Xilliga Doorashooyinka & Doorka Soomaalida Mareykanka-

June 13, 2008 at 7:13 pm | Posted in maqal | 1 Comment
Tags:

waxaa la daabacay Mon 09 Jun 2008 09: 56: 21
Soomaalida reer Ameerika waxey ka mid yihiin dadyowga laga tiro badan yahay, inta badan waa soo galooti cusub, waxaana kusoo badanaayo waayahaan dambe dadka ayaga qaato jinsiyadda Ameerikaanka ah.

Haddaba waxaa inala gudboon in aynu ka qeyb qaadanno arrimaha waddankaan ka socda guud ahaan, si aan wax ula qaybsanno dadweynaha Mareykanka ah. Waxaa hadda socda doorashooyin xasaasi ah. Nasiib wanaag waxaa ku jira tartamayaasha murashaxa asaga ka socda xisbiga dimuqraaddiga ah Senator Barack Obama, ninkaas oo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed eey si aad ah u waafaqsan yihiin danaha dadka Soomaaliyeed, kuwa dadka soo galootiga ah, muslimiinta, dadka dhaqaalaha yar iyo guud ahaan dadka Marykanka ahba sidey u badan yihiin. Waxaa kaloo xusid mudan murashaxa la tartamaayo Obama in uu yahay Senator John McCain oo asaga siyaasad ahaan kasoo horjeeda inta aan kor xusay oo idil.

Continue Reading Xilliga Doorashooyinka & Doorka Soomaalida Mareykanka-…

Farriin ku socota walaalaha masuugay wadahadallada lala leeyahay UN-ka.

May 26, 2008 at 5:28 pm | Posted in maqal | Leave a comment
Tags:

Qormadan gaaban waxaan isku dayayaa inaan ku qanciyo walaalaha ka biyo diidsan in la galo wax wadahaddallo ah xilligan.Arrintaas waxaan iskaga fakir noqon karnaa haddii aan fahamno saddex arrimood:1)- cidda nala diriraysa 2)-waxa ay ku dirirayaan iyo3)- qasdiga ay ka leeyihiin intaba.

1)-Cidda nala diriraysa.

Dagalka ka fool-kafoolka ah waxaan iska soo horjeednaa waa Ciidanka Itoobiya iyo wixii ay cagaha ku jiitaan,waxaase kor ka maamulaya  Qarammada Midoobay oo uu Maraykanku hoggaamiyo.Nuqdada ugu muhiisan halkan waa in ciidanka Itoobiya ka dhimanaya aysan cidna u tirsanayn,waa qawmiyado sida Oromada,Guraaga,Canfar,Amxaaro iyo Soomaali(Kililka Shanaad) oo la soo qafaalay,nin walibana gadaal qori lagala taagan yahay,dadkaasi waxaa hoggaaminaya tiro kooban oo saraakiil Tigree ah,wax qiimo ahna uguma fadhiyaan xukuumadda ka talisa Addis Ababa,marka laga reebo saraakiisha iyo saraakiil xigeennada Tigreega ah.

2)-Waxa ay nagula dirirayaan.

Qalabka iyo saanadda iyo sahayda ay nagula dirirayaan waxaa bixiya dawladaha reer galbeedka oo uu u horreeyo Maraykanku.Dalka Itoobiya gudihiisa dadku gaajo ayuu ugu baqtinayaa.Itoobiya ma awooddo iney ciidan intaas le’eg dhaqaajiso ama dagaal geliso muddo dheer ayadoo kharashkeeda isticmaalaysa.Bal arrintani,waa Business u furmay xukuumadda Meles Zinawi,oo waxay dallaalaan lacagta lagu siiyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed,sidaas awgeed waxaa la oran karaa waa calooshood u shaqaystayaal(mercenary).Waxaa intaas sii dheer in xukunka dalka Itoobiya ay ku hastaan taageerada ay ka helaan reer galbeedka,kuwaasoo uga hiilliya mucaaradka Itoobiya madaama ay shaqo muhiim ah u hayaan(La daallank argagixisada).

3)-Qasdiga ay ka leeyihiin dagaalka.

