmaalaysaa marka aad meel damacdo inaad tagtid,fargalkaasi ayaad xoqaysaa,ka dibna waxaad arkaysaa adiga oo meeshii aad doonaysay taagan meel kasta ha ahaatee,waxa kale oo aanu ku baraynaa inta dhir arlada ku taal iyo nooca dawo iyo dabiib ee ay dhirtaasi leeyihiin,waxa kale oo aanu ku baraynaa inta Af ee adduunka lagaga hadlo haddii ay tahay Af Islaam iyo haddii ay tahay Af Gaalo,haddii aan wakhtigaa caqli leeyahay wixii ay Aamina ii sheegaysay waan ka faa’iidaysan lahaa,laakiin waxa ay ii sheegayso oo dhan riwaayad ayey ila ahayd,waayo inta aan aqoontaas oo dhan ka barto oo aan kala hadho ayaan maanta ka faa’iidaysan lahaa.Arrinta sida ay doonta ha ahaatee anniga iyo Aamina habeenkaas oo dhan waxaanu ahayn qoys cusub oo waanu iska sheekaysanaynay,ka dibna markii waagu baryayey ee salaadii subax la adimayey ayey Aamina igu tidhi “Xasanow orod oo soo maydho”,dabadeedna markii aan soo maydhayna Aamina gogol ayey gurtay oo ay ii gaysay geed weyn oo guriga hortiisa ah,waxa kale oo ay geedkii ii gaysay quraacdii iyo qadadii,ka dibna waxay igu tidhi “Nabadgelyo habeenkii ayeynu wax isu nahaye”,dabadeedna waxaan ku idhi “Oo maxaa dhacay sowdigii shalayba badda igula dagaalamayey”,waxay iigu jawaabtay “Shalay amar ayaan haystay laakiin wakhtigan amarkii ma haysto”,ka dibna way iska tagtay anniguna illayn xalay oo dhan nin soo jeeday baan ahaye waxaan hoos seexday geedkii,ka dibna markii aan abbaaro duhurkii ahayd ayaa waxaa ii timid islaantii Aamina dhashay ee sodohday oo Masacagalay ah,dabadeedna way I gargaraacday iyadoo doonaysa inay qadada ii kiciso,laakiin annigu ma garanayo,waxaanan misigta kaga dhuftay dhagax yar,ka dibna way iga carartay,balse maan sii seexan ee inta aan kacay oo aan bannaanka tagey ayaan soo noqday oo aan cuntadii ay Aamina ii dhigtay cunay,markii aan cunayna dib ayaan u sii seexday,dabadeedna waxaan hurdaba markii ay cadceedii dhacday ee ay maqribkii ahayd ayaan qaylo maqlay taas oo la leeyahay “Alla soddohdii ayuu dilay”,anniguna waan yaabanahay oo waxaan leeyahay “Waar xaggee baad ku aragtay soddohdan ay leeyihiin wuu dilay”,dabadeedna anniga oo yaabban ayey Suldaankii sodogay iyo soddohday soo baxeen oo ay dadkii qaylinayey inta ay u hanjabeen iga celiyeen,iyada oo islaantii soddohday tidhi “Muxuu igu sameeyey oo aad u sheeganaysaan,haddii aydaan inanka iska dhaafin waan is qaawinayaa”,sidoo kale Suldaankii ayaa isna yidhi “Wiilka hinaase ayaa idinka hayya”. Intaa ka dibna waa la iska kala tagay ka dibna Suldaankii ayaa fiidkii ii yeedhay oo igu yidhi “Xasanow waxa layna kala yidhaahdaa Jin iyo Insi, markaa saddex bahal mooyaane bahalaha inta kale oo dhan jinku wuu isu eekaysiiyaa, saddexdaa bahal ee aanu jinku isu eekaysiina waxay kala yihiin: Doofaarka, Abeesada iyo Eyga, dabadeedna Suldaankii ayaan ku idhi “Annagu haddii aanu Insiga nahay marka aanu bahal aragno fara lama gafnee na kala fogee oo bahalaha igala hadal oo yey ii soo dhowaan”, dabadeedna “Waayahay” ayuu igu tidhi Suldaankii,laakiin waxaan is waydiiyey tolow islaantii soddohdaa aragtaye odeyguna muxuu noqdaa,markaas ayaan waydiiyey Suldaankii oo aan ku idhi maxaad noqotaa,markaas ayuu igu yidhi “Waxaan noqdaa Aar (Libaax) oo magacaygaba waxaa la yidhaahdaa Aar”,dabadeedna isagii ayaan ka baqay laakiin maalintaa wixii ka dambeeyey waanu kala nabadgelnay bahalihii.

