Isku Diyaari Guurka.

May 21, 2008 at 10:44 am | Posted in Uncategorized | 3 Comments
Tags: ,

ilaah subxaanahu watacaalaa wuxuu banii aadamka ka abuuray lab iyo dhadig sida aanu ognahay wuxuuna dhex dhigay damac ay isku qabaan iskuna xushaan, waana mid muhiim ah oo u horseedeysa in ay unkaan mustaqbal iyo guri lagu dhisay ilaah dartiis .

ilaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu qur,aankiisa noogu sheegay in uu jacayl iyo naxariis dhex dhigay labada ruux ee is qaba, mararka qaar dadka waxay is weydiiyaan sababta ay ku dhacady in qoys dhan oo dhisnaa uu burburo, markaad si u eegto waa arrin dhici karta si kastaba haku noqotee dhinaca kalana inkasta oo uu calafku iska jiro meelna ka bilowdo meelna ku egyahay hadana guri sida lagu dhiso wey adagtahay laakiin si loo burburiyo way fududahay.

Unkidda qoyska ayaa waxay u baahan tahay ka baaraan degid dheer iyo u soo marid wadooyin dhaadheer oo aad ku soo xeyn daabeyso wax walba oo dhibaato iyo kala tag ku abuuri kara qoyska

Xilligan waxaynu joognaa run ahaantii xilli ilbaxnimo ah oo aan sinaba loola mid dhigi Karin xiligii hore oo hablaha iyagoo 12 jir ah lagu dari jiray oday lixdan jir ah oo aysan aqoon xoolan looga qaatay.

Xitaa xiligaas gabadha 12_jirka ah caruur bey ahayd mana lahayn ilbaxnimada iyo wax garashada ay dhinaca guurka ka leeyihiin gabdhaha da,dooda ah ee haatan jooga , hablihii hore waxay iska ahaayeen kuwo iska reer miyi ah oo aan go,aanka reerkooda maahee mid u gooni ah qaadan jirin taasna waxay u sababi jirtay in halka waalidka ay u qorsheeyaan ay un iska raacaan.

Waalidiintii hore ma aysan tixgelin jirin dooqa iyo rabitaanka caruurtooda, mana caado u lahayn in gabar qaan gaar ah ay guriga u joogto oo Markey gabadha gashaanti noqotaba horay baa loogu guurin jiray.

Labada waalid ee wiilka iyo gabadha ayaa un mar mar isku doona labada qof taasoo is fahan darro u keenaya qoyskii cusbaa ee hadda la unkay natiijadiisuna noqoto eber.

Marka waalidiintu isku doonaan labada caruur leysna siiyo, waxaa dhacda in iyagoo aan waxba ka ogeyn la qaban qaabiyo aroos arrintana loo sheego habeenka guri geynta oo keliya.

Waa marka ay labadaba da, yar yihiine, waxay galaan guri mugdi ah, cabsi badan oo aan midkoodna niyad fiican u lahayn,wiilkii baa mararka qaar isku daya gabadhii oo cabsi saa,id ah ku jirta oo difaac nafsiyadeed gashay in uu xoog wax uga dhaadhiciyo taasoo gabadhana ayba qalad u aragto in ninkeeda cusub ee micnaha guriga loogu geeyay aysan aqoon uu gareyskeeda far saaro taasna is faham waa ayay ka dhex dhalisaa labadooda.

Ma jirin in gabadha caynkaas ah ay horay hooyadeed waanooyin iyo talooyin cusub ka siisay gurigeeda cusub waa un waqtiga haku baro.

Marka lag soo tago labda qof ee iyagoo da, yar ay waalidiinta un isa siiyeen, aanu u imaanno gabadha lagu daray 60 jir xoolo laga qaatay, kaas baa gaabdha ugu sii cabsi badan inta badanna wey ka carartaa oo gees xir noqotaa.

Raggii hore haweenka umay turi jirin oo wey garaaci jireen qaar baana nafta kaga qaadi jiray, intaas oo dhanna dhaqamo kala duwan ayay ahayd oo guurku uu lahaa .

waxaa Guurku uu soo maray marxalado kala duwan oo bulsho weynta soomaalida ay qolaba si u qabanqaabiso.

waxaa jirta in marka ninku gabadha la siiyo , uu geysto meel banaan ah, waa leysku soo baxayaa gabadhii buu geed ku xirxirayaa ka dibna wuu garaacayaa taasoo micnaheedu yahay in isaga la siiyay ayna u sugyeso in uu guri geysto oo keliya.

hebel heblaayo ayuu garaacday baa la leeyahay markaas.

Waxaa jirtay oo caadooyinka soomaalida ka mid ahaa in caruurta isla dhashay sida ilmo adeerrada iyo ilmo abtiyaasha la isku guuryo taasoo ay ugu xilanayeen waalidiinta arrimo dhowr ah oo iyaga u khaas ahaa.

Tusaale ahaan in xidid iyo walaaltinimo la isku darsado iyo in gabadha ay wiil walaalkeed ah u guri gasho laakiin taas aanu eegno xitaa iyada dhibka ay lahayd oo ilaa iyo haatan ay soomaalida badankeed ku dhaqanto.

Waa mida koowaade, horay soomaali u tiri (ilko iyo carab baa isugu dhow weyna is qoomaan)

Maahmaahdaasi qiimaha badan iyo mid kaloo oraneysa dad is jecel wax isugu dar iyagaa is nacayee ayaa horta soo ifbaxaysa , waxaa isku xumaanaya waalid, waxaa isku xumaanaya walaalo hadaaye isku dugaashanayay, dhibaatooyin intaa ka badan ayaana ka soo ifbaxaya.