Qasdiga ama yoolka dagaalka ka socda Soomaaliya wuxuu salka ku hayaa xisaab xagga tirada dadka(demography),waxay aamminsan yihiin in Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dad badan Afrikada madow,iney  awooddo markii labo qof ayaga ka dhimato ay ku filan tahay iney hal qof oo Soomaali ah dilaan,aakhirtaankana Soomaaliya noqoto qubuur ay ku aasmaan  malaayiin qof,si ay dalka ayagu ugu soo haraan.Sida kale markaan u dhigno 80 milyan oo Itoobiyaan ah iyo 8 milyan oo Soomaali tiradu waxay noqonaysaa toban jibbaar.

Maxaa keenay wadahadalka?.

Sideedaba,wadahadal waxaa loo gala in wixii aadan awooddaada ku heli Karin aad ku doonato si kale,adoo  oggol tanaasul( wax ka tag waxna qaado);,waase in waxa kuu soo haray ay ku qancin karaan.

Wadahadallada lala leeyahay UN-ka  kuma iman codsi ka yimid mucaaradka Soomaalida,balse waxaa keenay in qaar ka mid ah duwalkii isku bahaystay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ay la soo xumaatay arrintaasi,oo ay yiraahdeen bal aan si kale arrinta ku eegno.Wadahadalladu ma filayo iney ku billaabanayaa  si daacad ah,marna kama foga in wixii dagaal lagugu marsiin waayey lagu dayo farsamo kale,haseyeeshee marka laysku xooriyo xoogagga isbahaystay ee shacabka Soomaaliya lidka ku ah,wadahadalladu waxay u  daran yihiin ama dhibayaan  xukuumadda Addis Ababa iyo saaxiibbadeed,maxaa yeelay waxaa wax iska baddalayaan qaabkii ay wax ku heli jireen. Haddaba,anigu ma garanayo dhibaatada ay u leeyihiin Xoogagga waddaniyiinta ee dalkakooda xoreynaya,kuwaasoo awoodda in wixii aan u cuntamin iska diidaan.Meesha kuma jirto,sida Madaxda Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed u sheegay in la citiraafayo TFGda,taasoo laga yaabo in qaybo ayada ka mid ah ay jeclaan lahaayeen dal Soomaaliyeed oo xor ah,hase yeeshee uu ducfi haysto ayagoon sheegi karin waxa ay rabaan.Ninna kama qarsoona,in hoggaamiyaha ka taliya Itoobiya dhowr jeer ku celceliyey in ciidammadiisu aysan Soomaaliya u iman iney dawlad u dhisaan ee wax keliya ee ay u joogaan uu yahy inaan dawlad Islaam ahi ka dhalan(reuters,21/05/08),taasoo micneheedu yahay in wixii shacaa’ir Islaam ka muuqdo ka dhammeeyo Soomaaliya(inaan Soomaaliya weligeed xasilin).

Haddaba,wadahadalka wax dhibaato ah uguma jirto  Isbahaysiga,waxay u leedahay faa’iido ah iney kaga baxaan xisaarka dulmiga ku dhisan iyo  shaabbada argagixisada ee kuwa Soomaaliya ku soo duulay ay ku hadaaqaan.

Waxaa intaas dheer in midnimadu mudan tahay in la dhowro,islamarkaasna lays qanciyo halkii idaacadda laysku marin lahaa farriimo xasaasi ah.Inkastoo halganka Xabashida lagu saarayo uu xaq yahay misana waa in la sii oddorosaa haddii ay Xabashidu baxdo maxaa ku xiga?. Labo uun bey mid tahay::Inaan dawlad dhisanayno  iyo in halganku halkiisa kasii soconayo illaa Soomaali Galbeed la xoreeyo amaba Muslinka dulman gaalada laga xoreeyo.

Haddii hankeennu ku ekaado inaan dawlad Soomaalidu leedahay dhisno(anoo rajeynaya in badankeennu aan saas rabno) waxaa ku hortaal sidii aad bulshada caalamka uga mid noqon lahayd.Sidaas awgeed,dawlad aan lagula ogeyn ama lagula oggolaan ma shaqaynayso.waxay la mid tahay in “Geed Camba” ah aad ka taagto dhul lama dagaan ah.Siyaasadda caalamka waa laga saaray wixii la oran jiray dawlad madax bannaan(sovereign state),ma jirto madaxbannaani taam ah,dawlado annaga naga waaweyn baa lagu soo duulay..Xittaa haddii aan ka baxsanno in nalagu soo duulo,dawladda aan ka dhisno Soomaaliya ee waxa loogu yeero bulshada caalamku(UN) aysan raalli ka ahayn, dawladdaas waa la silcinayaa,sida dawladda Xamaas ee reer Falasdiin..

