Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni”

August 11, 2008 at 10:42 pm | Posted in siyasada somalia | 5 Comments


In dhawaalaba waxay Soomaalida hadal hayeen khilaaf-ka soo ifbaxay ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlada federaalka Somalia ee Maleteriga Ethiopian ay ilaaliyaan, waana khilaaf u yara eg kii dhexmaray Prof geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf, waxayna shacabka Soamaalida is weyndiinayaan halka uu ku dambeyn doono Khilaafkaan ugub-ka ah ee u dhaxeeya Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf.

Hadaba, su’aasha ugu badan ee ay is weydiinayaan Soomaalida ayaa waxay tahay YAA GUULEYSAN DOONA NUUR CADE IYO CABDULAAHI YUUSUF? Jawaabta su’aashaan deg deg looguma jawaabi karo balse waxaa la tilmaami karaa waxyaabaha keeni kara labada Korneel in midkood uu ka guulaysto kan kale, anagoo dhinacyo badan waxka eegi doono Inshaa Allah, waxaana u kala qaadeynaa arimaha u Sahli kara midba mid kale inuu ka guuleyso waxyaabo badan sida qaab ciyaareedka siyaasadooda, Taageerida ay ka haystaan Qabaa’iladooda, Ethiopian iyo Beesha Caalamka.

Inta aana u gudo galin, arimahaas aan kor ku xusay, bal aan yara balbalaariyo waa dad ceynkee ah Nuur Cade iyo Cabdulaahi Yuusuf?. Marka hore Nuur Cade waa nin Korneel ah oo Qareen ah, misana u soo shaqeeyay hay’ada samafal mudo ku dhow labaatan sano, waana nin aan ka qayb qaadan dagaalada Ahliga ahaa oo ay isku xasuuqeen Soomaalida, waana nin nabada jecel oo shacab badan soo jiitay intuu xilka hayay. Dhan ka kale Cabdulaahi Yuusuf waa nin isna Korneel ah, oo mudooyin badan xabsi ku qaatay noloshiisa markii ay xireen Talisyadii Siyad bare iyo Mingiste, sidoo kale, waxa uu si weyn ugu qaybqaatay dagaalada sokeeye ee Soomaliya, isagoo ka qaybqaatay dagaalo badan, oo waxa uu ka soo cayaaray Lambarka 10aad, waxa uuna ku faanaa in uu yahay ninkii ugu horeeyay ee gaari Qori saaro (Tikniko). Xitaa waxaa laga hayaa inuu yiri waxaan ahay MAQUUSTE, Cabdulaahi Yuusuf waa nin jecel meesha uu xukumaayo inuu ka dhigo Nabad sida Soomaalida ay ogyihiin nabada Puntland isaga ayaa saldhigay inakstoo inta uu xukunkaasi wareejiyay madmadow badan soo galay Nabadii Puntland taasoo dad reer Punlanad ay ku sheegeen jaleeca Hogaanka Punland ee haatan.

Continue Reading Yaa guuleysan-doona Yuusuf iyo Nur Cade?”Faallo uu Qorey wariye Saxnuuni”…

Jaaliyadda & Howlwadeenada safaarada Soomaalida Ruushka oo eedeyn kulul u jeediyey safiirka dowladda federaalka

July 26, 2008 at 10:00 pm | Posted in siyasada somalia | 8 Comments
Tags: ,


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ruushka ayaa si ba’an ugu eedeynaya Maxed Maxuud Xandule oo ah safiirka dowladda federaalka u fadhiya dalka magaalada Moscow ee Ruushka arrimo la xiriir musuqmaasuq iyo ku takri fal awooda dowliga ah, oo uu u adeegsaday dano gaar ahaaneed, waxeyna sidoo kale ku dhaliileen Xandule in uu dadka Soomaaliyeed kula dhaqmo hanaan qabyaaladeed, isagoo dhismaha safaaradana ka dhigay xafiis uu shaqsi u leeyahay

Dadka dhaliilaya Xandule ma ahan oo keliya Jaaliyada, sidoo kale waxaa dhaliil taas la mid ah u soo jeedinaya qaar ka mid ah howlwadeenada safaarada, waxaana howlwadeenadu ku eedeeyeen qodobada hoos ku qoran:-

1) In ay safaaradda Somaliya ee Russia noqotay hanti gaar ah.