Si kastaba guurkii hore iyo dhaqamadii soomaalida ay lahayd kuma uusan dhisneyn dooqa labada is guursanaya , nolol dhadhan lehna halkaasi ma oolin balse haatan waxynu joognaa

xilli qof walbaba uu wax ka fahmay nolosha qiimaheedana yaqaanno.

Waxaa badanaa nasiib loo yeeshaa in la hanto qof aad ku qanacsantahay oo cidina kugu qasbin laakiin halkii loo baahnaa guurkaas isaga xitaa ma maraa?

Haa wa la oran karaa haduu jiro guur si wanaagsan ku dhisma oo qoysku wanaag, naxariis iyo jacayl ku dhisan yahayna waa sidii la raby.

Laakiin hadiiba uu jiro guur markiisii hore jacyl lagu soo dhisay dib dambana ka burburay waxaa guurkaasi uu ka xumaaday aasaaska hore wax bilow ka xumaadana lagama rajeynayo dib in ay ka wanaagsanaadaan.

Waa mida koowaade, waxaa la isku soo guursady jacyl ku soo booddo iyo xiiso aan melba gaarsiisneyn ku dhisnaa , gurigii baa la yimid oo qoys baa la unkay, waxaa la gaaray hadafkii la lahaa hamuuntii iyo xiisihii baa dhamaaday maxaa isku soo haraya?

Wejiyo aan is rabin kala xiiso dhacy iskuna dhib qaba, waxaa imaaneysa markuu ninku shaqada ado xaaska in ay leyr qabow soo marto iga bax kan baanba nacaye, iyo ninkii oo buuqa xaaskiisa ka aada dibadda saq dhexena inta yimaada ka seexda.

Gurigii jacayl been beenta lagu soo dhisay baa isku badalaya guri nacayb uu hareeyay oo la isku qeyliyo, la isku buuqo naxariistuna ka fogtahay ka dibna horseeda furiin.

Markii hore wanaagsanaan lahaydaa in laga fiirsado intaan la falin, loo deymo qabi lahaayaa in guurku yahay wax culus mas,uuliaydna ay ku fuuleyso loona baahan yahay in aad ka soo baxdo taas ma aysan dhicin ee balaayaa ka adeegtay gurigii.

Dhalinta hadda soo kacaysa ee guurdoonka ah bal u fiirsada guurka, raadsada qof macquul ah oo idinla fahma mas,uuliyadda guurka, guursada qof aad u heysaan jacyl aan dhamaaneyn weligiis markaas waxaad awoodaan in aad ugu dul qaadataan qaladaadka yar yar ee ka dhaca.

Gurigaad dhiseysaan isu diyaariya kana dhiga mid qurux badan oo ay ka guuxayaan mowjado cishqi iyo kalgacayl, haka dhigina mid la isku kiraaheysto taasna ma aha hadfka qof walba uu uga soo tegay gurigii uu ku soo barbaaray.

Wiilku ha noqdo mid xaaskiisa dhan walba ka raalli geliya u muujiya dabacsanaan, naxariis iyo tixgelin dheeraad ah, ha u noqdo mid daacad ah una sheegta hadba xaaladiisa halka ay mareyso.

Gabadha ha u noqoto seygeeda hooyadiis oo kale, sababtoo ah ninku markuu ka soo tago hooyadiis wuxuu tabayaa hagar la,aanta ay wax ugu qaban jirtay, jacaylkii iyo naxariistii ay u heyn jirtay, hiilkii ay ula dul taagneyd laakiin hadii loogu badalo qeylo joogto ah aad buu isu ciilayaa ugana qoomameynayaa, gabdhow garta mas,uuliyadda idinka saaran seygiinna , soo dhoweysta qaraabadiisa, saxiibadiisa iyo intuu jecelyahayba una xaqdhowra si saa,id ah kana amar qaata.

Waxaa wanaagsan in labada dhinac ay sidaa ku dhaqmaan una arkaan guurka in uu yahay shey qaali ah oo wanaagsan laguna gaaro hadafka nolosha.

Waxaan ku soo koobayaa maqaalkeygan walaalahay muslimiinta ahow aan ku dhaqanno wixii nala faray ee wanaag ah aana noqonno dad daacad ah oo ilaah dartiis wax isugu sheega.

Faadumo Macallin Abuukar(faadumoruush)
Email:
faadumoruush@hotmail.com
Tel:+254_728917621

February 22, 2008 at 3:57 pm | Posted in Uncategorized | Leave a comment

Safiirka Somaliya ee Indonesia oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaas+Sawiro

Jakarta,22/02/2008 febaury Waagacusub.com

SAFIIRKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA EE INDONESIA OO LA KULMAY MADAXWEYNE KU-XIGEENKA WADANKA INDONESIA

Md. Maxamuud Colow Barrow, Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia waxa uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku-Xigeenka wadanka Indonesia Md. Mohamed Yussuf Kalla; warbixin kooban ka dib oo uu safiirku ka bixiyay taariikh labada shacab iyo dawladoodba, wuxuu si kooban uga warbixiyay xaaladda adag ee uu maanta marayo shacbiga Soomaaliyeed.