Muddo markii aan halkii joogay oo ay gabadhii Aamina Suldaan uur ii yeelatay isla markaana uu sedkeedii soo dhowaaday ayaan ku idhi “Waxaan doonayaa inaan reerkayagii soo salaamo oo aan soo arko, ta kale reerkayaga muddo ayaan ka soo maqnaa meel aan jirana ma ogee aan isa soo ogaysiiyo inaan halkan joogo”, dabadeedna Aamina waxay arrintayda u sheegtay Suldaankii, ka dibna wuu ii yeedhay oo wuxuu igu yidhi “Xasan ma reerkii ayaad rabtaa inaad soo aragto”, “Haa” ayaan ku idhi, dabadeedna Suldaankii iyo islaantii soddohday reerkayagii ayey lacag badan iyo dhar iigu dhiibeen,ka dibna Suldaankii baa igu yidhi “Xasanow aabahaa waa nin daran oo wuxuu ku odhanayaa Xasanow xoolahan tirada badan xagee baad ka keetnay markaa ha nooga sheekayn ee waxaad ku tidhaahdaa Berbera ayaan ka imi,haddii uu ku yidhaahdo maxaad ka qaban jirtayna waxaad ku tidhaahdaa maraakiibta xoolaha ayaan ka shaqayn jiray,aroortana diyaar-garow waad tagaysaaye”.

Markii ay salaadii arooryo ahayd ayaan alaabtaydii oo masar weyn oo shaash leh laygu duubay dacalka qabsaday oo aan safar u diyaar garoobay, ka dibna waxaan u jeestay xaggaa iyo Ceerigaabo, ma garanayo in cagaha wax lay geliyey iyo in kale, laakiin waxaan arkay anniga oo isla markiiba Ceerigaabo dhex-taagan, balse markiiba waxaan Ceerigaabo uga sii gudbay meeshii uu reerkayagu deganaa.

Sodogay iyo sodohday waxay hooyaday iyo aabahay iigu sii dhiibeen mid walba lacag gaar ah, taas oo ay aabahay iigu sii dhiibeen 5000 oo rubadood, halka ay hooyadayna iigu dhiibeen 3000 oo rubadood “Rubadu waa lacag xilligaasi la isticmaali jiray”, sidoo kale waxay iigu dhiibeen dhar wada xariir ah, annigana waxay I sii siiyeen 300 oo rubadood oo laygu yidhi maqaaxiyaha iskaga ilaali, markii aan reerkayagii u tagey ee aan aabahay iyo hooyaday lacagihii iyo alaabooyinkii laygu soo dhiibay siiyey ayuu odeygii aabahay ahaa ee Olol Jaamac su’aalo ila daba galay, waxaanu ugu horayn I weydiiyey “Waar yaa Xasan nimanka bad-mareenada ah ee badaha u shaqo taga,sannadaha badana ku maqnaada ayaan waligood 8000 oo rubadood kala imanine xagee baad xoolahan ka keentay”, laakiin illayn waxaan ahay nin uu Suldaankii la soo ballamaye waxaan ku adkaystay oo aan idhi “Aabe sida aad ogtahayba sigaar iyo qaad midna ma cuno, sidaasi darteed wixii aan Berbera ka shaqaystay meel baan ku urursanayey”. Ta kale iyadoo uu odeygii aabahay la yaaban yahay Shanta Kun ee rubadood ayey islaantii hooyaday ahaydna odeygii indhaha kala hadashay oo ay ku tidhi “Annigana 3000 oo rubadood ayuu I siiyey”, ka dibna odeygii ayaa yidhi “Ka waaweyn”, marka ay sidaasi is leeyihiin waxay moodayaan inaan dharkan iyo lacagtan soo xadday, dabadeedna odeygii aabahay wuxuu la hadlay islaantii hooyaday, wuxuuna ku yidhi “Eeyaa waa islaanta waxaad yeelaysaa shan kun ee rubadood ee aan hayyo iyo saddexdan ee aad hayso waad isku daraysaa, ka dibna sanduuqaaga ayaad ku ridaysaa, laakiin dharka iska isticmaal”. Odeyga aabahay waxa uu ahaa odey caan ah oo la garanayo markaa waxa uu leeyahay wiilkayga Xasan haddii uu adduunkan soo xadday waa lay imanayaa, sidaas darteed wuxuu yidhi “Haddii lay yimaado annigaa dharkaa bixin doona, laakiin islaan yahay lacagtaa far ha saarin”, ka dibna hooyaday hadalkii odeyga ayey aqbashay, dabadeed markii aan reerkii dhowr maalmood la joogay ayaa odeygii aabahay ahaa waxaa u yimid nin faras wata oo Ceerigaabo laga soo diray, waxaana loogu yeedhay laba qolo oo uu kiis ka dhexeeyey, odeyguna gartooda ku jiray, laakiin odeygii waxa uu ku yidhi ninkii faraska watay “Orod oo iska tag berrito ayaan kaa soo daba baxayaaye”, ka dibna markii uu ninkii iska noqday, subaxnimadii dambe ayaan odeygii aabahay ku idhi “Aabe waan ku raacayaa”, ina keen ayuu igu yidhi , waa tii qoladii igu yidhaahdeen hanaga sheekayn , laakiin wixii ay cagaha ii geliyeen markii aan ka imanayey ayey markii aanu dhaqaaq u diyaar garoobaynay cagaha noo gasheen, dabadeedna markii aanu quraacanay ayaanu gurigii ka ambabaxnay, ka dibna halkii aanu Ceerigaabo ka tegi lahayn makhribkii ayaanu qaddar saacad ah u sii soconay Ceerigaabo, dabadeedna markii aanu garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo maraynay ayuu odeygii aabahay igu yidhi “Waar yaa Xasan waa xaggee meesha aynu maraynaa”, markaasi ayaan ku idhi “Waxaynu maraynaa garoonkii diyaaradaha ee Ceerigaabo”, markaasi ayuu haddana odeygii igu yidhi “waar yaa Xasan keenee lagu jiray oo wax siday”, ka dibna odeygii waxa uu ii aqoonsaday Awliyo, waxaanse ugu jawaabay “Aabe annigu inan yar ayaan ahaye maxaan qaadi karaa”, laakiin hoosta ayaan ka cadhooday oo waxaan is idhi “Muxuu Suldaankii kuu lahaa hannaga sheekayn haddii uu cagaha wax kuu gelinayo”, waayo waan gartay in wixii maalintii hore cagaha layso geliyey maantana la noo geliyey.

