*Daba dhilif waashoow aduunyada warbaa yaal aakhirana waxbaa jira*

February 27, 2008 at 3:49 am | Posted in maqal | Leave a comment
Tags: ,

/ //waxaa la daabacay Wed 06 Feb 2008 11: 20: 02/
Mahad balaarina waxay u sugnaatay Allah unkay koonka, taagay Cirka tiir
la, aan nabad galyo iyo naxariisi Nabi Muhammad dushiisa ha ahaato.

Intaa ka dib maqaalkan la magacbaxay ?daba dhilif waashayoow aduunyada
warbaa yaal aakhirana waxbaa jira?, waxaan ku goffayn doona hadli
doonaa,badacsanaanta iyo dadnimo xummida dhamaan dabadhilifyada
soomaalida, mana jirto cid gooni ah ee aan ku bartilmaameedsanayo, ama
aan ula goleeyahay, waxaa intaa dheer daba dhilif iyo jaasuus ma,aha wax
iminka bilaabmaya ee waa wax soo jireen ah ilaa iyo aadam,maantana way
jiraan wayna jiri doonan .Hadaba waxaa iga afeef ah in aanan loo fahmin
si khalad ah ama ruux uunan si gooni ah iskugu qaloocin,maxaa yeelay
dabadhilif iyo jaasuus,qabiilkoodu waa qadada iyo xoogaga la siinayo oo
ay ku iibsanayaa diintooda iyo dalkooda.

Dunida aanu ku noolnahay dacalkeeda waxaa ragaadiyay colaad, aafooyin
iyo dhibaatooyin ku habsaday shucuub iyo dowlado intaba, hadaba umada
soomaaliyeed waxay ka mid tahay dadyowga ay halakeeyeen dhibaatooyinku.

Umada waliba waxay leedahay geesiyaal u sara kaca kana dhiidhiya dhib
kasta oo soo wajaho ama cadow kasta oo u soo qaato heeryihiisa in ay u
huraan naf iyo maal intaba, kana xiga gumaysiga in ay iil u hoydaan,
sidoo kale waxaa jira madamqadayaal, dawdaro waalan ah oo soo diyaarsho
xariga lagu dabayo walaakood, kuna iibsada diintooda iyo dalkooda xooga
sunuud ah.

Hadaba qoromadaan waxaan ku soo qaadan doona dhacdo tilmaamaysa
dullinimada iyo dacfiga daba dhilifyada (qabqablayaasha) Somalida
magacay rabaan ha hugsanadaane, kuwaas oo agabka u sido kuwii dooxay
umulahoodii, dilayana gabdhohoodii, culimadii diinta, abwaanadii
dalkoodii iyo aqoonyahankii.

Waxaa dhacday shir ka mid ah shirarkii ay is kugu imaanjireen daba
dhilifyada sheegto mas, uuliyiinta, ayaa waxaa la soo xiriiray
raisulwazaraha Ethiopia Males sinewi, waxaa telephone ka qabtay mid ka
mid ah dabadhilifyadii shirka ka qaybgalayay halka saaxiibadiisi kalena
ay dhagta u taagayeen waxa ay ka wada hadlayaan, hadaba inta uu la
hadlayay senawi ma uunan oran wax aan ka ahayn ?haa, haa, haa? isku xik
xikta oo aneey u dhexeyna maya.

Hase yeeshee mar ayuu ku dhiiraday in uu ?Maya? yiraahdo si kadis ah.

Waxay la yaab iyo filanwaa ku noqotay ragii kale oo asxaabtiisa ahaa
sida geesinimada iyo dadnimada leh ee uu ugu dhiiraday in uu ?Maya?yiraahdo.

Dabadeedna waxay waydiiyeen sideed ugu dhiiratay in aad Mr. Zanawi maya
ku tiraahdid?