the_amb1_and_vice_president.jpg

the_amb1_and_vice_president.jpg

Md. Barow, wuxuu hordhigay Madaxweyne Ku-Xigeenka baahida shacab iyo xukuumadeed ee aan la soo koobi Karin, uuna ka codsaday isagoo ku hadlaya magaca ummadda iyo kan xukuumadda KMG ah in ay dawladda Indonesia gacan ka geysato si walbo oo wax loola qaban karo xukuumadda KMG ah, dhinacyada ugu daran ee ay ka jirto baahida darana ay ka mid tahay:

1. Gurmad ded deg ah oo ay u baahan yihiin dadka qaxay iyo kuwa guryo la’aanta ah eek u nool wadanka gudihiisa;
2. Tababarro aan kala sooc lahayn oo heerar kala duwan leh oo loo fidiyo dhamaan ciidamada Police-ka iyo Amniga ee Xukumadda KMG ah;
3. In ay ka qeyb qaataan dib u heshiisiinta shacbiga Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba, taas oo ay Indonesia khibrad gaar ah u leedahay, maadaama ay hore u xalliyeen dhibaatooyinka gobolada ay colaadaha ka taagnaayeen;
4. In ay ka taageeraan xukuumadda sidii sharciyada Axsaabta siyaasadda looga dhaqan gelin lahaa wadanka;
5. Tababarro heer walbo leh oo loo fidiyo hawlwadeenada Dawladda qeybahooda kala gedisan iyo
6. In ardada Soomaaliyeed loo sameeyo tixgelin gaar ah Jaamacadaha Wadanka Indonesia , gaar ahaan kuwa Engineering-ka iyo Caafimaadka.

Ka dib warbixintaas iyo codsigaas, wuxuu Madaxweyne Ku-Xigeenku uga mahadceliyay safiirka sida wacan ee uu ugu hawlan yahay, waqtigan adag samatabixinta shacbiga iyo Xukuumadda Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in uu arrintaas intii ay awood u heli karaan ay qeyb qeyb wax uga qaban doonaan, uuna dhawaan fariimo u kala diri doono hayadaha shaqada ku leh qeybaha kor ku xusan si ay talo iyo wax qabad uga geysantaas arrimahaas.

Kulankaas oo qaatay muddo ka badan intii loogu talo galay, ayaa ku soo afjarmay jawi guul iyo horumar laga dheehan karo.

SAFAARADDA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED EE INDONESIA,

JAKARTA, INDONESIA

September 24, 2007 at 5:55 pm | Posted in Uncategorized | Leave a comment

Cali Geedi iyo Aadan Madoobe oo qaadacay inay saxiixaan dukumiintiga hoowlgalka cusub ee Itoobiya ,warar xasaasiya.

Muqdisho Isniin 24 September 2007, Waagacusub.com

Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa markii ugu horeysay si rasmiya u qaadacay hindise howlgaleedka cusub ee Xukumadda Itoobiya ay ku dooneyso inay hubka iyo Ciidamada uga qaado madaxda sare ee DFKMG ,ka gadaal markii khilaaf baaxad weyn soo kala dhexgalay,ayna ka sii dartay xaalada amaanka ee Caasimada Muqdisho.

Proff Cali Geeddi iyo Sheekh Aadan Madoobe oo la rumaysan yahay inay yihiin labada hogaamiye ee ugu hubka iyo ciidanka badan Somaliya ayaa si cad isaga diiday inay saxiixaan dukumiintiga hub iyo ciidan wareejinta madaxda sare ee DFKMG,waxayna u sheegeen Jeneral Gabre inaysan hubkooda sina ku wareejin doonin,sababa la xiriiro xiliga lagu jiro iyo xaalada taagan.

Dukumiintiga la saxiixayo ee Ciidan iyo hub wareejinta madaxda dowlada federalka,waxaa ku qoran in masuul kasta ee ka mida sedexda ugu sareeysa dowlada la siinayo ilaalo u gaara oo isugu jira Ciidamada Itoobiya iyo Uganda si ay amaankooda u sugaan.

Waxaa kale oo dukumiintiga ku qoran in qorshaha Itoobiya ee hoowlgalka cusub uu yahay mid dhashay fakir dheer oo Melleteri,sababa la xiriira xaaladaha Caasimada oo ka sii dareeysa iyo mararka qaar oo la rumaysan yahay in hubka iyo Ciidanka madaxda dowlada in la isticmaalo.

Hoowlgalka Melleteri ee Itoobiya,waxaa lagu qeexay in Ciidanka iyo hubka dowlada federalka aan la burburineyn balse lagu xareeynayo xerooyin ka baxsan Caasimada,iyagoo taliyeyaalna looga dhigayo Saraakiil ajnabiya oo Uganda iyo Itoobiyaan ah,si loola socda dhaqdhaqaaqyadooda ciidan.

Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa u hogaansamay saxiixada dukumiintiga hub iyo ciidan wareejinta hasse yeeshee Ra’isulwasaare Geeddi ayaa isaga aaminsan in hindisaha cusub ee Itoobiya uu yahay mid ka soo maaxday Korneyl Cabdilahi Yusuf Axmed oo khilaafkooda uu taagan yahay heerkii ugu dambeeyay.

Hoowlgalka Saraakiisha Itoobiya ay ku doonayaan inay hubka iyo Ciidanka kaga wareejiyaan madaxda dowlada ayaa ku began xilli doon ku raran hubka nuucyadiisa kala duwan una socoto Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi uu dekadda Cadale ee gobolka Shabelledda dhexe ka dejiyay ganacsade Iimaan Xasan ,oo ay heyb hoose yihiin.

Doontaas hubkaa ee dekada Cadale laga dejiyay ayaa la aamisan yahay inay tahay hub uu Maxamed dheere uu Yemen. Ku iibiyay socdaalkiisii uu bishaan gudaheeda ku tagay Sanca.