Markii aanu magaaladdii Ceerigaabo soo galay odeygii aabahay waxa uu fadhiistay maqaaxi, ka dibna odayaashii maqaaxida fadhiyey ayaa odeygii ku yidhi “Waar Olol ma xalay ayaad soo guuraysay”, dabadeedna waxa uu ugu jawaabay “Maya, wallee ee quraacdii ay islaantaydu saaka I soo siisay ayaan soo cunay”, ka dibna odayaashii aabahay ku yidhi “Oo Olol baabuurna intaa kuma yimaado’e maxaa ku sidday”, markaas ayuu ku yidhi “Laftayda ayaa yaabban”, haddana waxay ku yidhaahdeen odayaashii aabahay oo yaa kula socday “Oo yaa kula socday”, waxa uu ugu jawaabay “Waxaa ila socday wiilkayga Xasan”, haddana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen “Oo Xasan miyuu yimid oo la helay” “Haa”,annigu markaa waxaan ahay nin aad quruxda yaabto illayn waxaan ahaa maalintii marna wax cunayey, marna hurday, habeenkiina Aamina Suldaan legga kaga jiray. Dabadeedna markii aan odayaashii cabbaar ila kaftameen ee ay igu yidhaahdeen “Waar qurux weynaa iyo xagge buu ka yimid” ayaan meeshii ka kacay oo aan soo eegay dhalinyaradii aanu xeegada wada ciyaari jiray, berigiina qaad lama cuni jirin oo Ceerigaabo oo dhan afar odey ayaa ka qayyilli jiray markaa dhalinyaradaya oo dhan balwadayadu waxay ahayd xeego iyo kubbad. Dabadeed dhalinyaradii oo dhan ayaan casuumay oo inta aan kaxeeyay hudheelada geeyay, laakiin waxa aan cunnayaa oo dhan waxa uu isku tageen 2 rubadood, dabadeed markii aan Ceerigaabo laba habeen joogay ee ay tukhaan iyo tagfi igu cuntay illayn nin janno ka yimid ayaan ahaye ayaan go’aansaday inaan ambabaxo oo aan qabto reerkaygii iyo gabadhaydii Aamina Suldaan.

