Jaceyl..??

May 21, 2008 at 11:37 am | Posted in sheeko jaceyl | 7 Comments
Tags: ,

Jaceyl:Maxaad Ka Taqaan Jaceylka?Waa maxay jaceyl?
Waa maxay daawada jaceylku? Goorma ayaa la dareemaa jaceylka?

Run ahaantii jaceyl waa ereyga ku soo noq noqda in badan qalbiyada dadka     Majiraa jaceyl mise ma jiro? Waa wax jira jirina doona inta ay dunidani dhisantahay waana dareen ku lamaansan jiritaanka nolosheena waayo qof walba wax ayuu ka helaa  akhristoow! Ka hadalka jaceylka ama faalooyinkiisu aad ayey u badan yahin lakin hadii aan ku noqdo

su’aalaha kor ku xusan WAA MAXAY JACEYL? Jaceyl sifooyinka lagu sifeeyo waxa ka mida ah doonis, rabid, ka helid, u khushuucid, jamasho, ka dhex dhalata labada qof Markey kulmaan akhriste doonistaa ama rabitaankaas oo marwaliba ay naftaadu tebeyso qofkii ay ka heshey,  Runtii dawada jaceylka oo shaki ku jirin waxay tahay inaad hesho qofkii aad ka heshay kaasoo qalbigiisu kuusoo jeedo kuuna ah daacad hadii aad intaasi heysato waxad heshey dawadii jaceylka!

Jaceyl waxa la dareemaa marka aad la kulanto qof nafsadaadu ka hesho naftaaduna ogolaato! Markaas ayaad si dhaba u dareemeysaa jaceylka waayo jaceylka ayaaba ah DAREEN

Rabitaanka qofka aad jeceshahay waxa aad kala kulmeysaa farxad marna

murugo  hadana labadaasiba waxa kuu haya qofkii aad ka heshey means aad jecleyd hadii sabababaha noocaasa soo qaadno Tusaale: waxad doontey inaad wacdo qofkii aad tebeysay ee aad jecleyd then waad weydey waxa aad dareemeysaa niyad xumo hadii aad hesho ama aad la kulanto qofka aad jeceshahay waxa aad dareemeysaa farxad akhriste run miyaa mise waa been tusaalahaasi? Akhriste maxad ka taqaan cadowga

jaceylka? Waxa uugu weyn cadowga jaceylka oo la sheego waxa ka mida 1- foqriga 2-

sedexeeyaha waxa loo yaqaan (cilmi boodhari ayaa waxa uu idhi hadii uu faqrigu qof ahaan lahaa waan dili lahaa)  Sidoo kale sedexeeyaha ayaa ahaan lahaa wax la dilo ee danbi ayaa ku jira kakakkakaak akhriste waxan dhanbaalkan kusoo gebagebeynaya

1-  matahay qof nolosha jecel ?

2- matahay qof farxad jecel ?

3- matahay qof wax jecel ?

4-matahay qof la jecel yahay ?

5-matahay qof farxad inu ku noolado jecel?

Si kastaba ha ahaatee ha fakarin. Ha warwarin. Ha calaa calin  U dhoola cadee nolosha. Una qosol.

Waligaa inta aad nooshahay. Waxan kaa balan qaadayaa hadii aad keento wajifuran. Qalbi saafiya.

Niyad saafiya. Waxa hubaal ah inaad guuleysaneyso aakhirka kuna guuleysaneyo hawlahaaga nololeed

waxii war bixina: Qoraaga: faalada
Muna maxameda daahir
Hargeisa s/land
muna_maxamed@yahoo.com
muna_maxamed@hotmail.com

MIYAAD IGU DHOOFAYSA QAYBTA 4AAD

May 21, 2008 at 11:00 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a comment
Tags: , ,

Wiilku  waxa u isleeyahay isla wakhtigan ay gabadhan arintan u shegayso ma run baa ma benbaa ma riyaa IWM, isla habeenkiiba waxa lagu sookala dhelmaday la iskuna soo guubaabiyey dhankaaga ka ilaali jaceelka yuu cunin waaraabuhu ka ilaali weeraha iyo balamo badan oo kale  waxa la soo gadhay xiligiiay gabadhani u bixi lahayd dhankaas iyo noqodkedii ay ku laaban  lahayd yurub iyo carigii sweden gacaliyaheediina waa ay la socodsiisay isla waktigiiba waxa ay guaamiyeen labadii lamaane in ay arintooda hor dhoceeda dhamestiraan si ay u ahadaan laba qof oo aduunka iska leh nin iyo ooridii midba kii kale ayuu ku aqbalay.