Daraasad lagu sameeyay hubka iyo ciidamada ugu badan ee Muqdisho ayaa lagu ogaaday inay ku jiraan gacanta ,Cali Geeddi,Maxamed dheere iyo Salaad Cali Jeelle oo wadaago dhamaantood dhalasho ahaan beesha Harti Abgaal.halka hubka iyo Ciidanka dhinaca Bay iyo Bakool uu heysto Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Adan Madoobe.

Odayaal dhaqameed u dhashay beesha Mudulood uuna hogaaminayay Iimaam Maxamud Iimaam Cumar ayaa Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ugu tagay Madaxtooyada,iyagoo ka dalbaday inuu samir iyo tanaasulaad ka sameeyay qodobada ay isku hayaan isaga iyo Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi,si loogu sii googol xaaro doorasho xora oo ka dhacda dalka sanada 2009 –ka hasse yeeshee talooyinka ergada Mudulood ee Iimaam Maxamud horkacayay ay u jeediyeen Madaxweyne Yusuf ayaa u muuqato mid aan wax guula laga gaarin,maadama kulankooda kadib ay sii laba lixaadsadeen xiisadihii labada dhinac oo gaaray in Ciidankii Madaxweyne Yusuf ay baneeyaan guud ahaan wadooyinkii Shibis iyo Cabdi Casiis iyo fariisinkoodii Hotel Global,degaankaas oo ay la wareegeen Ciidamo taabacsan Ra’isulwasaarre Geeddi.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa qaba in Ra’isulwasaarre Geeddi uu awood ahaan iyo siyaasad ahaanba ka itaal roon yahay Madaxweyne Yusuf ,taasna ay sabab u tahay ololaha balaaran ee ay wadaan hoowlwadeenada Xafiiska,oo inta badan ku guuleeystay inay kasbadaan madaxda digil iyo Mirifle iyo qeybaha kala duwan ee beesha Hawiye,sida siyaasada,ganacsiga iyo gaashaandhiga.

Madaxweyne Yusuf wuxuu aaminsan yahay inuu ka gar leeyahay Ra’isulwasaarre Geeddi,ayna waqtigii Xukumada ku egtahay 12-ka bisha soo socoto,hasse yeeshee waxaa muuqanayo in qorshahaas oo ay isla wadeen Sheekh Aadan Maxamed Nuur ,sheikh Madoobe uu kaga baxay.

Si kastaba ha ahaatee,Khilaafka sii baahaya ee u dhaxeeya Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa ku began xilli ay Muqdisho soo gaareen Ciidan ka badan toban kun oo Itoobiyana,ayna dhanka kale iyagana gudaha Magaalada iyo Hareeraheeda soo buux dhaafiyeen ,kumanaan ka tirsan Ciidamada Isbahaysiga dib u xoreynta Somaliya oo ku hubeysan hub casriya oo aan la ogayn halka ay ka heleen,waxayna isweydiin badan ka taagan tahay , xaaladaha isdiidan ee colaadeed iyo siyaasadaha isdiidan ee isbahaysatada Addis Ababa iyo Casmara,ugu dambeyn wuxuu noqon karo miradhalkooda iyo go-aanka xukumada Itoobiya ka qaadan karto qaadacada ay Geeddi iyo Aadan Madoobe ku sameeyeen.

Saddex Nafood “Sheeko akhrinteeda aad ka xiiso dhici doonin” kkkkkkkk.

June 16, 2007 at 7:33 am | Posted in Uncategorized | Leave a comment

Siraad, weligaa iskuul ma aad dhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee awoodda reerka ayaa sidaas ahayd. Qof kasta oo faqiir ahi wuu ku riyoodaa nolol ka wanaagsan tiisa liidata, adiguna taas dadka kale ayaad kala mid ahayd. Wax badan baad calafkaaga sii malaysay. Wax badan baad doob baabuur qaali ah wata iyo fillo doog leh indhaha la sii raacday. Wax badan baad oori nin ladani koolkoolinayo niyadda ka xasadday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan sii dhegeysatay. Xaalkiinna oo sidaas ah ayuu laytalkhadar idinku soo degay; nin hodan ah baa laguu dhisay reerkana lacag ku hafiyey. Wuu kaa da weynaa oo markaas aad sagaal iyo toban jirka ahayd isagu wuxuu ahaa konton. Naag ay kala tageen ayaa afar carruur ah oo koray u lahayd. Laakiin xag dhaqaale waa nolol aad u baahnayd. Waa adigii degay fillo beer leh, ee gashaday dhar qaali ah, ee u egaaday oori qiimo leh. Baabuur, telefeeshin, fiidyow, telefoon iyo qalab la nooc ah oo guryaha waqtigan ku yar ayaa laguu dhigay, adeegto shaqada u jajaban ayaa laguu qabtay, habeenkiina guriga waxaa kuu ilaaliya waardiye xoog weyn. Noloshaadii waxaa ku dhacay afgembi. Waxaad isbarateen dad cusub oo xagga ninkaaga kaa soo galay, kuwaas oo idinla nolol ah amaba idinka sii ladan. Waxa ay ka sheekeeyaan iyo sida ay u sheekeeyaan la mid ma aha foqoradii jaahiliinta ahayd ee aad ku soo dhex kortay, kuwaas oo ahaa dad cabasho iyo calaacal badan, oo muran iyo qaylo badan, oo dagaal iyo isxagxagasho badan. Waxay ahaayeen dad sida waraabaha dirqi ku nool, laakiin qolada cusubi waa dad deggan oo naftooda iyo noloshooda jecel. Waxay u sheekaysan jireen si qoladii hore aad uga duwan oo aad muddo la qabsan kari wayday. Xeeb nadiif ah baa lagu geeyey oo inta dhar gaaban laguu geliyey lagu dabbaal baray. Caweys muusig dheeri ka shidan yahay baa la iswada ruxay adigana lagu ruxay. Martiqaadyo maamuus leh ayaa lagugu casumay oo dad nooc kale ah lagu baray. Yurub baa laguu dalxiis geeyay, oo aad indho sarcaadday, oo indho daraandartay, oo moodday in lagu sixray. Waxaas iyo wax la mid ah ka dib illeen dhagax ma tihid ee waad furfurantay oo milantay.