Markii aan laba habeen joogay magaaladda Ceerigaabo ayaan maalin saddexaadii aabahay ku idhi aabo waan tageyaa oo waxaan ku noqonayaa Berbera, ka dibna wuxuu igu yidhi “Xasanow aabe waan kuu soo ducaynayaa ee ma haysataa nooli, mise nooli baan ku siiyaa”, ka dibna waxaan ku idhi “Waan haystaa”, inta aan tusay 280 rubadood oo iiga soo hadhay 300 ee rubadood ee soddogay I soo siiyey, waliba aabahay ayaan siiyey 200 rubadood, waxaanan qaatay 80 rubadood, laakiin aabahay waxaan ku idhi “Aabo waxaan raacayaa gaadhi ay lahaayeen ilma gadh-case”.balse maan ahayn nin gaadhi u baahan ,dabadeedna gaadhigii aan aabahay ku idhi waan raacayaa oo istaanka ka baxaya ayaan cabbaar is ag-taagay is aan u sugo inta uu dhaqaaqayo,taasi oo aan iska dhigayo nin gaadhiga raacaya si aan aabahay u qanciyo,waxaan gaadhigii sugaba markii dambe ayuu dhaqaaqay oo wixii raaci lahaana raaceen wixii aan raacaynina magaaladda dib ugu noqdeen ayaan anniga waxaygii cagaha lay geliyey oo aan u ambabaxay xaggii reerkaygii,ka dibna waxaan markiiba gaadhay geedkii aan maalintii hoos seexan jiray oo ay gogoshaydii iyo raashinkiiba ii sii yaalliin,dabadeedna inta aan quraacdii cunay ayaan iska seexday,ka dibna wax aan maalintii oo dhan hurdaba markii ay maqribkii gaadhay ayaan waayey Aamina Suldaan,waayo maalin kasta marka ay maqribka gaadho ayey alaabta ii guri jirtay,ka dibna markii aan waayey ayaan alaabtaydii iska gurtay oo aan gurigii tagey oo waxaan alaabtii dhigtay ila-xidhka dhexe ee guriga,laakiin Aamina Suldaan oo umushay ayaa jiifta ila-xidhka dhexe ee guriga, dabadeedna inta aan u tagey ayaan ku idhi “Naa Aamina maxaad sheegtay”,markaasay igu jawaabtay “Nabad”,ka dibna waxaan ku idhi “Oo miyaad umushay”,markaasi waxay iigu jawaabtay “Haa”,haddana waxaan ku idhi “Oo maxaad umushay”,dabadeedna intii aanay ii sheegin waxa ay umushay ayey soo sare fadhiisatay oo ay maradii ka qaaday caruurtii meeshii jiiftay,waxayna tidhi “Waxaan umulay 7-caruur ah”,ka dibna inta aan naxay ayaan idhi “Bismillaahi Raxmaani Raxiim”,intaa markii aan idhina waan waayey naagtii,caruurtii iyo gurigiiba,waxaanan is arkay anniga oo cidla fadhiya,dabadeedna anniga oo yaaban oo is leh adiguna maad dambas noqotid marna is leh ma carartaa ayaa Suldaankii loo sheegay waxa dhacay markaasi ayuu yidhi “Xijaabka uga qaada”,ka dibna Aamina,caruurtii iyo gurigii ayaa igu soo noqday, markaasay Aamina Suldaan hidhaadhiday(cadhootay),ka dibna waxaan ku idhi “Maxaad la hidhaadhiyeysaa,habeenkii aad ila hadlaysay miyaad sheekada iigu dartay bisinka ha qabsanin”ka dibna waxay tidhi “Maya,kuuguma darin oo annigaa gar-daran”,intaasi ka dibna Suldaankii ayaa ii yeedhay oo igu yidhi “Waaryaa Xasan maxaad samaysay”,dabadeedna waxaan ku idhi “Suldaan bisinka ayaan qabsaday”,dabadeedna waxa uu igu yidhi “Bisinka ayaa ina kala xijaabay ee bisinka hanaga qabsanin”,ka dibna Suldaankii ayaan ku idhi “Oo Suldaan sawdinkan marka aad wax cunaysaan ee aad tukanaysaan bisinka qabsada ma kaayagaa wax qaba”,Suldaankii ayaa markaa igu yidhi “Haa oo Ilaahay baa ugu yeedhay in kiinu inna kala xijaabo”,dabadeedna Suldaankii ayaan ku idhi “Waayahay oo u noqon maayo”,laakiin haddii aan odhan lahaa “Suldaan haddii aan ilaawo ha lay saamaxo waa lay saamixi lahaa,balse maan odhan taasi”,muddo kale markii aan joogay ayey mar kale Aamina waxay dhashay 7-caruur ah,waqtigaasna waxaan buurta joogay muddo saddex sannadood ah,dabadeedna Aamina ayaan maalintii dambe ku idhi “Aamina Caden baan tageyaa”,ka dibna waxay u sheegtay Suldaankii,ka dibna Suldaankii ayaa ii yeedhay oo markii aan idhi waan tageyaa I siiyey sanduuq lacag ah iyo dhar,laakiin Suldaanku waxa kale oo uu ii sii dhiibay 100 rubadood oo igu yidhi “Boqolkaa rubadood waxaad siisaa ninka la yidhaahdo Ina Dawle oo doonidiisa u raac Caden I geena ku dheh”,waxa kale oo uu Suldaanku dhar iigu sii dhiibay abtigay oo magaaladda Xiis jooga,ka dibna abtigay baan u tagey oo aan dharkii siiyey,intaa ka dibna anniga iyo abtigay ayaa is raacnay oo u tagnay doontii Ina Dawle,waxaanu siinay 100-kii rubadood,laakiin Ina Dawle anniga iyo abtigay wuu nagu diiday 100-kii rubadood oo wuxuu yidhi “Olol Jaamac baa I qabsanaya haddii uu maqlo wiilkaagii ayuu lacag ka qaatay”,dabadeedna 100-kii rubadood wuu nagu soo celiyey,markaa 100-kii rubadood waxaan siiyey abtigey oo aan ku idhi “Abti maqaaxiyaha iskaga ilaali”,sidaasi ayaan ku raacay doontii uu Suldaanku igula ballamay,waxaanay magaaladda Xiis nagala dhaqaaqday goor casar ah,dabadeedna halkii ay saddex habeen nala sii socon lahayd ayey iyana cagaha wax ka gasheen markaasay habeenkiiba nala tagtay biyaha badda Cadmeed,isla markaasna waaberigiiba munaaradii buurta shaan-shaan ku taallay bay nala ag-tagtay ka dibna kuruugii doonta ayaa yidhi “Ka kaca Cadeni waa tane”,dabadeedna dadkii doonta saarnaa baa kaakacay oo yidhi “Waar yaa inala socday,oo yaa inala socday oo aan ilaahay ahayn”,doonto waxa ay siday adhi, ka dibna dadkii ayaa yidhi “Laba wan halla keeno oo halla siiyo Sheekh Isxaaq iyo Sheekh Ismaaciil”, ka dibna inta aan hoosta ka qoslay ayaan haddana hoos u idhi “Wadh-wadh sheekhyo, sheekhyo laysee, wallee sheekhyo idinma waddin ee anniga ayuun baa og cidda idin wadday”.