Arinkii waxa loo sheegay labadoodii walid dabcan gabadhan reerkodu waa soo dhaweeyeen mar hadii inantoodii ka nabad gashay wiilasha cadaanka iyo ajanibka ah oo mantaba ula timi wiil gayankeeda ah inaadeerked ah la hayb ah mudo week ka dib ah labadii lamaane waxay noqdeen lamaane is ku mehersan isla markiibana waxay inanatii u anba baxday dhankii sweden iyadoo jacelkeediina kula dardaarantey in uu ilaaliyo jacaylka dhankisa sas bana la isku ayiday.

Inantii markii ay ka maqnayd magaalada hargeisa mudo sanad iyo badh ah ayey iyada iyo xaajigeedii goaansadeen in ay aqalgalaan iyaduna ay timado hargeisa saas bayna gabadhii ku timi hargeisa.

Xili xagaaga ah oo caado u ah in badanaaba dadka dalalkooda wadamada shisheye kaga nooli ay dib ugu so noqdaan dhulkooda hooyo lamaanihii kala baadayisla malmahay soo degteyna gabadhii waxay ku aqalgaleen magalada hargeisa iyada oo arooskoodii loogu tumay hallka caaanka ku ah hargeisa ee lagu tumo aroosyada ee CASALAMA HALL.

isla todobaadkii ka dibna waxa xedhooyinkii ay ku furteen halka aan ka dhicin kii hore ee IMPERIAL HALL , kharashadka ku baxayey maamulida arooskan la soo agaasimay waxa bixinaysay gabadha oo markasu jeeeb dhaanta xaajigeeda xafladahoodan waxa loo soo agaasimay si dii ugu wacneed ee abid ka dhacda qaabkiisa oo kale hargeisa.

waxa ka tumayey dhanka fanaaniinta dhalinyarada ugu sareesa dhanka luuqda ee hada sida adka ah looga daba dhacay waaa NUURADIIN AHMED IIMAAN , A/WAHAAB KAMACE. MAHED GERMANAY IYO MUSTAFE OOMAAR arooskani waxa uu noqday ma maqasheen ma aragteen ma tagteen .

AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHOW LA SOCDA QAYBTA 5AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO

Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka

DIYAARIYE: HOODO AHMED IBRAHIM
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com

MIYAAD IGU DHOOFAYSAY QAYBTA 3AAD

May 21, 2008 at 10:57 am | Posted in sheeko jaceyl | Leave a comment
Tags: , ,

Isa salaam isa soo dhaweyn iyo isku mahad celin ka dib  wilkii waxa uu gabadhii  usoo bandhigtey arin xidhiidh una sheegey  in uu ka helay gabadhan  waa dacad dadnimo allah u dhashay jecelna in ay nololsheeda danbe iyo mustaqbakedba la wadaagto wil dhigeed ah oo soomali ah arintii waa soo dhawweesay isla wakhtigii na waxa labilabay in la iska wareesto dadyawgooda waxa la qabto mid ba kan kale uga shekeeyey markiiba  waxay bartey wilkii rerkoda oo ay dhankasiyo  sweden ka wada imadeen badankooda oo markaa ku sugnaa guriga marka laga reebo waalidka o aan meshan xaadir ku ahayn.

ugu danben habeenka waxa lagu balamay isla gurigii uu malintii hore  tusay iyada oo halaw ah  isla habenkii waa la isugu imi gurigii inantiina waxay u shegtey isla habeenkaas in ay dareemayso wax aan waligeed hore u soo marin iyada oo kula kaftamtey wilkan  in anay xalay ka seexan hadaladiiisii qimaha ugu fadhiyey isna arintaasu waa u riyaqay wiilkani maha wil arintani ka dhabtahay lakin waa ha kusii xambaarto bad weynta ha kaa talaabiso inkaastoo wiilkani dhawr jer oo hore isku dayey in uu tahriib ku galo wadamada dibadaha oo dhalinyaradu badankooda ay jecelyihiin uma suuro galin waayo ma haysto dhaqaalihii lagaga talaabi lahaa badaa dheer iyo saxarahaa la sii maraayo labadaba

DIYAARIYE:HOODO AHMED IBRAHIM
AKHRISTAYAASHA QIMAHA LEHAW LA SOCDA QAYBTA 4AAD MAALMAHA SOO SOCDA HADII ALAH IDMO
Akhriste waan qaadanyaa waxii dhaliil ah iguna soo celi waxii aad khalad ku aragto fadlan ka raali ahada hadad ku aragtaan wax khladadaad ah dhanka qoraalka
fadlan igala soo xidhiidh cinwaanka ah
Hoodo07@hotmail.com

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.