Ninkaagu bilawgii wuu ku koolkoolin jiray, laakiin beryihii dambe dan kaama geli jirin. Balwad iyo dad ay isaga isku dookh yihiin ayuu adiga kaa jeclaa waqtigiisa inta badanna siin jiray. Wuxuu bilaabay habeenka uu doono in uu iska dhaxo. Adiguna illeen dundumo ma tihid ee khaati baad noqotay. Gurigii waad ku caajistay sariirtiina ku cidlootay. Waardiyaha iyo adeegtada midna sheeko lama aad wadaagi jirin, dhaqankii cusbaa ee lagu baray ayaa ahaa in aan nolosha sare iyo ta hoose la isku darin, haddii kale ta sare ayaa nuxur iyo dhadhan beelaysa. Adeegtadu marka ay fiidka reerka cashaysiiso caweys ma haleesho ee sariirta ayey beegsataa, waardiyihuna salli xun oo uu ganjeelada agteeda u yaal ma soo dhaafo. Sidaas darted marka aan ninkaagu joogin waxaad u cidlootay sidii boqorad laga dhintay. *

Waardiyaha xoogga weyn ee ay Siraad sheegaysaa waa adiga. Waxaad tahay xerow shan iyo labaatan jir ah oo sida jaajuurka u adag una malaasan. Kama duwanid awr reerka debedda ugu dabran. Goor walba waxaad xasuusta ku haysaa maahmaahda ah ?Rag waxaa ugu liita nin maqan oo aan la tebin, nin tegaya oo aan la celin iyo nin jooga oo aan la tirin. Maalintii oo dhan masjidka ayaad diin barasho u yuururtaa, marka salaadda maqrib foodda laga qaadana halkan ayaad ka soo shaqo gashaa.

Reerka habeenkii uun tuugta kama ilaalisid ee adiga ayaa raatubta u akhriya, danta Kitaabka Alle ka soo gashana u caddeeya. Weli waxaad tahay arday oo diinta aqoon badan uma lihid, laakiin fatwada badanaa malaha iyo qardojeexa ku dhisan iyaga ayaad kalsooni kaga raadisaa. Risiqaaga ayaa galay. Fiidka marka aad shaqada soo gashid ganjeelada agteeda ayaad beerta salli dhigataa. Halkaas ayaa shaah iyo casho waxii habeenkaa Alle kuu qoray laguugu keenaa, oo aad ilaa waaberiga duruusta ku akhrisataa, gurigana tuugta ka ilaalisaa. Hawsha intaas kuu dheeri waa ninka reerka leh oo aad marka uu baabuurka la baxayo ama la soo gelayo ganjeelada ka furtid.

Ma jiro qof xumaan ka dhawrsani, waxaadse ku dadaashaa in aad ahaatid nin jidka Alle ku toosan. Salaadi kaama tagto, soonna hadalkii daa.

Xan iyo xumaan carrabkaaga waad ka ilaalisaa, jidiinkaagana xaaraan waad uga dhaaran kartaa. Awaamirta Alle ee arrimahaas ku saabsan raacistooda intii karaankaaga ah waad ku dadaashaa. Haweenka oo ah hubka ugu daran ee sheydaanku hurdo iyo soojeedba kugula dagaallamo marka aad la hadlaysid ma eegtid ee indhaha ayaad hoos u rogtaa ama wejiga ayaad dadabtaa, waayo sida aad og tahay eegistoodu waa sino. Haddana tiro ma leh inta jeer ee aad xubnahooda yaabka leh indhaha ku xadday. Mid gambadh ku fadhida oo bawdyaha bannaysay, mid guntiinada naasku dacal ka faydmay, mid dirac khafiif ah ay laabta iyo calooshu muuqdaan, iyo mid sii foororta oo badhida xaggaaga u soo fiiqday, intuba marar badan ayey naftaada miskiinadda ah cadaab ku shideen,oo aad wayso iyo tukasho isku qaboojisay.

Habeen adiga oo wayso qaba oo si aadan Qur?aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya, ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan. Hadda qaawanaan aan dun yarina korkeeda saarnayn!

Muraayad aan kuu muuqan ayey hor taagan tahay oo timo yar qoyan shanlaynaysaa. Qacdii hore naxdin iyo filanwaa baa kugu dhacay oo waad carartay, haddana si aad fursaddaa lama helaanta ah uga faa?iidaystid dib ugu carartay oo sii yar daawatay. Haddana ka carartay, haddana adiga oo run iyo riyo u kala garan la mar kale dib isugu rogtay. Sidaas ayaad adiga oo gariiraya muddo shan daqiiqo ah ugu noqnoqnaysay, ilaa ay dhar gashatay oo nalkii damisay. Waxay ahaayeen shan daqiiqo oo xagga baqdinta shan sano ka dheer xagga raaxadana shan seken ka gaaban.