2) In safaarada aanan laga aqoosanayn Midnmada iyo Qaranimada Soomaliyeed.

3) In Pass-porka Somaaliga la siiyo ajnabi loona diido Soomalidii xaqa u lahayd.

4) In dadka la siiyay Somali Diplomatic Pass-port ay ka badan yihiin inta Ka shaqeyso Wasaaradda Ar. Debeddda Somalia, kana yimaadeen hal Jufo oo kaliya.

5) In guryihii safaaradda Somalia loo adeegsaday qaab ka baxsan Diplomaaasiyadda.

6) in safaaraddu ey kala qeybisay jaaliyadda Soomaliyeed ee Ruushka, loona diido Safaaradda marka laga reebo hal jufo.

7) In dakhliga safaaradda oo ka badan miisaaniyadda Dowladda FKMG, kana yimid ilo Guracan loo adeegsado kala qeybinta iyo Sharaf dilka Sooaamlida.

8) In been-abbuur laga sameeyo qof-kasta, xitaa madaxda Somaliya iyo Arr. Somalia.

9) In balan qaadyo been-abuur ah oo hanti gelin ah dadka qaar loo sheego.

10) In waxbarashada aan loo sinayn, xitaa jiraan in dad Ajnabi ah ey magaca Somaliya Wax ku bartaan.

11) In ceebeyn Joogto ah loogu geysto safaaradda dadka Somalida iyo dalkooda.

Source:-

Chanel4 Tv oo soo bandhigaya fadeexadaha Jen Darwiish,Jen Axmed Taajir iyo Gacmodheere,daawo sawiro hordhaca

May 26, 2008 at 10:48 pm | Posted in siyasada somalia | 4 Comments

Telefishinka Chanel4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa 24-ka saac ee soo socda 8 Fiidnimo saacada UK wuxuu bilaabayaa baahinta Ducoments film ah oo laga sameeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federalka oo heysta dhalashada British-ka ,kuna kacay tacadiyo ka baxsan xaquuqul insaanka.

Telefishinka wuxuu soo bandhigayaa guryaha ay ku nool yihiin sedexda hogaamiyeyaal oo ka mida ragga ku eedeysan ku lug lahaansho fal dimbiyeedyo dagaal.

Taliyaha Nabadsugida ee dowlada Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayuu telefishinka baahin doonaa muuqaalkiisa,muuqaalka guriga uu ka degan yahay Ingiriiska iyo weliba cadeeymo la xiriira in weli qoyskiisa qaataan lacagaha Ceeyrta loo yaqaan ee la siiyo dadka danyarta.

// –>

Muuqaalkaani waa gurigga Jeneral Darwiish ee ay ku nool yihiin qoyskiisa qaata lacagaha danyarta Dalka Ingiriiska gaar ahaan Leicester

Telefishinka Chanel4 waxaa uu sidoo kale soo bandhigayaa muuqaalka taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Xaashi Taajir oo isagana ku nool dalka Ingiriiska,wuxuuna muuqaalkiisa u adeegsan doonaa qaabkii uu ku degay UK iyo hoowlahii uu ka fuliyay Soomaaliya.

// –>
// –>
Maxamed Maxamud Gacmo dheere oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowlada Federalka oo isagana heysta dhalashada Ingiriiska ayaa noqonaya ninka sedexaad ee barnaamijka ugu horeeya lagu falanqeyn doono.

Sedexda Hogaamiye ee ka tirsan dowlada Federalka Cabdulahi Yusuf waxaa ducomentiyadooda u dhigma fadeexada heer dacwadeed dimbiyo dagaal hareer socda,Wareysiyo ay bixinayaan dad Soomaaliya oo qaarkood ka badbaaday xasuuqa ka socda dalka.

Dadkaas waxaa ka mida hooyo iyo wiilkeed wata raajo muujineysa xabada halka ay kaga jirto.