Waa in aan tixgelinno in siyaasadda caalamka ay hor booddo dawl qura (ama koox qura) oo ay ka taliso(unipolar system) tan iyo markii laga adkaaday xulufadii Ruushku hoggaamin jiray sannadkii 1989kii

Qaddiyadda Soomaalida,waa isaga mid  caalamku,wax kuu gargaaraya ama ka hor imaanaya talada reer galbeedka ma jiraan.Weliba,kuwa loo yaqaan iney dawlado Muslim ah yihiin ayaa ugu daran oo kharashkooda ku bixinaya inaan dawlad Islaam ah ka dhalan Soomaaliya maxaa yeelay waxay ka baqayaan in shacabkoodu ku daydo Soomaalida(Masar iyo Sacuudiga ayaa ugu daran). Dalka Eritrea,oo iyaga qudhooda ay wax ka maqan yihiin, ayaa noo soo banbaxay.waxaa la oran karaa  danaheenna ayaa  isku soo dhacay,ee marna meesha kuma jirto jacayl gaar ah oo ay Soomaalida u qabaan(siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh ee waxay leeday dano joogto ah sidaas waxaa yiri English philosopher John Stuart Mill).Dalka Eritrea,ayuu ahaa kii Israiil saldhigga siiyey,deriskiisa Yemen ku duulay oo qabsaday Jaziira Al-Xaniish,Muslimka badan oo dalkiisa ku noolna cadaadiska ku haya.(Naar meel qabow ma leh).

Waxaan  ku talinayaa in mudnaanta koowaad la siiyo in dalka laga saaro cadawga haysta haseyeeshee lagu dadaalo in gaalada aan lays raacin oo intii lakala reebi karo lakala reebo,gaar ahaan in sahayda ay Xabashidu nagula dirirto si xikmad ah looga jaro,taasoo ku imanaysa in gaalada qaarkeed wax laga dhaadhiciyo. War bal isweydiiya,maxaa dhammaan caalamku uga aamusay xasuuqa Soomaaliya ka dhacaya?Sow ma aha in adduunka aan joogno meel qura la shido  lagana damiyo!

Culumada Soomaliyeed,aqoon yahanka iyo inta waxgaradka ah,waxaa loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo,oo laga fikiro in Xabashi keliya aanan ishayn ee dalkeenna laga haysto dhanka UN-ka,Soomaaliya xoog keliya kuma xoreyn karno,waa in xeel ay wehliso xoogga.

Ugu dambeys waa in aan ka fijgnaanaa in arrimaha Soomaaliya aysan ku milmin kuwa ay isku hayaan labada maamul oo ayagu  dhaqan ahaan isaga kaaya dhow.

Abdullahi Jaamac

Jaamacshire@hotmail.com

Maxaad ka taqaan Ahmedou Ould-Abdallah

May 21, 2008 at 10:34 am | Posted in maqal | Leave a comment
Tags: ,

Maxaad ka taqaan Ahmedou Ould-Abdallah: U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya?

Ambassador Ahmedou Ould-Abdallah waa u qaabilsanaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya. Wuxuu u dhashay waddanka Mauritania (Muritaaniya) ee ku yaal waqooyi-galbeed Afrika. Wuxuu ka soo qabtay jagooyin heer Wasiir ah waddanka Muritaaniya ay ku jirto Wasiirka Arrimha Dibadda. Wuxuu aad uga soo shaqeeyay hawlaha Diblomaasiyadda, isagoo soo noqday Safiirka Muritaaniya ee Belgium, Luxembourg, Holland, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Waa siyaasi rug caddaa ah oo aad u yaqaan sida siyaasadda caalamku u shaqayso, gaar ahaan sida waddamada reer galbeedku ula dhaqmaan waddamada Afrika iyo dunida saddexaad.