Habeenkaas malaha foosto biyo ah waad cabtay, waxii aad xanuun la kulantayna isma aad lahayn waad sii noolaanaysaa. Markaas ka dib haddii aad damacdid in aad wax akhridid kitaabka waxaad ka dhex arkaysaa naasihii iyo calooshii iyo badhidii iyo bawdyihii Siraad ee qaawanaa.

Maxaa naag qaawan kitaabka Ilaahay dhex geliyay?! Acuudu billaahi mina sheydaanirajiim!

Naag aadan qabin loo galmoodaa waa sino, in la daawadaana waa sino, laakiin in laga fekeraa ma sinaa? Mas?aladaa xukunkeeda sharciga ah waxa ay Mad?habta Shaaficiyadu ka qabto ma taqaannid, sino ayeyse u eg tahay. Lakiin sidee bay sino u noqon kartaa, fekerka ma adiga ayaa xukuma sow wax maskaxda iskii ugu soo dhaca ma aha? Sheekha aad kutubta ka raacatid qudhiisa sow dumar qaawani maskaxdiisa kuma soo dhacaan, iyo xataa isaga oo u galmoonaya? Ma Sheekha dhan ee aad Alle ka cabsigiisa og tahay baa isaga oo naag qalaad u galmoonaya ku fekera?! Istaaqfurullah! Alloow tooba!

Marar badan waxaad ku sigatay in aad gudaha isku qaaddid oo Siraad iyo adeegtada mid uun beerka kaga degtid. Albaabku wuu xidhan yahay ee waxaad ka fekertay in aad daaqadaha neecawsiga loo furtay uga dhacdid. Sheydaanka iska naartay, Qur?aan akhrisatay, toobad iyo istaaqfurulle daldashay, kumase aad qaboobin. Siraad ayaad habaaraysaa oo eersanaysaa. Waxaad kale oo habaaraysaa waxii nal iftiima sameeyey iyo waxii daaqad furanta hindisay, iyo waxii waardiye noqday, iyo waxii qol naag qaawani ku jirto eegay, iyo waxii ka cararay ee haddana dib ugu cararay. Bal maxaa kugu celiyey maad sheydaanka iska naartid oo Qur?aanka iska sii wadatid? Ilaah baa risiqa bixiya ee inta aad faqriga ka baqaysid iska guurso. Haddii aad mid xun meelahaas ka soo jillaabi lahayd, oo aad cooshad xun meelahaas uga kirayn lahayd, miyaad waxaas oo xanuun ah la kulmi lahayd, oo marba naag xun daaqad xun waqti xun si xun uga qooraansan lahayd?

Berriba marka uu waagu beryo waxa ugu horreeya ee aad qabataa ha noqoto in aad guursatid. Tii xumayd ee cooshadda xun digirta xun ku karin jirtay bal ka warran? Ha iska foolxumaato ee sow naag uun ma aha? Ma ku yeelaysaa baad u malaynaysaa? Oo maxay kugu diidaysaa? Malaha weligeedba guur lalama soo qaadin, markaa yaaba adiga kuu dhaama? Laakiin waa qof foolxun, in kasta oo siijeed wanaagsan tahay. Istaaqfurullah! Maalin walba waxa aad camal falatid daawashada badhideeda ayaad ku khasaaraysaa.

Jaariyadda xun ee gurigan ka shaqaysa bal iyada ka warran? Dhawr jeer oo horena waad ka fekertay, laakiin malaha iyadu weligeedba kaama ay fekerin? Ma qurux liidato laakiin dabeecadda ayey ka arradan tahay.

Dabeecaddeeda maxaa kaa galay wax aad isku daweysid uun sow dooni maysid?

Maxaa kaa geli waayey sow la noolaan maysid oo carruur kuu dhali mayso? Waar nolol iyo carruur lahaane naftaadan besteeda ah meel dhig! Laakiin waxay kaga dartay kibirka, adeegto in ay tahayba isuma haysato. Kibirkeeda maxaa kaa galay, iyada ayaaba shaqaysata oo kirada kula bixin lahayde? Naag iyada kaaga habbooni ma jirto ee berri la hadal. Wax uun baad yeeli lahayde horta habeenkan baas mar uun yaa dhammeeya!

Imika bal adeegtada ka feker. Sariirteedii xumayd ayey ku jiiftaa. Sidee bay u jiiftaa ma dhabarka mise beerka mise dhinac? Maxay gashan tahay? Billay qaawan tahay? Qaawanaan? Ma muddug? Ma iyada oo dhabarka u jiifta ayey haddana qaawan tahay? Oo markaa maxaaba u qarsoon?

Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Istaaqfurullah! Caawa sheydaan baa kugu shaqaystay. Kitaab Ilaahay baad gacanta ku haysaa waxaana waad ku fekeraysaa! Laakiin in laga fekeraa ma denbi baa? Mooyi, mooyi, horeba waa adigii jawaab ugu waayey.