Wuxuu ku jawaabay qabqablihii: wuxuu i waydiiyay sayidkaygu ilaah
cimrigiisa ha dheereeye ab ka abe iyo inta ku abtirsatabee: Waxaad ku
celcelisay ?haa, haa, haa,?in ka badan konton jeere (50) ee miyaadan ku
daaleeyn? Markaas ayaan ku iri ?Maya? sayadii waxaas oo dhan waxaan u
samaynayaa adiga daraadaa.

Hadaba su, aasha is waydiinta mudane waxay tahay, maxaa ka dhigay
dabadhilifyada soomaalida kuwa u dulaysan aadna uga baqa Males sanewi?
Maxay u awoodi la, yihiin in ay diidaan damcigiisa gumaysi doonka ah?
Maxay u awoodi la, yihiin in ay mar uun maya yiraahdaan? Xiitaa si
kaftan ah? Maxaa ka jaraysiiya hadii ay maqlaan codka Males Sanewi?
Maxaa keenay in masaalixda soomaalida looga soo yeeriyo Adissababa?
Muxuu askari dabla ahi u maamulayaa?

Jawaabta su, aalahaasi aad ayay u sahlantaahay, waxaana jirin rabitaan
shacab, maxaa yeelay markii horeba kuma aynan iman aqoon, caqli iyo
doonid bulasho intaba, oo waxay ku yimaadeen dab iyo baaruud, waxaa soo
caleemo saartay cadowga aana marnaba doonayn jiritaankooda, sidaa
aawgeed ma haystaan wax kalsooni ah oo ay ku wajahaan culayska uga
imanaya dibada, sidaa ayay ku noqdeen adoomo dulli ah oo u nacamleeya
cadowga.

Goorma ayay ogaan doonan in lama huraanku uu yahay dadkooda, ma qabriga
ayay ku fahmi doonan, mise wacdaraha aduunka ayay wax ku qaadan doonan?
Waqti intee la, eg ayay u baahanyihiin? Wali towbadu way furantahay,
hadiise ay soo noqon wayaan muxuu noqondoonaa cawaaqibkoodu?

Hadal abwaan tiriyay ayaa wuxuu ahaa ?sideey diintu nagu tiri dawa
malaha aakhiro Nin dalkiisii iibsaday oo dadkiisii wada cunay naarboow
dambeeyso?.

Taariikhdu iyadaa is qorto, ruux waliba waxaa lagu qori doona labada
buug midkood, in lagu qoro buuga dahabkaa ee ilaah uu la doonay kuwa
xaqa u dagaalama duligana anan aqbalin, difaacana diintooda, dadkooda
iyo dalkooda, cidna anan uga hibaysaan rabitaanka shacabkooda, cadowgana
bara baaruud kulul iyo bilaawaha labada afleh.kuwaas oo runahaantii
aduunkana sharaf iyo karaama ku noolaada, aakhirana baraara iyo kuwaara
janatul fardowsa,kuwa ka dambeeya ee ku abtirsadana ay ku naaloodaan
sharaftii iyo karaamadii ay u soo hooyeen dadkooda iyo dalkooda.

Hadaba dabadhilifyada dugsiga mooday Xabashida ee ka leexday dariiqii
rasuulka, dhaqankii ka talaabsaday, dalkoodina gatay, dadkoodii
iibsaday, ee soo
feeysanaya mindidii lagu dili lahaa, woloow horay loo yiri ?Nin abeeso
koriyoow adigaa u aayi?

Iyana waxaa lagu qorayaa, diinlaawayaashaas daba ordyaa cadowgooda
diiwaanka madow ee u gaarka ah .Aduunyadana waxay ku noolanayaan dulli,
waxayna uur ku taalo iyo dhag xumi u tahay kuwa ka dambeeya ee u nisbada
sheegta, aakhirana naarboow dambayn.