Ahmedou Ould-Abdallah (oo dhaqanka Muritaaniya la macna ah Axmed-kii ina Abdullaahi) wuxuu dhashay sannadkii 1940-kii. Kaddib shaqooyinkiisii diblomaasiyadeed ee waddankiisa, wuxuu u wareegay dhinaca hawalaha Qaramada Midoobay (QM). Wuxuu muddo lix sano ah soo ahaa Madaxa Arrimaha Dhaqaalaha Afrika ee QM, isagoo kaddibna ahaa u qaabilsanaha Madaxii QM Butrus-Butrus Qaali ee Arrimaha Burundi 1993-1995-kii. Wuxuu aad uga shaqeeyay sidii Burundi looga baajin lahaa dagaal jinsi xasuuq ah inuu ka dhaco, sidii ka dhacdayba waddanka la deriska ah ee Ruwaanda. Wuxuu isticmaalay dhammaan wixii xariir dublimaasiyad iyo siyaasadeed uu la lahaa shaqsiyaadka iyo dawladahaba sidii Burundi looga joojin lahaa dagaalkii Sokeeye ee socday. Wuxuu sidoo kale hor istaagay qorshihii Madaxiisa Butrus-Butrus Qaali kaasoo ahaa in ciidamo nabad-ilaalineed oo QM ah la geeyo Burundi. Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu qabay in arrinta Burundi lagu xalliyo si Afrikaannimo ah oo wadahadal iyo is-qancin loo maro mushkiladda, isagoo ka dhaadhiciyay saaxiibadiis in Ciidamo shisheeye ay mushkillada jirta sii ballaarinayaan, dhaqaale aad u fara badan ku baxayo, isla markaana ay abuurmayaan maslaxado shisheeye oo ku hardama arrimaha Burundi. Sidaas darteed, ayuu yiri waa in mushkiladda Burundi aan loo rarin heer caalami ah. Isagoo arrintaas aad u xoojinaya ayuu qoray buug uu ugu magac daray: Burundi on the Brink. Wuxuu ku faahfaahiyay buuggiisa in Burundi aysan u baahnayn koofiyado Buluug ah (oo uu ula jeedo Ciidamo QM ah) balse ay u baahan tahay dhakhaatiir cilmi-nafsiga ah (psychiatrists).

Waxaa haddaba yaab leh oo arrin laga xumaado ah in Ahmedou Ould-Abdallah uu u ololeeyo in ciidamo QM ah la geeyo Soomaaliya. Wuxuu aad uga fogaaday fikirkiisii iyo mabda’iisii uu aaminsanaa waqtigii uu isla hawshan uu hadda ka hayo Soomaaliya ka hayay Burundi.

Sida lala socdana Burundi dhibaatadeedii waxaa lagu xaliyay wadahadal, iyo awood qaybsi, iyadoo kuwii hor istaagayna la geeyay Maxkamadda Dambiyada ee Aruusha. Maantana ayba reer Burundi u soo diraan Ciidamo Soomaaliya. Waxaa cad in Ahmedou Ould-Abdallah uu si ku talo gal ah ugu samaynayo Soomaaliya wax uusan mabda’ ahaan aaminsanayn. Wuxuu og yahay in waqtigii hawshii Operation Restore Hope (1992-1995) ee Soomaaliya ay ku dhammaatay fashil ku yimid QM isla markaana ay sii fogaysay mushkiladdii Soomaaliya. Wuxuu si fiican cashar uga qaatay fashilkaas isagoo uga faa’iidaystay inuu Burundi ka weeciyo waddadaas. Haddase waxaa muuqata inuu damac ka galay ka qayb qaadashada Qandaraaska Soomaaliya (eeg maqaalkii hore, April 2007, ee cinwaankiisu ahaa: Maxaad ka taqaan dadka shisheeye ee saamaynta ugu wayn ku leh Siyaasadda Soomaaliya? Dr. Jendayi Frazer; Amb. Michael E. Ranneberger; Meles Zenawi; Isaias Afewerki; Amb. David Shinn).

Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu wax badan ka soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo Madax bannaan sida isagoo ahaa madaxii Hay’adda Global Coalition for Africa ee fadhigeedu yahay Maraykanka, iyo Hay’adda World Future Council. Sidoo kale wuxuu shaqooyin aad u badan ka soo qabtay QM sida U qaabilsanihii Madaxa QM ee Arrimaha Galbeedka Afrika, halkaas oo uu ka qayb qaatay nadab ku soo dabaaliddii Siraliyoon, Laybeeriya, Mushkiladihii Xuduudyada ee Kameroon iyo Nayjeeriya iyo Arrimo kaleba. Wuxuu jagada Madaxa QM kula tartamay Kofi Annan iyo rag kale, balse waxaa kaga guulaystay Kofi Annan oo kala wareegay Butrus-Butrus Qaali. Waana nin aad u dhex galay Xafiisyada looga taliyo Caalamka, gaar ahaan Reer Galbeedka iyo QM.