Labadii wan ayaa halkii lagu cunay, ka dibna goor casar tahay ayey doontii dekedii Cadmeed ku soo xidhatay, Suldaankii waxa uu igu sii ballamiyey doonidu marka ay dekeda Caden ku xidhato inta aad sanduuqaaga dacalka qabsato xaggaa iyo xaggaa midna ha eegin ee toos u soco oo cidna hala hadlin lagumana qabanayo oo annaga ayaa ku difaacayna, ka dibna sidii uu Suldaanku igula ballamay ayaan yeelay oo inta aan sanduuqaygii dhegta qabsaday ayaan iska tallaabsaday, dabadeedna cidina ilama aanay hadlin cidina ima arag,sidaasi ayaan magaaladdii Caden ku galay.

Markii aan tagey magaaladdii Caden waxaan raacay Taxi oo aan siiyey rubbad, wuxuuna I geeyey guri, ka dibna gurigii baa qol layga siiyey, berigaasna qaad iyo sigaar midna maan cuni jirin, laakiin Caden waxa iga helay koox I waashay oo uu watay nin la yidhaa Xirsi Baal-baal, dabadeedna balwadii iyo heedhe-heedhadii ayaan raacay, ka dibna lix sannadood ayaanan cidna juuq u soo odhan, maalintii dambe ayaan anniga oo aqal fadhiya aqalkii ku gubtay, waxayna ahayd xagaa kulul, ka dibna iyadoo ay xabbad sigaar ahi ii shidan tahay ayaan gurigii debeda uga soo baxay markaasi ayey Aamina Suldaan meel halkaas ah igaga soo baxday, markii aan isha ku dhuftay ayaan idhi qoodh iyo xero waa Aamina, markaasi ayey soo socotay oo way I salaantay oo waxay igu tidhi “Maxaad sheegtay”, waxaan ku idhi oo aan ugu jawaabay “Waa nabad”, markaas ayaan ku idhi “Oo tumaad ahayd”, markaas ayey tidhi “Oo miyaanad I garanayn”, markaasi ayaan ku idhi “Oo maalintiiba boqolaal dumar ah ayaan arkaa ee maxaan kaa garanayaa”, waanan garanayaa run ahaantii ee kiiska ayaan iska waalayaa, dabadeedna markaas ayey tidhi “Waar annigu ma ihi naagaha Cadmeed ee waxaan ahay Aamina Suldaan oo adiga ayaan ku doonayey ee bal waran”, markaasi ayaan gacan mayd ah oo baqdin ah ku salaamay oo aan ku idhi “Naa waan fiicanahay anniguye bal caruurtii, reerkii iyo dadkii ka waran”, markaas ayey tidhi “Waa la nabad qabay, waana la wanaagsanaa”, markaas ayaan ku idhi “Maxaa maanta ku keenay Caden ee aad doonaysay”, markaas ayey tidhi “Adiga ayaan ku doonayey oo gabadhaadii oo sagaal jir ah ayaa la doonay”, markaas ayaan idhi “Ma gabadha sagaal jirka ah ayaa la doonay”.

