Dumaroow iska qosla … Ragoow ila ooya !!!kkkk

June 20, 2007 at 9:17 pm | Posted in sheeko gaaban | 15 Comments



Waxaa bari jirtay naaga garoob ah oo iska dhaqan , waxayna lahayd xoolo badan ariba ha u badnaadee …….. waxay naagtaasi noloshaasi ku noolaataba waxaa ogooday oo ka war helay xaaladda ay ku nooshahay nin aanan hanti lahayn ……. wuxuuna aad u damcay naagtaan iyo xoolahaan markaas ayuu ku fikiray in uu xoolahaas caanohooda iska cabo hilibkoodana iska cuno , laakiin naagtu way xoolo jecleyd ……… ninkaasi wuxuu u yimid naagtii oo shukaansi ku bilaabay…… shukaansi dheer oo dhex maray ninkii iyo naagtii ayeey ku heshiiyeen ineeeey is aroosaan laakiin waxay isku xireen shuruudo.
Ninka oo aad damacweeyn oo dhinac xoolaha ah uu ku jiro ayaa yiri anigu waxaan leeyahay hal ceeb ee ha ii qaban :……… “waxaan qabaa ismood dhaaf oo waxbaa niyadeeyda ku soo dhacaya isla markiina waxaan ku kacayaa fulintooda “.
Naagttii ayaa iyana tiri” taasi dhib malaha ee anigana mararka qaarkood waa laleelmoodaa ee adna taas ogoow” .
Sidii ayeey ku heshiiyeen wayna isguursadeen ….. markii ayaamo la isqabay oo ninkii uu oodkacii lasiin jiray iyo waxyaabihii kaleba ay dhamaadeen ayuu wuxuu ku fikiray inuu qorshihiisii uu bilaabo oo maalin waliba uu neef qasho ama uu sameeyo sababtii lagu qali laha , wuxuuna ogaaday in naagataan ay aad u xoolo jeceshahay oo aysan u baxaynin codsiyadiisa markaas ayuu inta booday ridii ay ugu jeclayd ariga bireeys ugu dhaqaaqay ……. markaas ayaa waxaa soo booday naagtii garoobta ahayd oo aan dhag laqabto lahayn ……. markaas ayeey tiri” war maxaa rida u gawracday ….”
Markaasuu ku jawaabay soo taan horay kuugu sheegey inaan qabo ismood dhaaf ,
markaas ayeey ku tiri waa runtaa ee orod iska nasoo anna waxaan soo karinayaa hilibkeeda(rida ).
Marka uu falkaas uu ku dhaqaaqayey waxay ahayd galab casir ah …. kadibna wuu baxayoo wuxuu aaday aqalka ardaagiisa wuuna isduuduubay (is hurdeeysiiyey ) si hadhowti loogu kiciye markuu bislaado hilibku.
Naagtii hilibkii markeey bisleeysay ayeey kasoo buuxisay baaf kadibna ula soo dhaqaajisay dhinaca ninkii .
Ninkii isaga ahaa oo go ku duuduuban ayaa halmar wuxuu ka war helay balaayo karkareeysa oo dusha looga shubay …. intuu cirkaas u booday ayuu ku yiri “naa maxaa nuugu daadisay fuudka iyoh hilibka karkaraaya” markaaseey ku tiri soo taan kuu sheey*** inaan laleelmo qabo !!! ………………. markasuu isagoo habaartamaya meesha ka cararay

15 Comments »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

  1. nimanyaho aniga sheedakada waan ku waree ninkii xagee u danbeysay nagtii ma furyay mse wuu qaabaa saaaxibyal jaaw ayaan idinka suga
    bahdii jaceelka mahad cilin

  2. sxb barsho wacan magaceyga wa axmedqadar oo ku nool magalada moqdisho sxb nin kii turufa toor ka aaa naag tii mafuray wa ajwaab

  3. lol

  4. haye waan u malaynayay intay ragu is lahaayeen naagaha waa ka aqli badantihiin idinkaa laydinka aqlibadiyay baska dambe soo raaca heeeeee kkkkkkkkkkkkkk

  5. Waa sheeko markaa Run waa nopon kartaa Beena waa noqon kartaa Damacuna waa wax jira ee Salmaay kkkkkkkkkkkk

  6. sxb aad baan uka helay sheekada mahadsanid balse naagaha ma aqli badno salmooy

  7. aad ayuu qofkaan u aqlaaq daran yahay oo anshax darada soo qoray dambi ayaana kuu sugnaaday

  8. waa sheeko jirta lakiin su’aal ma dhab baa sheekada ok

    • aniga oo ah walaalkiin oo islaam ah somalina ah

      ayaa waxaan ka codsanhayaa dadka isticmaala wabkan una diyaar ah

      in ay asxaab uyeeshaan in aysan sheegin wax been ah iyo AFXUMO MIDNABA

      dhamaantiina weaan idin soodhaween hayaa gaar ahaan dumar

      kayar 30 sano kana weyn 24 soodhawaada barasho wanaagsan

      soobooqo walaalkaa adiga oo faraxsan ahna muslimad somali ah

      salamau caleykum

  9. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sheeeko qosol badan waaye runtiii lkn rag iyo dumarba way qoslayan ninka xariif bu aha nagtase ganjibo kkkkkkkkkkk wallahi wali wa qoslaya

  10. waan in salaamay walaalayaal ninkii naagta mafuray mise waa uu dhintay

  11. waan in salaamay walaalayaal ninkii naagta mafuray mise waa uu dhintayllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllllll

  12. walaahi wa cajaab dumarku lama khiyaami karo naago sirteeda lagama sargaaro laakin qaar laga sargaaro ayaa dumarka kujirta

  13. SHEEKO XIISO BADAN BAA ARKI JIRAY MIDAAN QASAARO BADAN BAY IIGA BIXISAY SAAN UGU SOO CEL CELINAAYAY AQRSI KAA DHIB MA LAHAN SHEEKADA OO DHAN WAAN XAFID SANHAY LAKIIN NIN KII AMUU CAJUUSO NOQ DAY MAXUU USOO NOQON WAAYAY IS LAAN TAAS MIS KIIN MAA HAN WA MUUUFO JAB KEED IS KU SOO WADA DUUBO MAXAD KA TAQAAAAANAA MAXAMEDUK\/?|?|

  14. waa qatar walee sheekadaan in yar in lagu sii daro ayey ahayd meshii ay ku danbeeyen kkkk


Leave a comment

Create a free website or blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.