Book-ga Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? oo dhameestiran

September 30, 2010 at 11:18 am | Posted in Quraan | 4 Comments
Tags:

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, waa Kitaab Xambarsan Taariikhihii Caalamka laga bilaabo Habka Koonka loo abuuray ilaa iyo sida u ku gabagaboobi doono Caalamka marka la gaaro Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda, taasoo macnaheedu yahay Kitaabka Qur’aanku waa Kitaab wax walba koobay wax uu ka tagayna ma jirto.

Qur’aanku waa Kalimadii Alle ee Mucjizada aheyd taasoo lagu soo dajiyay Nabigii ugu Dambeeyay Nabiyaasha ee Muxamad {Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee} ayadoo loo soo marsiiyay Amiirkii Malaaigta Jibriil. Continue Reading Book-ga Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? oo dhameestiran…

Masaariyad dhashay 7 Mantaano+Daawo

October 21, 2008 at 3:14 pm | Posted in mucjisoyinka | 11 Comments


Ghazala Khamis oo ah haweeney 27 jir una dhalatay Dalka Masar ayaa ayaa cisbitaal ku yaalo Magaalada Waqooyi ee Alexandria oo lagu magacaabo El-Shatbi Hospital ku dhashay 7 caruur mataano ah sabtidii lasoo dhaafey iyadoo mataanahaan ay afar yihiin wiilal halka sedexda kalena ay yihiin gabdho.

“Xaaladda caafimaad ee caruurtaan iyo hooyadood ayaa ah mid aad u fiican balse ay ku dhasheen miisaan aad u yar ” Waxay ku dhasheen 1.45kg illaa 2.80kg xaaladooda waa heer sare” sidaa waxaa wakaalada wararka AP u sheegay Dr Emad Darwish oo ah agaasimaha Hospitalka.

Dr Emad ayaa sidoo kale sheegay inuu uurkaan ahaa mid aad u cuslaa sidaas darteed ay sugi waayeen xilligii ay ku dhalasay waxayna soo hormariyeen bil iyadoo sidaasna lagu qalay maadaama ay dhibaato ku noqon laheed haweeneydaan inay caadi u dhasho, Dowladda Masar ayaa waxa kaliya oo ay u balan qaaday caruurtaan inay siinayso xafaayaddo iyo caano 2 sano oo kaliya balse ay tahay mid sii saacido doonto.

Mataanaha dhasho ayaa inta badan lagu arki jiray 3 illaa 4 iyadoo waliba ay adkeyd sida ay ku noolaadaan iyagoo caafimaad qabo, hadaba arintaan ayaa noqotay mucjiso layaab ah oo ka timid dhanka Alle, arintaan ayaa adduunka oo dhan indho ku hayeen shalay iyo maanta iyadoo laga yaaba in ay helaan qoyskaan gargaar dhaqaalo maadaama ay adagtay sida lagu koriyo mar 7 caruur ah oo mar qura wada dhashay.

ANNIKA IRMLER OO NOQOTAY GABADHA UGU CARAB DHEER DUNIDA

October 21, 2008 at 3:11 pm | Posted in mucjisoyinka | 1 Comment

Annika Irmler oo ah gabar u dhalatay Tangstedt oo ah tuulo ku dhaw Magaalada Hamburg ee dalka Germany ayaa loo caleemo saaray inay gabadha adduunka ugu carab dheer iyadoo carabkeeda dhirirkiisa uu noqday 70mm (7cm) Annika ayaa lagu qoray amaba lagu xaqiijiyay inay ugu carab dheertahay adduunka buuga lagu qoro dadka adduunka ugu mucjiso badan ee loo yaqaano Guinness World Records Book.