Inkastoo Barnaamijka la magacbaxay Dagaal Oogayaasha Soomaaliya waxay ku nool yihiin albaabka ku xiga lagu soo qaadan doono rag ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta hadana wuxuu wejiga hore naxdin gelinayaa Jeneral Maxamed Warsame Darwiish oo safka hore uga jira ragga ku eedeysan xasuuq dad rayida iyo jirdil ka baxsan xaquuqul insaanka

Somali Warlords are next door to you

May 24, 2008 at 5:51 pm | Posted in siyasada somalia | Leave a comment

Warbaahinta Ingiriiska oo qorsheyneysa inay baahiso barnaamij “Somali Warlords are next door to you”

Warar hoosaadyo laga helayo qaar ka mida Warbaahinta madaxa banaan ee dalka Ingiriiska ayaa sheegayo inay qorsheeynayaan baahinta barnaamij xasaasiya oo lagu iftiiminaya hogaamiyeyaal ka tirsan labada garab ee Somaliya ku dagaalamaya kuwaas oo heysta dhalashada Britishka sidoo kalana qaato lacagaha Ceyrta sida ,Qoysaska aan shaqada heysan,Cuuryaannimada,waayeelnimada iyo Caruurta.

Barnaamijkaan oo loogu magacdaray “Somali Warlords are next door to you”ayey wararku sheegayaan inuu baahin doono mid ka mida telefishinada ugu afka dheer dalka UK,isagoo warbixintiisa kaga faa-iideysanayo muuqaalo uu hore u helay iyo kuwa cusub oo ka turjumayo shaqsiyaadka ka mida dagaal oogayaasha Soomaaliya ee heysta dhalashada Britishka,sidoo kalana weliba aanan xilalkooda siyaasadeed ka diiwaangelinta laanta Ceyr bixinta ee UK.

“Somali Warlords are next door to you” oo macnaheedu tahay”Dagaal oogayaasha waxay ku nool yihiin albaabka idinku dhegan” waxay ka dhigan tahay fariin siyaasadeed shacabka UK lagu dareen gelinayo,maadama micnahu tahay ,Dagaal Oogayaasha garabyada Soomaaliya waxay ku nool yihiin Ceeyrta Ingiriiska,waxayna heystaan dhalasho Britishka,sidaas daraadeed waxay wax ka degan yihiin Dalka UK.

Inkastoo hadii Barnaamijkaan si rasmiya loo faafiyo uu noqon karo mid xiisad abuuro oo ay ku baraarugaan shacabka Ingiriiska hadana wuxuu muhiimad gaara yeelan karaa hadii ay helaan films muujinayo madaxda ka tirsan dowlada federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta inay weli qaataan Ceeyr.

Si kastaba ha ahaatee,Dhalashada Ingiriiska waxaa heysta madax sare oo ka tirsan dowlada Federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta,waxaana ka mida Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Col Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde),Taliyaha Ciidamadda Nabadsugida Federalka Jeneral Maxamed Warsame Darwiish,Wasiirka Arrimaha gudaha ee Federalka Mudane Muusse Nuur Amiin,Wasiirka Hoowlaha guud iyo guryeynta Mudane Nuur Iidoow Beeyle,Wasiirka beeraha Mustafe Dhuxuloow,Taliye ku xigeenka boliiska Soomaaliyeed Jeneral Axmed Taajir,Afhayeenka Madaxweynaha Dowlada Federalka Xuseen Xuubsireed,Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Maxamed Maxamud Gacmodheere,Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta ahna madaxa ergada wada hadalada Jabuuti Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur,Sakariye Maxamud Xaaji Gudoomiye ku xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta, Mohamed Axmed Nuur “Tarzan” Xoghayaha Xafiiska Qorsheynta iyo Tababarada Isbaheysiga dib u xoreynta,Maxamed Cabdi Yusuf xubin sare oo ka mida golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta iyo weliba hogaamiyeyaal kale oo badan kana tirsan labada garab.

Source

Hadal macaan hawl ma ku dari karaa?

February 23, 2008 at 7:07 pm | Posted in siyasada somalia | 2 Comments

Nuur Xasan Xuseen (N Cadde) waa nin ku cusub masrixiyadda dhiiqada badan ee siyaasadda Soomaaliya laakiin waa ka hadal duwan yahay raggii hore ee siyaasadda ku jiray iyo kuwa hadda joogaba.

