Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan

August 11, 2008 at 11:34 pm | Posted in maqal | 1 Comment
.

Maxaad kala socotaa xogta rasmiga ah ee baarlamaanka fadhiidka Baydhaba ku ah, waxaa macquul ah in dadka qaar ka dhowrayaan go’aan qaadasho iyo in kalsoonida kala laaban doonaan xukuumadda nabadda ee Nuur Cadde hor boodayo iyo iyadoo dhagaha dadku ay soo gaarayso warar duul duul ah oo ku saabsan in qilaaf ku kala dhex jiro Madaxweynaha iyo R/wasaaraha qilaafkaasoo soo bilaawday tan iyo markii calanka cad ee nabada uu qaatay Nuur Cadde.

Waxaa horey loola socday in Xukuumaddu qaaday talaabooyin horumar leh oo ay ka mid ahaayeen aadna loogu xasuustaa Sii deyntii duqowda dhaqanka ee Magaaladda Muqdisho iyo maxaabiis kaloo siyaasad iyo arimo dhaqaale raadinba ugu xirnaa dowladda.

Waxaa xigay oo sidoo kale lawada xasuustaa kulamadii dhiirashada lahaa oo ay la qaateen qaar kamida siyasiyiinta, culimadda, doqowda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee dhaliishan hab dhaqanka dowladda iyo siyaasadeeda qalafsan.

Continue Reading Xogta Baarlamaanka iyo Xaaladda Xukuumadda, Nabadda Nuur Cadde iyo nacabka hortaagan…

Xasan Waraabacade Oo Weerar Ku Qaaday Qaban qaabiyaasha Tartamada Kala Maseyrka Ee Somali Yurub.

July 26, 2008 at 9:07 pm | Posted in maqal | 1 Comment

Anigoo tixraacaya maqaalo dhawaan lagu faafiyay saxaafada ee ka hadlayay in tartamada xagaaga ee somalida lagu casuumo cayaartooydii hore ee ku nool haatan wadamada Europe iyo Amerika hadaba cayaartooydaas ka imanaaysa wadamadan waxaay ku noolyihiin nolol aad u wanaagsan oo aanay marnaba aad u tabeeyn waxyaabaha loogu yeerayo oon dhaafsiisnaayn casuumad iyo dalxiis iyo aragti saaxiibadiisii hore qaarkood inta badanina waxaayba u tahay fasixii sanadka oo aay ku qaadanayaan cayaarahaasi mana xuma.Waxaa kaloo dhacda in cayaartooydaasi hore aan sidaa lagu daayn ee hadana loo sameeyo soo dhaweeyn iyo sagootin lacag badani ku baxdo.


Continue Reading Xasan Waraabacade Oo Weerar Ku Qaaday Qaban qaabiyaasha Tartamada Kala Maseyrka Ee Somali Yurub….

Weriyeyaal iyo Fanaaniin ka hadlay taariikhda Cabdalla Nuuradiin Axmed+daawo sawiro.

July 26, 2008 at 8:59 pm | Posted in Taariikh nololeedka fananinta | Leave a comment
Tags:

Fanaanka weyn ee Cumar Shooli ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka tegay Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed,wuxuuna Cumar Shooli xusay in Ustaad Cabdalla uu ka dhignaa qabiir ku xeeldheer,dhinacyada Diinta,Hal abuurka Suugaanta iyo Saxaafadda.

“ Heesaha aan qaado intooda badan Abwaan Cabdalla ayaa hal abuuray,DOOQAGU WUXUU RABO KOLAAN DEYNBA KUU GALO WELI DIIDAY KUMA ORAN,NAFYAHEEY WADAAD IYO WELIGII LA SHEEGABA,ayaa ka mida heesaha uu sameeyay”ayuu yiri Shooli.

Al-Fanaan Shamaali Axmed Shamaali oo isagana fanka dhawaan ka fariistay ayaa tacsi u diray Marxuum Cabdalla Nuuradiin Axmed,wuxuuna sheegay inuu soo bixitaankiisii fanka gacan weyn ku lahaa.

“Ustaad Cabdallah waxaan leeyahay allaha u naxariisto,heesaha uu sameeyay ee aan soo qaaday waxaa ka mida,Fadumooy Jaceylkaan,Amran waxay ku nooshahay agagaarka ceelgaab iyo lix hees oo kale”ayuu yiri Shamaali oo ka gaabsanayay ka sheekeynta fanka ama xasuustiisii faneed.