Laakiin iyada iyo Siraad toodee qurux badan? Isuma dhowa, Siraad baa si walba u qurux badan. Laakiin jaariyadda dusha uun baad ka aragtay ee iyada oo qaawan ma aad arag. Laakiin bal malee? Kollay naasaheeda iyo caloosheeda diraca ka muuqda wax loo dhigaa ma jiraan. Balaayadu waa isku wada mid; waa tii la yidhi sheydaan baa xayaysiiya oo marka ay soo jeedaan naasaha ruxa marka ay sii jeedaanna badhida. Kii alle koodka ahaa ee maalintii dhoweyd baska ka dhex sheekaynayey muxuu lahaa? ?Sheydaan ma ruxo ee malaa?ig baa ruxda.? Iimaanka Alle kaa qaad! Kaasi isaga ayaaba sheydaan ahaa. Malaa?igta maxaa naasaha iyo badhida dumarka u geeyey! Laakiin in uu sheydaan ruxo qudhaadu yaad ka maqashay? Ma aayad baa mise waa xaadiis? Mise waa iska wax kale? Horta cid ruxdaba shaki kuma jiro in la ruxo.

Ciddii doontaa ha ruxdee imika ma waxaad leh dahay adeegtadu guntiinadii ay ku seexatay waa ay ka furantay oo qaawanaan ayey dhabarka u jiiftaa? Haddii aad daaqadda ka eegi lahayd qolkeedu waa mugdi. Haddii aad u

tagtid oo legga ka gashid maxay samayn lahayd? Marka ay toosto ee ay ku garato maxay yeeli lahayd? Miyey qaylin lahayd? Mise si xariifnimo ah ayey isu seexin lahayd? Mise wax bay kula maamuli lahayd? Inkaari ku dhacday armay qaylin lahayd? Oo maxay la qaylinaysaa miyaad dishay? Iyaduba sow nafley ma aha oo xanuunka aad qabtid kulama qabto? Xanuun? Xanuun maxay ah?

Laakiin haddii ay iska aamusto bal ka warran? Sow sidaasi ma dhici karto? Haa. Ka dibna? Inta aad labada naas xantoobo ka buuxsatid oo midba mar cantuugtid, ayaad haddana dhegta iyo dhabanka ka qaniini lahayd, dabadeed labadeeda bawdu ku dhex libdhi lahayd. Ku dhex libdhid? Ma dalaq?

Ma naag aadan Shareecada Islaamka ku qabin? Istaaqfurullah! Istaaqfurullah!

Istaaqfurullah! Ilaahow tooba!

Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay…

Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay

Laakiin berri maxaad ku gaadhi sow adigan bestaa ah ee dhimasho ku dhow? Dhimasho? Ma naag baa loo dhintaa? Waar isla yaab! Haddaasow adigan sakaraadka ah ee wada gariiraya? Sow kan wadnahaagii in uu qarxo ku dhow? Adiga oo waxaas oo biyo ah cabbay haddana sow adigan candhuuf aad dhuunto ku engegan ku qoysid afkaaga ka waayey? Malaha naag ma aha ee waxa sidaa kuu gelayaa waa sheydaan? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!

Naagaha baas maskaxdaada ka saar oo wax kale ka feker. Haa, wax kale ka feker, aakhiro ka feker, iyo cadaabta iyo jannada. Alla cadaabtu kululaa, Ilaahaow naga najee! Alla jannadu liibaan badanaa, Ilaahow noogu deeq! Laakiin haddii adeegtadaba iska daysid oo Siraad qudheeda u gashid maxaa dhici lahaa? Iyaduna miyey kugu qaylin lahayd? Malaha kugama ay qayliseen? Ninkeedu inta uu soo hoydo iyo inta uu dhaxaa way is-la?eg yihiinee maxay kuugu qaylinaysaa? Waxaa laga yaabaa sida aad ugu baahan tahay in ay kuugu baahan tahay oo ku soo dhoweyn lahayd. Berigii aad shaqadan bilawday sidii ay u ahayd miskiinad iyo maanta sida ay u dhaqantaa waa laba kala fog.

Waa wax lala yaabo in uu qof bani aadam ahi sidaas isu beddelo! Waa tii ay diintu sheegtay oo maalku waa fidno. Faqriga qudhiisu waa fidno kale, bal waxa caawa ku haysta fiiri! Barashadii diinta ee aad u bilawdayna diidday in ay sii waddo. Ma iyadaaba diin barasho u soo jeedda bad kale ayey ku jirtaaye. Yeelkeede haddii caawa Alle iskiin bado wallee waxayna ku qayliseen: ?Aaa! Waa halkaas meesha aan diinta Ilaahay ka baran waayay!?

Haddii ay kugu qaylin weydo jidhkii aad aragtay ayaad deeq u heli lahayd. Ma liibaan taa ka weyn baa jirta? Jaariyadda xun ma hubtid laakiin waad hubtaa Siraad in aad ku bogsan lahayd. Bogsasho?

Oo miyaad buktaa? Maxaa ku haya, ma oofwareen mise daacuun? Waxaa ku haya balaayada jiif iyo joog kuu diidday.

Imika labadooda mid uun ma tijaabin kartaa? Haddii ay kuguqayliso waa maxay waxa ugu daran ee dhici karaa? Fadeexad;

wadaad fadeexadoobay; wadaad reerkii uu raatubta u akhriyi jiray ee waardiyaha u ahaa kufsaday. Ka dibna? Ka dayuuska ah ee reerka lihi armuu ku dilaa? Oohinta uu ku dilayo maxaa ku dhigaya? Haddii ay talo dhabaqdo maad baxsatid?Haa, haddii ay wax hagaagaan hagaage, haddii kale ka dhuumo. Miyuu ku helikaraa? Ab iyo isir toona kuuma yaqaan ee sidee buu kuu heli karaa? Sinaba.Laakiin waa maxay waxan aad ku fekeraysaa? Miyaad waalatay? Sow adigan habeen keliya sheydaan isu rogay? Kitaab Qur?aan ahna gacanta ayaad ku haysaa! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!

Sidii aad xaaladdaas ugu jirtay ayey goor dambe noqotay, laba iyo tobankii iyo dheeraad. Nalka aad hoos fadhido ee aad wax ku akhrisatid mooyee beerta inta kale waa mugdi. Degganaanta iyo aamuska ayaa ka daran oo caleenta geed ka soo dhacda waa la maqlayaa. Si aadan marnaba filayn ayaad aragtay nalkii kijada oo la daaray. Kijadu qolalka guriga iyada ayaa ugu sokaysa oo halka aad fadhidid waxay u jirtaa ilaa shan iyo toban tallaabo, laakiin daaqaddu dhan kale ayey u jeeddaa, sidaa darteed qofka nalka daaray ma arki kartid, waadse hubtaa in aan guriga cid aan Siraad iyo adeegtada ahayni joogin.

Waa labadii mid uun. Welwelkii, xummaddii, wadno garaacii iyo waallidii ayaa kugu sii kordhay. Ta ay doontaba ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ?Waan gam?i waayey ee kaalay i wehli?? I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!

Adiga oo ta ay tahay malaynaya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.?Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam?i la ahay ee Qur?aan igu akhri?, ayey kugu tidhi.

Qur?aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leedahay ?Qur?aan igu akhri?! Ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi:

?Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa??

?Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna diracaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.?

Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.

Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay.

Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada filnayn ayey isku legedday, waxaanad arkaysay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay jiifsanaysay waxay sii lahayd: ?Halkan ayaaba neecaw macaan. In aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.?

Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo?

Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen,

carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas ayaad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.

?Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!?

?Eebbe ha kugu dabiibo!? ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay. Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxday oo moodday in ay qalad ka fahamtey oo tegayso. Oo maxay qalad u fahmaysaa, ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: ?Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.?

Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid?

Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku soo afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas ayaa miyir kuugu dambeysay. Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtay.

Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin, in aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisayna ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan inay laba badhan go?een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarnaa in aad harraati ku fogaysay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn.Waxaadse kale oo aad hubtaa in uu qubays kugu waajibay. Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo aad u hubtaa qadaadkeeda sida ba?an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.

Goor dambe oo aad xiiq saneedeen waxaad ku calaacashay:

?Alloow tooba! Alloow tooba!??

Waxayna kuugu jiibisay:

?Aammiin!?

Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninka reerka leh oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse ka baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad. Intii hore waad waallneeydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi:

?Aynu meel asturan tagno ee ina keen.?

Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay.

Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen.

Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi:

?Alla maxaynu nefisnay!?

?Cadaabina waa ay dambaysaa?, ayaad ku cabatay.

?Imikaba cadaab ayeynu ka soo baxnay.?

?Haa, mid shaddiid ah?, ayaad qirtay.

Markii ay salaaddii arooryo soo dhowayd waxaad ku qubaysatay musqul yar oo beerta ku taal. Salligii aad ku tukan jirtay waa adigii xalayn ku qooqay, sidaa darteed subaxdaa go?aaga ayaad dhigatay. Adiga oo sujuud dheer u foorora ayuu ninkii guriga lahaa soo galay. Inta uu iskaa yar dul taagay ayuu ku dhaafay. In yar ka dib adiga oo weli sujuudsan ayaa ddaaqadda furan ka maqashay ninkii oo Siraad weydiinaya. ?Goortan maxaad ka qubaysatay??

?Kulayl bay ahayd oo waan gubtay.?

?Ma rumaysanaysaa xerowgii in uu goortaa sujuud ku ooyayo??

?Waa wali barakaysan?, ayey ugu jawaabtay.

?Wallaahi kaasi waa wali barakaysan! Waa in aynu ka

ducaysannaa.? ?Mushaharkana aynu u kordhinno mar haddii uu shaqadiisa ka adkaaday?, ayey ku taageertay.

?Haa, aynu u kordhinno.?

Markii aad intaa maqashay waad sii ooyday. Waad jeclayd in aad noqotid wali laga barakaysto. Ducooyinkii carabida ahaa ee aad taqaannay kaa dhammaade, welina in aad Ilaahay sii barido ayaad rabtaa, dabadeed kuwo af soomaali ah ayaad bilawday. Waxaad og tahay Eebbe in uu wax walba qaddaray, halkaas ayaad baryada ka ambaqaadday:

?Eebbow, sow adigu wax walba ma aad qaddarin? Sow adigu aniga iyo Siraad baahida naguma aad wada abuurin? Eebbow, waxaa ila tagtay la soco qeybta 3-aad ee sheekada qosolka iyo naxdintana dib u dhigo akhristoow.

A nation in tears, for the lose of our leader President Aadan Abdulle Osman

June 16, 2007 at 7:28 am | Posted in Uncategorized | Leave a comment

Today we Somalis are a nation in tears, we are mourning the loss of our nation’s father President Aadan Abdulle Osman, our greatest leader, today we Somalis lost our father for justice, democracy and humanity. Today we Somalis lost our father of integrity, today we Somalis lost our teacher of tolerance and balance. Today we Somalis lost our greatest indicator of progress; today we Somalis lost our benchmark for respect.

In this dark time we are so unfortunate to have lost such a bright light of example, we are so ill-fated to witness this day of his departure. We can never reverse the nation’s pain from the loss, however we are fortunate to have shared a time zone with such greatness, we are fortunate to have lessons and examples to follow from our leader.

 

Mr. Awale Ali Kullane

Leader of the New SYL

Phone/fax 00447092877136

Next Page »

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.