Xasan Olol markii ay afadiisii Jinka ahayd, Aamina Suldaan ugu timid Caden ee ay u sheegtay in guur loo soo doontay gabadh uu dhalay oo 9-jir ah waxa uu sheegay inuu fajac iyo amakaag u soo baxay, ka dibna yaabkii uu yaabay markii warkaa loo sheegay ayuu si la filaan ah u yidhi “Bismillaahi Raxmaani Raxiim”, laakiin marka uu bisinka qabsanayey wuu ilowsanaa dardaarankii uu siiyey soddogii Suldaan Aar, sidaasi darteed Xasan markii uu bisinka qabsaday ayuu Aamina Suldaan nuurigeediiba waayey, wuxuuna Xasan Olol magaaladda Caden ku sugnaa muddoo lix sannadood ah, ka dibna Xasan Olol Caden waa uu ka soo laabtay oo dalka ayuu yimid, iyadoo aanay isaga iyo Aamina Suldaan wax xidhiidh ah yeellan, wuxuuna markaa yimid magaaladda Hargeysa, iyadoo uu xilligaasi ahaa sannadihii dhowr iyo toddobaatanaadkii, laakiin Xasan Olol isaga oo ka hadlaya imaatinkiisii Hargeysa wuxuu yidhi “Waxaan Caden iska soo balweeyaba waxaan imid Hargeysa, dabadeedna markii aan in muddo ah joogay magaaladda Hargeysa ayaa maalin maalmaha ka mid ah anniga oo bahal busaarad ah la il-daran oo meel kaabad ah ku fadhiya waxa I soo hor maray gaadhi yar oo ay Aamina Suldaan saaran tahay, ka dibna markii aan arkay ayaan indhaha la raacay, dabadeedna markii uu gaadhigii marayey meel agtayda ah ayey Aamina Suldaan ii soo tuurtay masar xariir ah oo ay ku soo xidhay lacag aad u tiro badan, ka dibna markii ay lacagtii ii soo tuurtay ayey I dhaaftay, iyadoo aan ila hadlin, wixii muddadaasi ka dambeeyeyna maan arag wax xidhiidh ahina nama dhex-marin”.

Xasan Olol waxa uu sheegay inay Aamina Suldaan u dhashay 14-caruur ah, laakii waxa uu sheegay inay Aamina Suldaan la soo xidhiidhi lahayd haddii ay nooshahay, sidaasi darteed uu aaminsan yahay inaanay noolayn oo ay dhimatay, sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Aamina Suldaan haddii ay caruurtayda u sheegi lahayd inaan annigu ahay aabahood way ila soo xidhiidhi lahaayeen laakiin nasiib darro waanay u sheegin”.

Xasan Olol waxa kale oo uu ku kaftamay inay niman reer Somaliland ahi sheegteen inay Aamina Suldaan iyaga ahayd, sidaasi darteed ay yaradkii iyo xaalba ka doonayaan, maadaama bay yidhaahdeen aad sheegtay inaad gabadha oo qaawan oo dabbaalanaysa lugaheeda kala dhex-martay, wuxuuse Xasan Olol taasi kaga jawaabay inuu ogol yahay waxaasi oo dhan, laakiin buu yidhi iyaga uga fadhiyo xaaskii iyo 14-kii caruurta ahaa, hase yeeshee Xasan Olol waxa uu guursaday gabadh kale oo Insi ah.

  • C/fataax Max’ed Axmed “Markii dowladii dhexe ay burburtay baasaboorada Soomaaliga ah wuxuu ka iibsaday niman halkaan jooga oo la yiraahdo (Biduun)”

  • C/qaadir Amiin Sheekh Abuubakar oo ahaa safiirkii u danbeeyey ee dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait xilligii ay burburtay dowladdii dhexe 1990-kii, siina hayey xilka safiirnimada muddadii dalku ku jiray dagaalada sokeeye & fowdada & xilligii TNG-dii Carta, ayey qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait si weyn ugu eedenayaan arrimo ku saabsan in uu ku takrifalay, si xunna u maamulay awoodii safaarada Soomaalida, kadib markii uu diiday in Soomaalida dalkaasi yeelayo Jaaliyad la mid ah kuwa dalalka carabta & arrimo dhowr ah oo ay xubnahaasi ku eedeynayaan.