Saaxiibadeey badanaa waxay i dhahaan waxaad leedahay carab la yaab leh oo aad u dheer waana ogahay lacag badan ayaan ka sameyn doonaa maalin qura ayay tiri Annika oo u waramasay tv-ga ZDF ee laga daawo wadanka Germany sidoo sheegtay iyadoo hadalkeeda sii wadato ayaa waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay dadka ka aqrista amaba ka daawada adduunka meel kasta oo ay joogaan,


Maalintii iigu horeysay oo aan aado Dugsiga (School) waxaan banaanka soo dhigayay carabkeyga si ay u arkaan dhamaan ardayda iyo macalimiinta iyagoo aad ula yaabay ayna aamini waayeen inuu yahay carabkeyga saxda ah ayay tiri Annika.


Dhaqaatiirka wadanka Germany oo baaris caafimaad ku sameeyay gabadhaan ayaa waxay sheegeen inay macquul tahay inuu Innika carabkeeda uu labo jibaarmo maadaama ay sii koreyso da’deeduna ay tahay mid ka yar 20.

Naagta ugu luga dheer aduunka oo la kulantay ninka ugu yar dunida.

October 21, 2008 at 2:39 pm | Posted in mucjisoyinka | 2 Comments

Waxaa ku kulmay bartamaha magaalada London Hi Pinpin oo dhererkiisu yahay 73 cm una dhashay dalka China ayaa loo doortay ninka ugu jab yar adduunka, waxuuna la kulamayaa sida aad daawaneysaan haweeneyda ugu lugaha dheer caalamka oo lagu magacaabo Svetlana Pankratova waxayna gaarayaan dhererka lugaheeda ilaa iyo 132 cm oo dherer ahaan aad uga dheer mr Pimpimp oo istaagsan lugaha gabadhan hoosteeda waxaana sawiro looga qaaday iyagoo taagan Trafalgar Square oo ah bartamaha magaalada London iyadoo ay ka muuqatay farxad laga dareemayay wejiyada labadooda, waxaana sawiradan lagu soo daabici doono buugga Guinness World Record ee caalamiga waxaana iyadoo la lasoo xambaaray la weydiiyay sida uu u arko kulankan uula yeeshay gabadhan lugaheedu aadka u dheeryahiin waxuuna ku jawaabay inay u tahay farxad iyo reyn reyn iyadoo codkiisana laga dareemayay inuu yahay ruuxa adunka ugu yar.


Waxaa sidoo kale halkasi iyadoo aad u faraxsan ka hadashay Svetlana Pankratova oo ah gabadhan lugaheeda aadka u dheer yahiin oo iyadu isku tilmaamtay inay tahay boqorada lugaha adduunka maadaama lagu qorey buugga Guinness World Record.

HADDII AAD RABTO INAAD DAAWATO ISAGOO YOUTUBE AH RIIX HALKAAN

Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan

August 11, 2008 at 11:34 pm | Posted in maqal | 1 Comment
.

Maxaad kala socotaa xogta rasmiga ah ee baarlamaanka fadhiidka Baydhaba ku ah, waxaa macquul ah in dadka qaar ka dhowrayaan go’aan qaadasho iyo in kalsoonida kala laaban doonaan xukuumadda nabadda ee Nuur Cadde hor boodayo iyo iyadoo dhagaha dadku ay soo gaarayso warar duul duul ah oo ku saabsan in qilaaf ku kala dhex jiro Madaxweynaha iyo R/wasaaraha qilaafkaasoo soo bilaawday tan iyo markii calanka cad ee nabada uu qaatay Nuur Cadde.

Waxaa horey loola socday in Xukuumaddu qaaday talaabooyin horumar leh oo ay ka mid ahaayeen aadna loogu xasuustaa Sii deyntii duqowda dhaqanka ee Magaaladda Muqdisho iyo maxaabiis kaloo siyaasad iyo arimo dhaqaale raadinba ugu xirnaa dowladda.

Waxaa xigay oo sidoo kale lawada xasuustaa kulamadii dhiirashada lahaa oo ay la qaateen qaar kamida siyasiyiinta, culimadda, doqowda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee dhaliishan hab dhaqanka dowladda iyo siyaasadeeda qalafsan.

Continue Reading Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan…

Next Page »

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.