Waa nin hadalkiisu macaan yahay oo si xirfadeysan isku dayaya inuu qanciyo qofkii wax weydiiya wariye ha ahaado ama qof iska caadi ah oo bulshada ka mid ah.

Maalmihii hore waxuu u ekaa nin hadalka googoobaya oo aftahanimadu ka maroortay laakiin aragti taas ka duwan ayaa ka muuqata marka la qiimeeyo wareysiyadii ugu danbeeyey ee uu bixiyey.

Astaan dhaqameedka ka muuqda Nuur Cadde ee ah in shacabka maskaxdooda iyo qalbigooda la kasbado oo leys jecleysiiyo waa qodob muhiim u ah doorka siyaasadeed ee hogaamiye kasta.

Nasiibdarro waa qodob ay dhinac mareen oo ka habaabeen C/lahi Yusuf iyo ninkii wasiirka koowaad soo maray Cali M Geddi.

Dhaqankan toosan ee hadalka qaboow iyo beerjileecsiga shacabka een weliba lagu degdegayn jawaabaha ee la iska jirayo middi ku taag middi kale waa qodob aasaasi u ah siyaasadaha hufan ee waxtarka leh laakiin siyaasi kasta ma gaari karo inuu adeegsado.

Tusaale ahaan maalin dhow ayey telefishanka Universal waxey isku ku soo akhriyeenba, waxey xaruntooda keeneen markii ugu horeysay C/lahi Yusuf oo in muddo ah cusbitaal uga jiray wadamada dibedda laakiin aan xogtiisa dhabta ah ee caafimaad si sax ah loo ogeyn maadaama uu marna gelayo marna laga saarayo cusbitaalka.

Wareysigii Universal aan u soo noqonee, Inkastoo sidiisaba dhibaato ka heysato C/laahi Yusuf xagga hadalka oo ay ku adagtahay sida uu iskugu toostoosiyo isagoo xiriir ah ayuu dhab ahaan xoogga saaray inuu yiraahdo hadal qaboow oo aan weligii laga maqal.

Wuxuu xitaa isku dayey inuu saadaaliyo hawlaha culus ee dowladnimo ku saleysan tahay, sidii isagoo riyoonaya oon ogeyn in caasimaddii wadanku gubaneyso, Jubada hoose gacantiisa ka maqan tahay, Garowe iyo Boosaaso qalalaaso joogto u noqdeen, deegaanka Laascaano dagaal qarka u saran yahay ayuu tibaaxay jidad baan dhiseynaa, dugsiyadii baan fureynaa, hawlihii aasaasiga u ahaa bulshada ayeynnu soo celin doonaa iwm. Waxaad mooddaa in qof kale oo warka u meerinaya uu dhiniciisa kale joogo maadaama uu hadba dhinacaas eegayo sidii inuu tilmaan qish ah qaadanayo.

Xoogaa markuu toosnaa illeen waa nin aan wax wanaagsan in badan kuba hadline ayuu la kala baxay wasakhdii afkiisu bartay isagoo leh: Anigu waa idin daawan jiray marwalba, weligiin beenaaleyaal baad aheydeen, laakiin markan hadaad bedeshaan dhaqankiinnii waa soo dhoweyneynaa! Hadalka iigu yaabka badnaa wuxuu ahaa “ waxaa leydinka doonayaa inaad Soomaali u dhaxeysaan” taas soow looma qaadan karo qabiillo ayaa Soomaaliya isku hayee haw kala eexanina? Maxey tahay Soomaalida dhexdhexaadka laga noqonayo ( dib uga dhageyso internetka haddii aadan rumeysan) Maxaa masiirka nin madaxweyne sheeganaya ka dhigay dabagalka wararka idaacad dibedda ka dhisan iyo wargeys waxa uu qoro? Hadalkii qaboobaa iyo qosolkii iska doondoonka ahaa waxaa nasakhay intaas.

Nuur Cadde dad badan ayaa ka maqsuuday hadaladiisa wanaagsan runtiina waa nin waayo aragnimo in ku fillan soo maray, hayeeshee waxaa la isweydiinayaa ficil ma ku dari karaa? Wuxuu ku dhiiraday inuu yiraahdo Itoobiya khasab ayey ku tegeysaa haddii aan isku duubanahay, waa hadal meel fog u dhacaya qofkii nuxurkiisa gartay.