    “Markii dowladii dhexe ay bur burtay baasaboorada Soomaaliga ah wuxuu ka iibsaday niman halkaan jooga oo la yiraahdo (Biduun) oo aan dhalasho laheyn iyo niman Orromo ah, taasina waa arrin iska cad oo waxaa la socda dhammaan Soomaalida halkan (Kuwait) joogta kamana qarsana, sidoo kale, dhinaca waxbarshada waxey dowladda Kuwait marar badan ay bixisay (Scholar-ship) caruurta walaalahiis & eheladiisa ayuu ku soo dal-dalay, taasina ma ahan mas’uuliyad” ayuu yiri C/fataax Max’ed Axmed oo ka mid ah Jaaliaydda, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in ay la xisaabtanto C/qaadir Amiin, si degdeg ahna uga bedesho xilka safiirnimada.

    “La yaab ah ma ahan in la arko qof Soomaali ah oo sedbursi sameynaya, isagu waa ka bad-badiyey” ayuu yiri C/fataax, wuxuuna mar kale, yiri “Waxaan la soconaa in bisha barakeysan ee Ramadaan dowladda Kuwait ay bixiso dhaqaale fara badan, waxeyna dhaqaalahaasi u sii marisaa Soomaaliya hay’ado kheryri ah, waxaa jirta in C/qaadir Amiin uu rag gaar ah uu viisooyin u diro, kadibna ay wada qeybsadaan dhaqaalahaasi, taasina ma ahan arrin cadaalad ah”
    C/fataax wuxuu intaasi sii raaciyey in sidoo kale, Soomaalidu in aysan qiime ka laheyn dalka Kuwait, arrintaasi eedeedana wuxuu dusha uga tuuray safiirka, waayo buu yiri safaarada dalkan Kuwait jooga oo dhan wuxuu geeyey waraaqo, wuxuuna ku yiri “Qof kasta oo Soomaali ah oo viiso idinka dalbada, ama dan ay idinka soo gasho, waxaad tiraahdaan “Tag safaarada Soomaalida”.
    “Intaasna waxuu u yeelayaa 10 diinaar oo uu qaadanayo” ayuu yiri C/fataax, wuxuuna intaasi raaciyey in heerka dalka Kuwait uu ka gaaray baasaboorka Soomaaliga ah in uu isagu gaarsiiyey.

    “Waaxda socodaalka Kuwait warqad buu u diray, uu uga codsanayo in aanan wax viiso ah loo soo saarin Soomaalida” ayuu yiri, wuxuuna xusay in marar badan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed damceen in ay banaanbaxyo ka hor dhigaan safaarada horteeda, balse ay ka hor istaageen odayaal uu isagu soo diray.

    Waxaa qoray: Keyse Max’ed Cowl-Kuwait
    Keyse_55@hotmail.com


  • JAWAAB:Markii dowladii dhexe ay burburtay baasaboorada Soomaaliga ah wuxuu ka iibsaday niman halkaan jooga oo la yiraahdo (Biduun)
  • Marka hore salaan akhristayaasha qimaha badan.

    Inta ka dib waxan halkan uga jawaabayaa ninka qoray maqaalka hoos ku qoran kaas oo aflagaado iyo ceebeen

    u geystay safiirka iyo safaarada ummadda somaliyeed u fadhida dalka Kuwait.

    Safiirka Somalida u fadhiya Kuwait Mudan Cabdulqadir Amiin Abubaker wuxuu ka midyay safiiradii qimaha iyo qaayaha

    badnaa ee beri la arkijiray waayo waa safiir garanaayaa shaqadiisa iyo sharafta somalida.

    Marka runta la sheegaayo waa safiir somalida u soo hooyay sharfka iyo mudnaanta ay ku joogaan Kuwait,waa nin aan

    u kala eexan dadka waa nin aad u jecel magaca qoomiyadda somaliyeed meelkastaba ha ka soo jeedee.

    Waa safiir aad loo texgeliyo xaga dawlada Kuwait wuxuu runtii istaahilaa in somaliya madaxweyne looga dhiga si uu

    uga saaro saymaha ay ku jirto.

    Anigu waxan ka soo jeedaa somaliland walina ma arag wajiga safiirka waayo dalka waxan joogay wax yar oo ah laba sanno

    walina u ma baahan in aan arko safiirka waayo wixii safarada iga soo gala waxa markiiba ii dhameeya shaqaalaha ka hooseeya

    oo ah dad sharaf mudan,waxan arkay somalida ku nool Kuwait oo raali ka ah safiirka kana sheekeenaaya wuxuu ummadda

    u qabtay marka aniga intaas ayaa igu filaatay.

    Anigu waxan soo maray kana soo shaqeeyay badi dalal badan kuna dhaw 40 wadan 31 sanno ee u danbeeyay,wali maan arag

    safiir la mida waxase soo raacaayay Michael Maryan oo safiirka ahaa Zanbia 1976 iyo Maxamed Cabdille Xassan oo safiirka aha

    dalka Qatar 1978.