Fanaanada weyn ee codkeeda aadka loo jecel yahay Raxmo Ruuxi,dadkana ay kala garan waayeen codkeeda iyo kii boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Magool ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Marxuum Cabdalla Nuuradiin waxayna Nuuradiin ku sifeeysay hal abuure,xasuus ku leh bahda Fanka iyo Saxaafadda Soomaaliyeed.

Fartuun Axmed Fergenli(Birimo) iyo Saciido Cali (Shiino) ayaa tacsi gaara u diray dhamaan fanaaniinta iyo Saxaafadda Soomaaliya waxayna Cabdalla Nuuradiin ilaah uga baryeen Janatu Fardowsa.

“Hal abuurka Cabdalla Nuuradiin aad ayaan u jeclaa,waxaana ugu jeclahay hees uu qaadi jiray allaha u naxariistee Beer dilaacshe,waa heesta,Ruux dhimasho joogaa,ileen looma dheeloo,dhaanta looma celiyee” ayey tiri Fanaanada Saciido Shiino oo la hadleysay Warbaahinta Waagacusub.

“ Heesaha Cabdalla Nuuradiin uu hal abuuray oo dhan waan jeclaa laakiin aniga waxaan si gaara u xiiseeyaa heesaha uu qaadi jiray Cabduqadir Sanka sida Markey socoto laafyaha sinta kama dhaqaaqdo,Sahro Ceeblaay,Xaasidkana dheg hoow dhigin,waa xumaato badanyee”ayey tiri Fartuun Birimo oo la hadashay Warbaahinta Waagacusub.

“ Cabdalla Nuuradiin waxaan u aqaanay hal abuure ku xeeldheer arrimaha bulshada iyo Diinta,waxaan xasuusteyda ka go’ayn sheeko uu qoray 1994 oo la magac baxday ANIGA IYO JACEYL? “Maxaa tii aan maagaba loo mehersadaa” waxay ahayd qiso dhaba oo ku dhacday,hade kaalintiisii Saxaafadana aad ayaa loo xasuustaa”sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow oo tacsi heer Qaran u diray dhamaan,Bahda Fanka,Saxaafadda iyo ehelada iyo qaraabadii uu ka tegay.

Continue Reading Weriyeyaal iyo Fanaaniin ka hadlay taariikhda Cabdalla Nuuradiin Axmed+daawo sawiro….

Allaha unaxariistee Wariye Abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo Muqdisho ku geeryooday .

July 26, 2008 at 8:42 pm | Posted in Taariikh nololeedka fananinta | 2 Comments
Tags:

Waxaa galabtey ku geeryooday magalada muqdisho Wariye Abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo ahaa wariye iyo abwaan si ween laga yaqaan guud ahaan dalka soomaaliya mudo badana ka soo shaqeeyay saxaafada iyo fankaba Cabdalla Nuura diin Axmed waxaa lagu xasuusta ama lagu yaqiiney in uu ahaa nin abwaan ahan oo bulshada soomaaliyed ay si ween u jacleed sidoo kale waxaan marnaba aan la ilaabi karin doorki uu ku lahaa fanka soomaalida intuu noola cabdale wax uu ahaa madaale dadka iyo dalka soomaaliya u shaqeeyayay hadaba maantey ayuu ku geeryooday magaakada muqdisho abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed .
Sida ay inoo xaqiijisay Sabiila Nuuraddiin Axmed oo la dhalatay marxuumka waxaa uu u geeriyooday Cabdalla Nuuradiin Axmed xanuun ku soo booday xili uu Magaalada dhex marayey ..
Continue Reading Allaha unaxariistee Wariye Abwaan Cabdalla Nuura diin Axmed oo Muqdisho ku geeryooday ….

Allaha unaxariistee Al-Fanaan Xasan Diiriye Faarax oo geeriyooday.

July 26, 2008 at 8:35 pm | Posted in Taariikh nololeedka fananinta | Leave a comment
Tags:

Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Xasan Diiriye Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Kuwait sida uu Saxaafadda u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Saleebaan Xasan Diiriye.

“ Allaha u naxariisto Aabe Xasan Diiriye wuu geeriyooday,wuxuuna u geeriyooday xanuun uu mudo la liitay oo lagu daweynayay dalkaan Kuwait”ayuu yiri Saleebaan Xasan Diiriye.

Continue Reading Allaha unaxariistee Al-Fanaan Xasan Diiriye Faarax oo geeriyooday….

Next Page »

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.