Astaamaha kale oo qofka kalsoonida iyo daacadda qaba lagu garto waxaa ka mid ah inuu diido ammaan beeneedka munaafaqadda loo yiraahdo, dhowr qof oo la damcay amaan uunan muteysan Nuur cadde waa iska leexiyey.

Taasi waa arrin aad uga duwan astaanta liidata ee ka muuqatay Cali M Geeddi mar uu la hadlay dad internetka isku ballansada oo isku sheega taageerayaasha dowladda.

Qof dumar ah oo xiriirisa wararka bartaas ayaa amaan ka badbadis ah oo caruurta xitaa aan loo hoos gelin Karin ku dhoobtay Cali Geeddi isna iskama uusan qabane waa u riyaaqay oo weliba ilmo ku soo istaagtay oo hingooday, waa is cajabiyey oo dhulka meeluu isdhigo ayuu waayey.

Qofkaas dumarka ah waxey leedahay adigoo kale nama soo marin waxaad tahay mutacallim PHD heysta? Hadde, Cali Phd ma heystee ogaada, iskama qabane qosolbuu ku ansixiyey, waxey tiri waxaad tahay Geesi, halyey, wadani shaqo badan.

Miyuunan islaheyn Cali Geeddi dad wax uun caqli ah ku haray ayaa ku maqli doona? Waxa keliya ee Cali Geeddi uu xariifka ku yahay hadaan la dafireyn waa dhaqaalo raadin iyo dabadhilifnimo la isdhiibo iyadoon waxba lala hareyn.

Taariikhda Cali Geeddi marka laga sheekeeynayo ayaa dad badan ka boodaan in Cali M Geeddi ahaa mid ka mid ah gacanyarayaashii Cali Mahdi! Dagaalkii ahliga ahaa ee Xamar lagu riiqmay Cali Geeddi wuxuu ka mid ahaa gacanyarayaasha firfircoon ee Cali Mahdi.

Mar wuxuu u qaabilsanaa saadka, marna taakuleynta ciidamada.

Markii dibuheshiisiinta loo aaday addisababa horaantii 1992 wuxuu ahaa la taliye aan ka harin Cali Mahdi.

Taas soow ma caddeyneyso inuu si toos ah uga qeybgalay dagaalkii sokeeye ee sii fogeeyey xalka Soomaaliya? In siyaasad wax la yiraahdo aysan Soomaaliya ka jirin waxaa kuu caddeyneysa in Cali M Geeddi weli isku heysto nin door muhiim ah ku leh hogaanka siyaasadda ee Soomaaliya oo ay jiraan dad badan oo u coddeyn doona haddii doorasho dhacdo.

Waa sheeko maroorta, mawjadihii isjiiray maraakiib baa hafatee yaa maroosin u tuura?

Biyadhaca maqaalku waxa weeye: Nuur Cadde hadal wanaagsan oo soo jiitay bulsho u hamuun qabta hogaan cadaalad ku dhisan hawada u mariye hawl ma ku dari karaa? Taniyo intii la magacaabay wuxuu u dhexeeyey Nuur Cadde Baydhabo, Nayrobi iyo Addis ee caasimadda maata dooxatadu degtay ma tagi karaa? Mooryaanta dharka booliiska dadka ku leyneysa kuna dhaceysa ma ka dulqaadi karaa? Gudoomiyaha Gobolka ee aan horumarka sameyn muddo halsano ah inuu dad laayo mooyee shaqada ma ka bedeli karaa? Nabadsugidda aan nabadda sugeyn wax nabadda suga ma ku bedeli karaa? Wariyeyaasha la iska xirxirayo ammaankooda ma dhowri karaa? Idaacadaha afka la qabtay ma xorreyn karaa? Dadkii baro kacay guryohooda ma ku soo celin karaa isagoo ammaan u ballanqaadaya? Nuur Cadde hawl ma gudan karaa? Hadduu intaas yeelo wasiir koowaad dhab ah iga dheh haddii kale wasiir koowaad magaciis waa ba’ay.

Next Page »

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.