    Ninkan safiirka aflagaadeeyay waa la yaqaan wuxuna ka soo jeedaa kooxda somali-biiska ah ee wanaaga iyo wadaniyadda

    midna aan ku abtirsan waana macaruf wuxuu doonayaa mid la jaad ah oo uu dilaal u noqdo lacagna ku urursado.

    22 Comments »

    RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

    1. war dicaayaa ka dhaafa dadka sharaft leh kan faashilka ah oo wax yaabaha aan jirin soo qoraayo ilaahey ka cabso ruux neyad xun baa tahay waa ku na qaan waxaa tahay in jawaab laguu qoro ma istaahilid

    2. cadi iska dhig warya

    3. waxaa jira safiiro qaar oo ku takri fala sharafta wadanka mana aha soomaaliya oo kaliya waa aduunka oo dhan sida aan lawada socono waxaajira kumaan dad ah oo aan u dhalan wadanka soomaaliya oo haysta baasaboorada mana orankarno waxaa siisay safiirada waxaa kaloo jira dad iyaga ka ganacsada iibinta baasaboorada laakiin qofkii wadani ah wuu ogyahay qiimaha uu leeyahay baasaboorka…..
      Soomaalida waxay ku maahmaadaa ( warjiraaba Cakaaruu imaan) nin waliba wixi uu sameeyay Taariikhda ayaa qori doonta….

    4. maxameduk the best boy ilove somali

    5. walalo arintaa safiirada tikrifalka sameeye waa run

    6. looooooooooolz its so funy history
      any wayz keeeeeeeeeep going

    7. sheeko jacayl ah oo dhab ah

    8. dhamaan tiin waad qaldantihiin waxa niga codsanayaa in aad dhaaf taan shekoyinka aad soo copy ah wax cusub la emaada magaratiin somalida

    9. if you don,t stop this mutherfucker story write the people interstind story i won u
      majarayaa in dheminaajo indhaat samuu yewi shaat story amistaganaano

    10. waraa waa waalantahay adiga

    11. lool

    12. web ka si sharaf badan ugu sheekees ta hadii kale naga daaya hadal bilaa mic naha ah waraada ciyaal micno ma leh maxay tahay arintad soo gud biney saan waxii alle kuu qoro ayaa ku soo maraya mar ka ka digtoonow hadaladaass falal ka ah xun xun hadii kale i honesty the best bolicy mohameduk solvkia

      wadan kaass ayaa idin ku xiraa dhamaan tiin i good man

    13. waaani salamay sxbbiyaal xalada guud iyo mid gaar ahaned sxb macane waqti mahesto lakin aniga magacegu kor ayuu ku qran yahay sxb macane hada aniga waxa sxbba aanahay maxameduk_22@sxbbiyaal waxa ila oo xirirri karatan wabsedka ha axmedsuufi.9k byyyyy

    14. waa yaab dadow ma yaabteeeeeeeeeeeeen waa orod magaalada gal tan sheeko maaheeeeeeeeeeeeee
      looooooooooool hej da

    15. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk funny history

      • ladan abyo yabnaye ma yaabteen
        adiga hal mar ma dhali lahed 7 cunug
        hadii aan ku guursado kkkkkkkkk

    16. WAA SHEEKO LAYABLEH LAKIIN WAXAN UMALYNYA SHEEKO DHABA WAYO ALE AYA ABURAY JIIN IYO INSIIBA

    17. A well designed weblog, including it within the helpful reference portion of my site.

    18. walaal waxan usheegyaa rerka hawiye
      dowladii soomaaliyed mawaxay noqotay tu u afduuban hawiye
      laakin xage kalah hadii la odhan hirya soomaali waxaa uugu badan hawiye inkastona la hayn tirakoob dhabah maanta mala odhan karaa waxaa igu yar hawiye waayo mudada laga soo bilaabo 1993 waxaa dhintaaa waaa hawiye
      waxaa idin leeyahay walaal alyaad isgaadha in taydaan dhamaan

    19. walaal waxaan idin way diinayaa waa iga su aale rerka hawi masoomaalibaa? walaal cidii wax kagaranaysa hayga soo jawaabto su aashaa
      waaa waxaam iswaydiyay markaan aad uugu fiirsaday rerkasi malaha dhaqanka soo maaliyeed

    20. You completed a number of good points there. I did a search on the matter and found a good number of people will consent with your blog.

      • ladan abyo yabnaye ma yaabteen
        adiga hal mar ma dhali lahed 7 cunug
        hadii aan ku guursado kkkkkkkkk


    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

    Blog at WordPress.com.
    Entries and comments feeds.

    %d bloggers like this: