MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 3AAD

July 26, 2008 at 9:03 pm | Posted in sheeko jaceyl | 1 Comment
Tags: , ,

Isa salaam isa soo dhaweyn iyo isku mahad celin ka dib  wilkii waxa uu gabadhii  usoo bandhigtey arin xidhiidh una sheegey  in uu ka helay gabadhan  waa dacad dadnimo allah u dhashay jecelna in ay nololsheeda danbe iyo mustaqbakedba la wadaagto wil dhigeed ah oo soomali ah arintii waa soo dhawweesay isla wakhtigii na waxa labilabay in la iska wareesto dadyawgooda waxa la qabto mid ba kan kale uga shekeeyey markiiba  waxay bartey wilkii rerkoda oo ay dhankasiyo  sweden ka wada imadeen badankooda oo markaa ku sugnaa guriga marka laga reebo waalidka o aan meshan xaadir ku ahayn.

ugu danben habeenka waxa lagu balamay isla gurigii uu malintii hore  tusay iyada oo halaw ah  isla habenkii waa la isugu imi gurigii inantiina waxay u shegtey isla habeenkaas in ay dareemayso wax aan waligeed hore u soo marin iyada oo kula kaftamtey wilkan  in anay xalay ka seexan hadaladiiisii qimaha ugu fadhiyey isna arintaasu waa u riyaqay wiilkani maha wil arintani ka dhabtahay lakin waa ha kusii xambaarto bad weynta ha kaa talaabiso inkaastoo wiilkani dhawr jer oo hore isku dayey in uu tahriib ku galo wadamada dibadaha oo dhalinyaradu badankooda ay jecelyihiin uma suuro galin waayo ma haysto dhaqaalihii lagaga talaabi lahaa badaa dheer iyo saxarahaa la sii maraayo labadaba

DIYAARIYE:HOODO AHMED IBRAHIM
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 4AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com

MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 5AAD

May 21, 2008 at 11:01 am | Posted in sheeko jaceyl | 2 Comments
Tags: , ,


Isla markii la todoba baxay sidii cadada ahayd lamanahan heshiiskoodu ahaa waxa loo ambabaxay dhankaasu iyo itoobia si safarada halkasu ay ku ledahay wadanka sweden looga qaato visahii uu wiilku ku gali lahaa dalka sweden markii mudo la sugayey ayey gabadhii goaansatey in xaajigeedu kali ah iska sugo visaha iyana iskaga labato dalkii sweden sidiibanay ku anbabaxday inantii. Wilkiina uu adis ababa ku sii joogay mudo aan ka yareen 6 bilood markuu sugayey waxa uunasiib u helay in uu visahii qaato isla wakhtiyadana ay gabadhiisii waxay ku dhashay dalkii sweden wiil ay ugu magacdartey odaygeeda abihii ..

isla markiiba wiilkii waxay ooridiisii u soo dirtey lacagtii uu ticketka ku soo goosan lahaa una shegtey in ay umushay wil soo na gadho inta anu afartanka ka bixin isna waa ku ayiday wacnaan lahaydee in dadka isku muraadka ah isku beegman runtii marka loo noqdo sheekadan oo dhab ah kana dhacday hargeisa waa kaaaf iyo kala dheeri .

Wiilkan hel ujedadiisii gabadhiina kaga talaab bad weyntii helba tuu ku tamayey nasiib daran gabadhan ayaa allah u hayey tasna noqtey ubadna allah uga beray kana dhaxaysiiyey labadoodii .

Wiilkii waxa uuka dagay madaarkii caasimada sweden isla wakthigaas waxa madaarka ku soo dhaweesay xajiyadiisii iyo qaar ka tirsan ehelkeda asxaabteda inantani waxay dareemaysaa galgacal iyo reynreyn aan la qiyasi karin waayo waxa maanta si toos ah ay nolosha ula wadaagi dontaa wilkii ay dunida ka calmatey , wiilkii soo deg ka soobax madaarkii una soo bax baxada hore ee madaarka iyo madhasha dadka lagu so dhaweeyo marwadii gacaliyaheedi soo dagayey waxay u dhaqaaqday in ay si kalgacaaleh usooo dhaweyso xaajigeeda lakin xaajigeedii ma yahay baa ka horesa kii markuu hargeisa joogay la yaqanay oo talaw maxaa helay?????

AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 6AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO


Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka  fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah

DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com

MIYAAD IGU DHOOFAYSA QAYBTA 4AAD

May 21, 2008 at 11:00 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a comment
Tags: , ,

Wiilku  waxa u isleeyahay isla wakhtigan ay gabadhan arintan u shegayso ma run baa ma benbaa ma riyaa IWM, isla habeenkiiba waxa lagu sookala dhelmaday la iskuna soo guubaabiyey dhankaaga ka ilaali jaceelka yuu cunin waaraabuhu ka ilaali weeraha iyo balamo badan oo kale  waxa la soo gadhay xiligiiay gabadhani u bixi lahayd dhankaas iyo noqodkedii ay ku laaban  lahayd yurub iyo carigii sweden gacaliyaheediina waa ay la socodsiisay isla waktigiiba waxa ay guaamiyeen labadii lamaane in ay arintooda hor dhoceeda dhamestiraan si ay u ahadaan laba qof oo aduunka iska leh nin iyo ooridii midba kii kale ayuu ku aqbalay.

Arinkii waxa loo sheegay labadoodii walid dabcan gabadhan reerkodu waa soo dhaweeyeen mar hadii inantoodii ka nabad gashay wiilasha cadaanka iyo ajanibka ah oo mantaba ula timi wiil gayankeeda ah inaadeerked ah la hayb ah mudo week ka dib ah labadii lamaane waxay noqdeen lamaane is ku mehersan isla markiibana waxay inanatii u anba baxday dhankii sweden iyadoo jacelkeediina kula dardaarantey in uu ilaaliyo jacaylka dhankisa sas bana la isku ayiday.

Inantii markii ay ka maqnayd magaalada hargeisa mudo sanad iyo badh ah ayey iyada iyo xaajigeedii goaansadeen in ay aqalgalaan iyaduna ay timado hargeisa saas bayna gabadhii ku timi hargeisa.

Xili xagaaga ah oo caado u ah in badanaaba dadka dalalkooda wadamada shisheye kaga nooli ay dib ugu so noqdaan dhulkooda hooyo lamaanihii kala baadayisla malmahay soo degteyna gabadhii waxay ku aqalgaleen magalada hargeisa iyada oo arooskoodii loogu tumay hallka caaanka ku ah hargeisa ee lagu tumo aroosyada ee CASALAMA HALL.

isla todobaadkii ka dibna waxa xedhooyinkii ay ku furteen halka aan ka dhicin kii hore ee IMPERIAL HALL , kharashadka ku baxayey maamulida arooskan la soo agaasimay waxa bixinaysay gabadha oo markasu jeeeb dhaanta xaajigeeda xafladahoodan waxa loo soo agaasimay si dii ugu wacneed ee abid ka dhacda qaabkiisa oo kale hargeisa.

waxa ka tumayey dhanka fanaaniinta dhalinyarada ugu sareesa dhanka luuqda ee hada sida adka ah looga daba dhacay waaa NUURADIIN AHMED IIMAAN , A/WAHAAB KAMACE. MAHED GERMANAY IYO MUSTAFE OOMAAR arooskani waxa uu noqday ma maqasheen ma aragteen ma tagteen .

AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHOW LA SOCDA QAYBTA 5AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO

Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka

DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com

MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 3AAD

May 21, 2008 at 10:57 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a comment
Tags: , ,

Isa salaam isa soo dhaweyn iyo isku mahad celin ka dib  wilkii waxa uu gabadhii  usoo bandhigtey arin xidhiidh una sheegey  in uu ka helay gabadhan  waa dacad dadnimo allah u dhashay jecelna in ay nololsheeda danbe iyo mustaqbakedba la wadaagto wil dhigeed ah oo soomali ah arintii waa soo dhawweesay isla wakhtigii na waxa labilabay in la iska wareesto dadyawgooda waxa la qabto mid ba kan kale uga shekeeyey markiiba  waxay bartey wilkii rerkoda oo ay dhankasiyo  sweden ka wada imadeen badankooda oo markaa ku sugnaa guriga marka laga reebo waalidka o aan meshan xaadir ku ahayn.

ugu danben habeenka waxa lagu balamay isla gurigii uu malintii hore  tusay iyada oo halaw ah  isla habenkii waa la isugu imi gurigii inantiina waxay u shegtey isla habeenkaas in ay dareemayso wax aan waligeed hore u soo marin iyada oo kula kaftamtey wilkan  in anay xalay ka seexan hadaladiiisii qimaha ugu fadhiyey isna arintaasu waa u riyaqay wiilkani maha wil arintani ka dhabtahay lakin waa ha kusii xambaarto bad weynta ha kaa talaabiso inkaastoo wiilkani dhawr jer oo hore isku dayey in uu tahriib ku galo wadamada dibadaha oo dhalinyaradu badankooda ay jecelyihiin uma suuro galin waayo ma haysto dhaqaalihii lagaga talaabi lahaa badaa dheer iyo saxarahaa la sii maraayo labadaba

DIYAARIYE:HOODO AHMED IBRAHIM
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 4AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com

MAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 1AAD

May 21, 2008 at 10:50 am | Posted in sheeko jaceyl | 2 Comments
Tags: , ,
Bismilaahi Rahmani Rahiim ASCWRB.

Akhristayaasha qiimaha badanaw manta waxan idiin hayaa sheeko dabcan dhab ah kana faalooyanaysa arimo dhaca oo dhex martey wil somaliland ah iyo inan somaliland u dhaltey Waxay ahayd 11;00 duhurnimo ee xiliga hargeisa waxa xaafada xawaadle ee magaalada hargeisa iskaga hor imi wiil la idhaahdo ahmed mahamed iyo gabadha la iraahdo ayaan cali ahmed waa wiil rer hargeisa halka ay ayaan ka tahay gabar magalada ku qariib ah dhawaantasna soo gashay.

waxay ayaan ka timi cariga sweden halkaas oo reerkooda o dhami degen yahay gabadhii Ayaan ahayd ayaa iyada oo ku socota xafad ay alaabo amaano ah u siday garan weysay jidkii kuna dhex habawday xaafada xawaadle oo reerka logu soo tilmamay.

wilkan Ahmed oo ah dhalinyarada xaafada degen ayaa ay aragttey isaga oo wadada maraaya weydiisayna reerka ay donaysay iyada oo u shegtey magaca reerka ay alabada u siday ahmed waba wiil ku taamayaa in uu mar uun la kulmo gabr ka timi wadamada dibada sidatana passpport uu ku dhoofo waan daremaysaa qof ka ay mihiimadiisu sidaas tahay in ay tahay uun ujedada ugu weyn ee uu ka leeyahay gabadh ka timi wadamada dibadaha in uu ku dhoofo oo kali ah wax intaas u dherna anay jirin ahmed marka halkas arini marayso waxa ay noqotey reerka inantu weydiisay reer u garanyo isla markiiba waxa uu u kaxeyey isla xaafadii ay weydiisay inantu waana gabar qaraabadiisa ka mid ah isagoo waliba inanta ka dalbaday in uu cawiyo oo alaabta culus ee ay gacanta ku sidato uu ka qaado iyana waa u mahadcelisay wana ka qaday alabadii aay siday inantu.

isla wilkii marka inantii xafadii gashay kama tegin ee wu u sugay isaga oo u shegay in uu sugayaao si uu xafadoodii u geeyo gabadhiina waa ka aqbashay inantanu ma fahmayso afka afmiishaarkan waxa uu usoo galbiyey dhankii xafadooda oo aan kaba fogeen xawaadle mesha inantu degen tahay.

AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 2AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO

DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
Hoodo07@hotmail.com

Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah


N.B LAMA DABAACAN KARO ILAA OGOLAANSHO LAGA HELO QORAAGA KU SAXEEXAN .

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.