Dhinaca Waxbarashadiisii, wuxuu dugsiga sare kaga baxay Senegaal, isagoo culuunta dhaqaalaha ku bartay Jaamacadda Grenoble iyo Jaamacadda Paris, Faransiiska, 1966 iyo Jaamacadda Sorbonne oo uu ku bartay culuunta siyaasadda, 1967.

Amb. Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu ku doodayaa in bulshada caalamku ay ilowday Soomaaliya ayna tahay in ciidamo caalami ah la keeno, iyadoo isla markaana safiirka Ugaanda u qaabilsan QM Mr. Francis Butagira, uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee QM in la siiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya oo marka lagu daro kuwa Burundi isku ah ilaa 2000 dhaqaale gaaraya 817 Milyan oo doolarka Maraykanka ah muddo lix bilood ah. Waxaa muuqata inuu jiro tartan dhaqaale ee Qandaraaska Soomaaliya.

Haddaba, Waxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed inay hurdada ka toosaan, damiirkooda dhintayna nooleeyaan, una daneeyaan maslaxadda Ummadda taagta daran ee mana-xayaashu dushooda qandaraasyada ku kala gadanayaan. Waxaan leenahay waa in la asturaa cawradeena bannaanka daadsan ee haweenka, carruurta, maatada, waayeelka ay qaarna qaxootiga ku yihiin daafaha caalamka kuna haystaan dhibaatooyin adduunyo kuwii ugu xumaa. Waxay luminayaan hadyigii diinteena Islaamka, waxay u dayacan yihiin xumaan oo idil. Waxaa looga bixi karaa dhibaatada taagan in la soo celiyo Amniga iyo Sharciga, la iskuna tanaasulo.

Waa in la yiraahdaa Maya Qorshaha Ciidamo shisheeye ee Ahmedou Ould-Abdallah; Good Bye Addis-Ababa; Good Bye Asmara. Haa Wadahadal iyo is-qancin, Caawin Dadka Dhibaataysan, Nabad iyo Nidaam wixii ka shaqaynaya ee Soomaali iyo Caalamkaba ah.

By: Abdiweli Hassan (abdihass55@hotmail.com)

Source

biyo Ooman iyo bulsha iiba!!

April 29, 2008 at 12:41 pm | Posted in maqal | Leave a comment
Tags: ,

Diiradda WC:- Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran= biyo Ooman iyo bulsha iiba!!

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay dadka badankiis u yaqaanaan Shariif Sakiin wuxuu masraxa siyaasadda Soomaaliya ka soo dhex muuqday bishii Sebtembar 2004 kadib markii uu ku guuleeystay tartankii doorashada Afhayeenka Baarlamaanka ee Mbagathi,Nairobi. Continue Reading biyo Ooman iyo bulsha iiba!!…

*Daba dhilif waashoow aduunyada warbaa yaal aakhirana waxbaa jira*

February 27, 2008 at 3:49 am | Posted in maqal | Leave a comment
Tags: ,

/ //waxaa la daabacay Wed 06 Feb 2008 11: 20: 02/
Mahad balaarina waxay u sugnaatay Allah unkay koonka, taagay Cirka tiir
la, aan nabad galyo iyo naxariisi Nabi Muhammad dushiisa ha ahaato.

Intaa ka dib maqaalkan la magacbaxay ?daba dhilif waashayoow aduunyada
warbaa yaal aakhirana waxbaa jira?, waxaan ku goffayn doona hadli
doonaa,badacsanaanta iyo dadnimo xummida dhamaan dabadhilifyada
soomaalida, mana jirto cid gooni ah ee aan ku bartilmaameedsanayo, ama
aan ula goleeyahay, waxaa intaa dheer daba dhilif iyo jaasuus ma,aha wax
iminka bilaabmaya ee waa wax soo jireen ah ilaa iyo aadam,maantana way
jiraan wayna jiri doonan .Hadaba waxaa iga afeef ah in aanan loo fahmin
si khalad ah ama ruux uunan si gooni ah iskugu qaloocin,maxaa yeelay
dabadhilif iyo jaasuus,qabiilkoodu waa qadada iyo xoogaga la siinayo oo
ay ku iibsanayaa diintooda iyo dalkooda.

Continue Reading *Daba dhilif waashoow aduunyada warbaa yaal aakhirana waxbaa jira*…

Next Page »

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.