Waxaan ku soo qaadanaynaa maqaalkan tix uu tiriyay abwaan C/llaahi
Suldaan Timacade laguna magacaabo ?kala qaayo fogaa.? Wuxuu abwaanku ku
dhaleecaynayaa arar gaaban dabadeed, dadka gumaysi raaca ah ee
danaystannimmadu dhaxalsiisay inay danaha ummaddooda ka soo horjeestaan,
xiliyadii la dagaallankii gumaysiga.Wuxuu yiri:

Nin Quraanka xanbaarsanoo

U qalqaalay yaraanoo

Qaaddirkeen fahmo siiyayoo

Qummaatuu fasiraayiyoo

Kiristaan qamri haysta oo

Allihii Qaadir ahaa iyo

Qiran waayay Rasuulka

Bal qabsoo labadaasi

Kala qaayo fogaa

Kaliil qiiqday abaariyoo

Samadaa qaradaa leh

Qarin weydey daruuriyoo

Qarjaf roob ah la waayayoo

Qablan xoolaha laayay

Qarri meeleey ku hoortayoo

Qulquleysa xareeddu

Oo kayntu qoorta is qoysayoo

Qariibkii socoteeyeba

Qorrog dhay ah la siiyay ee

Qosol uu ka dhag siiyay

Qabsa oo labadaasina

Kala qaayo fogaa

Muuminiinta qamaamtayee

Dhammaan qiiradu haysee

Isticmaarka qalaad iyo

Birtan qoobabka goysayee

Qudhiisi kari weydiyo

Qalbi tuuggan gaboobayee

Qayilaad galabeed iyo

Dhulkeenni qado siistay

Qasdiilaa la yidhaaye

Bal qabsoo labadaasina

Kala qaayo fogaa

Hadaba guntii iyo gabagabadii maqaalkayga, waxaa waano iga ah in
soomaalidu meel uga soo wada jeesato kuwa heeryahooda cunay ee iibsaday
diintoodii, dalkoodii, gumaadaya dakoodii, oo ay meel iskaga tuuraan
kala qoqobka iyo is jiidjiidka anan macnaha ku dhisnayn.

Weedh abwaan tiriyay ayaa waxay ahaayd ?walaalahaan war kala maqlin
wakhti badan ma waaraan, warasada aduunyada iyo xoolo wacan ma yeeshaan,
wadna wuu helaayo way xabaalo badiyaan?.

Hadii lakala qoqobnaado oo anan laga shaqayn midnimada iyo wada jirka oo
aan layska tuurin waranka qabiil iyo wargaafeedka dhaxdeen ah ee aan
gacmaha lays qabsan, gumaysiga nagu wiirsanayana aan meel looga soo wada
jeesan, aad ayay u adkaan doontaa in lagaaro xornimo lagu waaro.

Hadiisi aan isku duubnaano oo aan ka tashano cadaawada gumaysiga faca
wayn ee nabaday waxa aan kujirno manta iyo kuwa horboodaya ee aan naas
nuujinayno in aanan kulladi doonin xornimo.

Xornimo anaanan dhiig loo hurina sahal laguma helo.

Horay ayaa abwaan u yiri ?dhabaqoodhi waashoow aduunyada warbaa jira
aakhirina waxbaa yaal, weyga yaal aduunyada aan wax kaaga sheegee, inta
aad wayahaan waabaryaba u nacamlayn oo walaalkaa u soo xiri, wadkii adi
ku dilayaa harag waxaan u gogashoo, wakhti aan fogayn buu wadnaha ku
jarayaa, waa waxaad aloostee waa in aad ka wabaxdaa.

Aakhirana waxa kuu jira aan wax kaaga sheegee, wajigii ilaaheey arki
maysid waligaa, waadiyaha cadaabkaa adigaya wayaanuhu (tigree) ku dhax
waalan doontaan?.

FG: fikrada qoraalkan waxaa iska leh qoraaga.

Qore Zakariya Ismail.

Email:zakarie_21@hotmail.com.

Wallaahu waliyyuttowfiiq.

Leave a Comment »

RSS feed for comments on this post. TrackBack URI

Leave a comment

Blog at WordPress.com.
Entries and comments feeds.