Taariikh nololeedkii MD. C/rashiid Cali Sharmaarke

June 19, 2007 at 6:11 am | Posted in somalia | 11 Comments


 


President Cabdirashid Cali Sharmarke

Allaha U naxariistee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya MD. C/rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii 1919.

Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka dambeeyay magaalada Muqdisho.

Wuxuu ka mid noqday ururkii Somali Youth League waxyar ka dib markii la aasaasay sanadkii 1943dii, wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee Soomaaliya British Administartion Civil Service.

Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay 1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service, wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda University of Rome “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jibiyay sanadku markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka Soomaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubinka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly.

Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii 1, July 19960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda, wuxuuna dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa 1964tii.

Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya MD. Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii June 1967dii.

Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolka Sanaag ee dalka soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyadii weli lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday Allaha u naxariistee Sarreeye gaas Max’ed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke – Somali Presiden & John F. Kennedey – US President in 1960

Abdirashid Ali Shermarke (1919-1969) was President of Somalia from June 10, 1967 until October 15, 1969.

He was born in 1919 at Haradere in the district of Obbia. He attended Quranic schools and completed his elementary education in 1936. He started his career as a trader and later on he became a civil servant in the then Italian Administration. He was supprted in Mogadishu, his mother was a Hawiye.

Shermarke joined the Somali Youth League immediately after its foundation in 1943. In 1944 he entered the British Administration Civil Service.

He completed his secondary education in 1953, while still as a civil servant. Shermarke got a scholarship to the University of Rome La Sapienza, where he graduated in political science in 1958. One year later, after returning from Italy, he was elected as a member of the Legislative Assembly.

When Somalia became independent on July 1, 1960, he was nominated by President Aden Abdullah Osman Daar as Prime Minister. As Prime Minister, Shermarke travelled abroad extensively in pursuit of a non-aligned and neutral foreign policy. He remained Prime Minister until March 1964, when the first general elections were held, and Shermarke was re-elected as a member of Parliament.

In the 1967 presidential elections Shermarke beat President Aden Abdullah Osman Daar. He became President of Somalia on June 10, 1967.

On October 15, 1969 Shermarke was assassinated by a policeman while on a visit to the north of Somalia, and his assassination was followed by a military coup d’état on October 21, 1969 (the day after Shermarke’s funeral), in which the army seized power without encountering opposition. The coup was led by Major General Muhammad Siad Barre, the commander of the army.

 

Insha Qoraalkan

 

Wikipedia, the free encyclopaedia

 

11 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. waxaan rabaa inaa si fiican layga sheekeeyo c/rashiid cali shar maarke iyo maxamed siyaad bare

  2. cali

  3. waxan donaya dhamn tarikh nololedyada madaxweynayasha somaliay laga sobilabo aadan cade ila maxamed siyad bare

  4. waa nin soomalimno ku jirto ilaahey ha u naxariistee
    by:maxmaad xasan maxamad yare

  5. wuxuu madaxweynayaashii soo maray soo maalia kii ugu daacadsanaa

  6. abdi rashid ali sharmarke alle haw naxaristo nin wadani ahna wuu ahaa oo diin leh lakiin siyaad bare aniga garan maayo wuxuu ahaa
    shaqsiyaadka ehlu sharka ah ayuuna u dhaqan ekaa sida dilalka uu wadaadada laynayay iyo shicibka uu madaxwaynaha u yahay ee aan dooran

  7. waxa u mahadcelinayaa dadka qoray tarikhda maxwayne c/rashiid cali sharmaarke waxana jecelahay tariikhda halgamayaasha somaliya

  8. waan u mahadcelinayaa dadka isu taagay ururinta taariikhdac somalida,waxaa ila fiican qof kasta in la sheego wixi uu ku fiicnaa iyo wixi uu ku xumaa,maxaa yeelay ma jiro qof wada fiican sida aysan u jirin qof wada xun,cabdirishiid wuxuu leeyahay xili ra’isul wasaare/madaxwayne,xiliga hore wuxuu dalki ka badbaadiyay burbur gumaysi maleegay talaabooyin wanaagsanna wuu qaaday oo taariikhi ah,laakiin xiligii madaxwaynaha ee cigaal ka dhigay ra’isul waaaraha, wuxuu sababay in isagina la dilo dalkina ay askartu qabsato.

  9. waan u mahadcelinayaa dadka isu taagay ururinta taariikhda somalida,waxaa ila fiican qof kasta in la sheego wixi uu ku fiicnaa iyo wixi uu ku xumaa,maxaa yeelay ma jiro qof wada fiican sida aysan u jirin qof wada xun,cabdirishiid wuxuu leeyahay xili ra’isul wasaare/madaxwayne,xiliga hore wuxuu dalki ka badbaadiyay burbur gumaysi maleegay talaabooyin wanaagsanna wuu qaaday oo taariikhi ah,laakiin xiligii madaxwaynaha ee cigaal ka dhigay ra’isul waaaraha, wuxuu sababay in isagina la dilo dalkina ay askartu qabsato.

  10. Waxaan rabaa taariikhda nololeedka madaxweynayaasha somalia

  11. sxb wad mahadsantahay noo sooraadi taarikhdi adan abdulle osm an


Leave a comment

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.